Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday

Jibril Osman by Jibril Osman
August 25, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Carruur barakac ah oo hortaagan Qaydar-cadde iskuul, kaas oo xirmay/Cabddullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 550 carruur ah oo ku nool sagaal xero oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxbarasho la’aan wajahaya tan iyo bishii afraad ee sanadkaan, markii UNICEF ay bishii Abriil joojisay maalgalin ay siin jirtay hay’adda maxaliga ah ee Barak oo iskuulka dhistay gacantana ku haysay.

Yuusuf Aadan Axmed waxa daruus la’aan ka ah lix carruurtiisa ah oo bilaash ugu dhiganayay fasallada 1-2aad ee dugsiga hoose. Wuxuu sheegay inuu ka murugsan yahay waxbarasho la’aantooda uusanna awoodin qarash uu ku geeyo iskuullada kale ee lacagta ah oo calaa arday laga doonayo shan dollar.

‘’Ciyaalkii duurka ayay naga galeen waxbarasho ma leh. Guriga ayay noo fadhiyaan, iskuulkii waa la xiray, dhibaato weyn ayayna nagu tahay qof cuniiisii uusan waxbarasho haysan oo duurka uu galay meel uu geeyana uusan aqoon waa dareemaysa. In iskuulka naloo soo celiyo ayaan rabnaa.’’

Yuusuf ayaa sheegay in muddadii uu iskuullku xirnaa ay carruurtu hilmaameen wixii ay barteen, taas oo khasaare iyo mustaqbal seeg ku ah. Wuxuu xusay in markii hore ay isaga sii bari jireen far-soomaaliga iyo xisaabta, maaddaama uusan horay waxba u baran.

Ninkan ayaa tilmaamay inuu ka dareemay isbadal weyn labo sano iyo bar ay waxbarashada wadeen. Wuxuu rajo ka qabay inay heer wanaagsan ka gaaraan iskuulka. Maadooyinka Soomaaliga, Xisaabta, Carabiga, Tarbiyada iyo Ingiriiska ayay si maalinle ah u qaadan jireen carruurtiisu, waxayn ahayd markii ugu horraysay oo ay wax bartaan.

Qoyska Yusuf oo 12 qof ka kooban waxbarasho la’aanta carruurta waxaa u dheer cunno xumo ay ku wajahayaan xerada Rakaale oo ay degan yihiin. Wuxuu sheegay in uusan joogto ugu awoodin raashin hal mar maalinkii.

‘’Nolosheena aad iyo aad ayay u liidataa, wax la cuno ma leh wax aan haysanana ma leh tabar iyo awoodna ma haayo. Haddii caawa wax la karsado maanta wax lama karsanayo. Nolol Ilaahay ogyahay oo qaab daran ayaa lagu nool yahay. Aad iyo aad ayaan dhib u dareemaynaa.’’

Yusuf ayaa sheegay in reerkiisa uu ku maareeyo shaqo beero falid ah oo aan markasta la helin. Maalinkii ay ugu badan tahay waxaa ka soo gasha hal dollar oo qoyskiisa oo ballaaran aan ugu filnayn cunno. Markii uu soo waayo calool marnaan ayuu xusay inuu carruurtiisa ku seexiyo.

Qoyska ninkaan waxaa sidoo kale ku adag helida biyaha. Ceel gaar loo leeyahay oo u jira 5 km ayay xaaskiisu maalinkii dusha uga soo qaadaa hal labaatanle oo labo kun laga siiyo. Markii ay lacagtaas yar waayaan ayuu xusay in dariska ay dhowr liitar ka soo baryaan si ay carruurtu ugu cabto.

Yusuf ayaa sheegay inay ku nool yihiin hal buush oo cariiri ku ah, oo ay qorraxdu ka dhamaysay bacihii u saarnaa, taas oo keentay inay qabowga iyo dabaysha xagaaga ee dhacaysa ay bannaan-yaal u noqdaan.

Reerkiisa ayaa 2022 ka soo barakacay miyiga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, markii saamaynta abaarta ay kaga dhinteen 25 ari ah oo ay dhaqanayeen, sidoo kalena ay nacfi beeshay beer shan hektar ah oo xilli roobaadka uu raashin ku abuuran jiray.

Xirnaanshaha iskuulkan dadka kale ee ay saamaysay waxaa ka mid ah qoyska Isniino Cali Maxamed. Labo gabdhood iyo labo wiil ayaa u kala dhigan jiray fasallada 1, 2 iyo 3 ee dugsiga hoose. Fursaddii waxbarasho ee meesha ka baxday ayay sheegtay inay niyad jab ku reebtay iyada iyo ilmaheeda.

