(ERGO) – Waxaa badbaado u ah 10 liitar oo biyo ah 24 saacba carruurta Faadumo Daahir Cumar oo ku nool xerada Uusle oo ku taalla deegaanka Hoosingow ee Jubbada hoose. Dhabarka ayay uga soo qaaddaa War-biyood sii guraysa.
Waxay subax walba u lugaysaa Wartan oo u jirta 8 km. Dhibaatadan ayay ku jirtaa tan iyo 20 bishii Julay ee sanadkan. Waxaa ugu wacan cillad ay ku timid matoorka ceel-riig ah oo ay ku tiirsanaayeen in ka badan 600 oo qoys.
Faadumo ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 8 ah aysan ku filayn biyaha ay ka keento masaafada fog, kuwaas oo u kala gaari la’ cunnada iyo nadaafadda.
Maalmaha qaar ayay xustay haweenaydan oo 60 jir ah in aysan dabka shidan marka ay awood u wayso in ay u aroorto Warta tabar-yari haysa awgeed.
“Biyaha waa naga go’an yihiin. Caruurtii looma qubaynin. Dab wax lagu saaro oo aan la haynin. Dharkii oo ilmaha ka wasakhoobay oo banaanka iska yaala. Dhibkaas baa nagu haysta meeshan. Murugta iyo walwalka ayaa inoo sii dheer iyo sidee noqon doontaan.”
Waxay walaac ka muujiyay biyaha warta oo sii guraya. Waxay ku qiyaastay in ay ku dhamaan karaan wax ka yar laba toddobaad ah. Bishii May sanadkan ayay galeen Wartan, markii roobka Gu’ga uu ku da’ay deegaankeeda.
Waxay ka dayrisay fursadda ay ku heli karto biyo kale, maaddama kuwa iibka ah ay qiimo sare ka joogaan Hoosingow. 20 liitar ayay xustay in ganacsatada leh booyadaha ay ka siiyaan dadka awooda $1.
Qoysaska dhibaatada dhaqaale ay hayso sida kuwa soo barakacay iyo danyarta ayay sheegtay in aysan awoodin lacagtan. Faadumo oo kaligeed korisa carrurteeda oo agoon ah ayaa tilmaamtay helidda qorshe ay kaga dabaalato.
Waxaa isku biirsaday biyo yarida iyo dhaqaale xumo, taas oo xaalad hubanti la’aan ah galisay qoyskeeda oo barakac ah.
“Biyo cagaartay weeye oo beddelmay oo noocooda aadba aad garanayso in biyo ay ka baddelmeen ayaan ka soo dhaansanaa. Halkaas ayaan ka soo garangarinaa oo dhabarka ka soo saaranaa. Lugihii ayaan ka xanuusanahay. Habeen kasta oogada ayaa nawada xanuunta. Aad iyo aad baan uga cadiban nahay.”
Waxay sheegtay in ay ka sii dartay xaaladda cunno xumo ee qoyskeeda oo markii hore ku tiirsanayd xaabo ay ka soo guran jirtay bannaaka magaalada, taas oo ay ka heli jirtay nolol-maalmeedka carruurteeda.
Waxay waxay xustay in ay waysay fursaddii ay ku dooni jirtay xaabada oo il-dhaqaale u ah, maaddama uu waqtigu ugu badan uga baxo doonista biyaha.
Waxay tilmaamtay in wax ka badan 10 saacadood ay uga baxdo keenidda biyaha, taas oo aan u saamaxayn in ay hesho waqti dheeri ah.
Intaas waxay ku dartay in qaar ka mid carruurteeda soo guraaan xaabada, balse suuq xumo iyo inta ay keenaan oo yar ay sabab u tahay in aan laga iibsan.
“Xaabada mar waa la iga gataa, marna la igama gato. Waxyaabahaas ayaan nolasha ku maarayn jirnay kuwii iyaga ahaana Jaanisba waan u la’nahay. Biyihii ayaa imtixaan nagu noqday, xal ma hayno Ilaahay ayaa inoo haya isagaan xal ka sugaynaa.”
Biyo yarida iyo cunno xumada waxaa u dheer dayac ka haysta dhinaca hoyga. Faadumo waxay gabtay dayactirka aqal cooshad ah oo toddobaadkiiba mar ay dhisi jirtay. Waxay sheegtay in ay dhib ku qabto dabaysho oo kala haatisa bacaha iyo kartoomada gabaadka u ah.
Sanadkii 2022 ayay barakac ku timid Hoosingow. Waxay qoyskeeda kala soo carartay colaad ka dhacday tuulada Buulo-xaaji, halkaas oo ay ku leeyihiin beer labo hiktar ah.
Saamaynta biyo yarida kaliya ma saamayn Faadumo iyo dadka la mid ka ah ee ku jira xeryaha. Waxaa dhibaato xoog leh ku qaba reer-guuraaga iyo xoolahooda.
Muddo ku dhow ayuu hoyana duleedka Hoosingow Axmed Jibriil Yuusuf oo wata 50 geel ah. Wuxuu sheegay in ku baraarugay ceelka jaban, markii uu yimid deegaanka.
“Markii ceelku halaabayay geela ayaan duurka kula maqnaa war umaanan hayn, Warta dadka afkiisa iyo xoolihii way kala gaari waysay. Dhibaatadaas ayaa deegaanka haysta oo aad loo la rafaadsan yahay.”
Wuxuu naawilayaa in mar uun uu helo biyo uu sii xoolihiisa oo haraadsan, kuwaas oo uu ka keenay deegaan miyi ah oo u jira Hoosingow 25 km. Wuxuu xusay in uusan haysan wax lacag ah, isla markaana uu isku soo haleeyay ceelka jabay oo biyihiisu ay ahaayeen lacag la’aan.
Wuxuu qorshaynayaa haddii xal loo waayo hagaajinta ceelka cilladaysan in uu u la hayaamo xoolihii ceelka ugu dhow oo u jira 40 km.
Wuxuu xusay in xooluhu ay biyo la’aanta haysa darteed ay nuglaadeen, taasna ay ku riixayso raadinta xal kale, maaddama aysan haysan dhaqaale.
“Deegaankan dadkiisa xoolo-dhaqato ayay iskaga badan yihiin. Tabartooda way iska yartahay. Matoor cusub iyo waxaas kama bixi karaan.”
Axmed ayaa sheegay in geela uu joogo xilli abaar ah oo biyaha uusan waqti dheer ka maqnaan Karin. Waxaa kale oo xusay in deegaanka Hoosingow iyo deegaanada hoos imaada uu ku yaraa roobka Gu’ga oo hadda uu xaaluf ka jiro.
Ninkan ayaa ka cabanaya xoolo yari ay abaartu bidday. Daaq iyo biyo la’aan ka dhashay roob la’aan saamaysay ayaa horay uga dilay ku dhawaad 20 geel ah. Wuxuu isku dayay sanadihii u danbeeyay in uu ka soo kabto xoolaha ka dhintay.
Wuxuu sheegay in uu si wayn u caawiyay qoyskiisa oo 10 ah iyo xoolihiisa ceelka cilladoobay, kaas oo ay ku tiirsanaayeen.
Hay’adda Wajir South Development Association ayaa saandkii 2019 ku taageertay bulshada Hoosingow matoorka ay ceelka kaga cabaayeen sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Cali Cabdi oo ah maamulaha Ceelka.
Wuxuu sheegay in muddo ku dhow labo toddobaad ay ku foogan yihiin cillad bixinta matoorka biyaha ka soo saara. Wuxuu tilmaamay in ay xaaladda biyo yarida ay la wadaageen Jubbland si loo caawiyo dadka tabaalaysan inta xal looga helayo ceelka.
“Matoorro horay u halaabay iyo niman makaanik ah si ay wax iskugu hagaajiyaan oo matoorradaas la isku qalo oo la hagaajiyo kan. Oonkii sidii ayuu u taagan yahay weli maanan cabin. Dad iyo duunyaba si adag ayuu u saameyey oo aan wali la arag oo dadka waa ooman yihiin. Oon sahlana ma ahan, duunyaduna waa la mid.”
Cilladda ku timid ceelka waxay ku soo aadday xilli roobkii Gu’ga uu ku yaraa deegaanka. Xoolo-dhaqatada ayaa la daalaadhacay daaq la’aan, waxaana ugu biiray saamaynta biyo la’aan ee ka taagan deegaanka, taas oo culayska ku sii kordhisay.