“Culayska i haayo waxa weeyaan carruurtii ayaa waxbarsho la’aan iga ah, dugsigii labadii dollar ee lagu bixinayay ayaan awoodi waynay, dugsi iyo iskuul midna ma dhiganayaan guriga ayay joogaan. Carruurtii oo waxbarsho la’aan ah meeshii aan gayn lahaana lacag aanan u hayn ayaa murugteedu igu taagan.’’

Isniino ayaa sheegtay in dhaqaale xumada haysa darteed aysan carruurteeda u awoodin in ay ku darto iskuul lacagta ah oo u jira ku dhawaad 15km, kaas oo afartooda loo sheegay inay ka bixiso $20. Waxay xustay inay markasta waydiiyeen iskuul kale inay gayso, balse ay daruuftu ka hor taagan tahay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in waxnarasho la’aanta carruurta ay qoyska u wehliso cunno xumo. Waxay dabooli la’dahay baahiyaha aas-aasiga sida biyaha iyo raashinka. Waxay ku tiirsan yihiin caws ay duurka ka soo gurto iyo maalmaha qaar oo ay dhar soo dhaqdo ama odaygeedu uu dhagax jabin ka soo shaqeeyo.

Shaqooyinkaas waxay ka heleen ugu badnaan $2 ilaa $3 oo hal mar ay dabka saartaan, haddii ay soo wayaana qatooyo ayay ku qasbanaadaan in ay ku joogaan.

‘’Qoyska noloshiisa subax wax ayaa loo karsadaa subax waa la waayaa, habeen waa la qadaa haddana duhurkii ayaa la karsadaa haddii la helo sidaas ayaan ku nool-nahay. Ciyaal yar yar oo caano raba waa la wayayn aan aqoon ayaa nala xiriira. Caqabada i haysata waa wax la cunno iyo biyo ayaan u baahanahay.’’

Isniino ayaa sheegtay in loo haysto deyn $100 ah oo in ka badan lix bil lagu leeyahay. Dad ay raashin iyo biyo dhowr mar ka qaadatay ayay xusay inay waydiimo joogo ah kala kulmayso, balse aysan hayn qaab ay ku bixiso, maaddaama ay la daalaa dhacayso quud-maalmeedka reerka.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in xerada ay degan yihiin ee War-miiraale aysan lahayn wax ceel biyood ah. Waxay ka soo dhaan sadaan meel u jirta 40 ilaa 45 daqiiqo oo socod ah, taas oo culays iyo daal badan ay kala kulmaan iyada iyo ninkeeda.

Isniino ayaa sheegtay in labo sano oo ay deganayd xerada aysan wax gargaar ah helin. 2023 ayay ka soo barakacday deegaanka Ceel-barde, markii roob la’aantu nacfi tirtay beer 2 hektar ah oo masago, galey iyo digir ay ku beeran jirtay.

Hay’ado caalami iyo maxalli isugu jira oo dadka barakaca ka taageeri jiray adeegyada waxbarashaada, caafimaadka iyo biyaha oo joojiyay maalgalintii ayaa dhalisay in qoysas markii hore daruufo adag oo nololeed ku jiray ay xaaladoodu sii adkaato.

Maxamed Nuur Aadan oo ah maamulaha iskuulka xirmay ayaa sheegay in muddo ka badan labo sano oo uu shaqaynayay kadib si kadis ah albaabada loogu laabay iyadoo aan wax ogaysiis hore ha la siin. Wuxuu xusay inuu faa’iido weyn u lahaa waalidiin danyar ah iyo carruurtooda. Ardayda dhigan jiray waxay isaga imaan jireen xeryo kala durugsan si ay daruusta u qaataan, maaddaama uu ahaa halka iskuul ee ku yaallay aagaas.

‘’Xerada waxbarasho la’aan ayaa ka jirta, dadkina aad ayay u niyad jabeen. Wasaarada waxbarashada, dowlada Koonfur-galbeed iyo hay’adaha samafalka waxaan ka codsanaynaa in carruurtaan waxbarashadii loo soo celiyo.’’

Maamulaha ayaa xusay inay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo xalin lahaa caqabadan waxbarasho la’aaneed ee soo wajahday boqollaalka carruurta barakaca ah oo aysan waalidkood ka bixin Karin qarashka iskuulka.

Iskuulka Qaydar-cade wuxuu ahaa kan ugu weyn ee xeryaha ku yaalla. Waxaa ka howlgalayay afar macalin oo bishii ka qadan jiray min $150 mushaar ah, wuxuuna ka koobnaa saddex qol iyo xafiiska maamulka.

Previous Post

Xoolo-dhaqato hore oo Cabudwaaq ka hirgaliyay beero kaabay noloshooda

Next Post

Rag fursad shaqo ka helay geela sida casriga ah loogu dhaqdo duleedka Qardho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Next Post
blank

Rag fursad shaqo ka helay geela sida casriga ah loogu dhaqdo duleedka Qardho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo