Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 11, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo

Maryan Cismaan Cali iyo caruurteeda oo hor fadhiya aqalkooda hortiisa/Cabdukaadir Ismaaciil/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Cismaan Cali iyo qoyskeeda oo ka kooban 6 qof waxay wajahayaan hubanti la’aan nololeed tan iyo bishii janaayo ee sanadkan, xilligaas oo uu ka istaagay gargaarka u ahaa isha keliya ee ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo barakac ku ah xerada Aaciiloow oo ku taalla galbeedka magaalada Marka, kuwaas oo oo ku tiirsanaa lacag 70 doolar ah oo bil walba ay ka heli jireen hay’adda MCAN oo caawisa dadka laga tirada badan yahay.

Qoyska Maryan ma awoodaan wax ay dabka ku shitaan. Waxay xustay inay maalmaha qaar cadceeddu ugu dhacdo iyadoo aan wax cunno ah siinin ubadkeeda. Waa hooyo ka go’an laba lugood iyo hal gacan. Waxaa sababay naafonimadeeda qarax ka dhashay haraadiga hub ay ku ciyaartay carruurnimadeedii. Maryan waxay maaro u la’dahay baahiyaha aasaasiga ah ee qoyska.

“Aniga ilmahayga wax aan nolol maanta aan ku siisto ma heysto mashaqeysan kari labada lugood iyo hal gacanaa ka go’sanahay wax dabka la saarto mar waa helnaa marna mahelno wal wal aad uweyn illeen subax daain soo kac dabka waxaa saarto malahan hadii aad adiga maamo tahay dhibtaada waad dareemeysaa hooyo ilmaheeda ay soo jiidanooyaan dabka waxay saarto ay heynin.”

Maryan Osmaan Cali waxay nolosha ka joogtaa quus. Sababta ay uga duwan tahay dadka kale ee saamaynta ku kordhiyay ayaa ah inaysan shaqaysan karin maaddaama ay tahay qof naafo ah oo aan qaban karin shaqooyinka xoogsiga.

Maryan ayaa sheegtay in xaaladaha is biirsaday ee ay wajahayaan marka laga tago raashinka ay ka mid tahay inaysan iibsan karin biyaha oo jirigaankii lagu shubto labo kun Shilin Soomaali ah. Carruurteeda ayay xustay inaysan uga soo dhaamin karin ceel ka fog maaddaama ay yaryar yihiin iyadana aysan socon karin.

”Biyaha xagooda aniga masoo dhaansan kari mar mar wiil yar aan aniga dhalay oo 10 sano jir ah ayaa iisoo qaad qaada,mar walaalo ayaa iisoo qaada saas darteed waaye dhibka biyaha naga heysto.xag koronto xag raashiin baahideena gaarka ah taas waaye guri oo ku hoyano ma heysano roob ayaa nagu da’ooyo wax walba waa ubaahanahay caawinaad xoog badan ubaahanahay anaga”

Waxaa u dheer hoy xumo. Waxaa gabaad u ah buul saddex mitir, kaasi oo aan celin karin roobka guga oo gobolka ka da’aya. Haweeneydan ayaa sheegtay inay ku dhib qabaan musqulo la’aan ka jirta xerada. Waxay xustay inay wadaagaan labo in ka badan toban qoys kuwaas oo aan u samaysnayn qaab isticmaali karto.

Haweeneydan ayaa intaas ku dartay inay culeysyadan u raacaan xaalado kale oo u gaar sida inay dareemayso caafimaad darro xilli ay awoood u lahayn inay la kulanto dhaktar dhaqaale xumo darteed.

“Wallaahi aniga hadda saan aan kula hadlaayo waan xanuusanahay.wixi ihaayo ma garanayo habeekii qandho ayaa iqabanaysa feeraha way i xanuunaayaan xaalkeyana waa iska xaal aduun.wallaahi daryeel waa ubaahanahay xaga daawo aa awoodi karin markii isbitaal la tago een waa ogtahay irida hore kaar ka gooso waaye daawooyinka lacagee ubaahanyihiin adiga wax walbo waa loo baahanyahay”

Haweeneydan waxay la murugaysan tahay duruufo nololeed oo ku keliyaystay. Waxaa korin, quudin iyo barbaarin ka sugaya carruurteeda oo ay sheegtay inay aabbahood kala tageen, isla markaanna uusan ku siin wax biil ah.

Maryan waxaa welwelka ku badinaya inaysan awoodin inay carruurteeda ku darto waxbarasho maaddaama aysan bishii lacag ka bixin karin. Waxay tilmaamtay inay riyadeedu tahay inay tacliin helaan si ay berri ay garab ugu noqdaan balse ay dantu u run sheegtay.

“Ilmahayga arday iskuul dhigtaan in ay noqdaan waan jeclahay laakiin ma awoodi kari inay dhigtaan iskuulka. Waxaa koos gareeyay lacagti iskuulka lagu bixin lahaa ayaanan awoodin aniga.macalinki dusgiga xitaa ma awoodi kari lacagtii la siin lahaa illeen mahaayo magaratay. Wax ay cunaan ayaan la’ahay intee ka keenaa wax iskuul lagu dhiibo.wax aan codsanaa in iskuul lay geeyo ilmahayga si ay berri wax iigu qabtaan”

Maryan iyo carruurteeda ayaa nolosha barakaca ka fursan waayay 2022. Hadda waxay noloshoodu ku tiirsantahay raashiin bisil oo ay isugu soo dardaraan qoysas deriskeeda oo ka war qaba xaalakooda.

Qoyskan ayaa ka soo barakacay deegaanka Buulo-mareer oo Marka u jirta qiyastii 40 km. Dagaallo deegaanka ku soo noqnoqday oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo dowlada ayaa ku qasbay barakaca.

Waxay ka soo tageen 40 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen markii ay noqdeen wax lumay, inay gateen iyo in risaas ay la laysay. Safar lug ah ayay xeradan ku soo gaareen iyagoo tan iyo imaanashoodii la kulmaya duruufo ku cusub.

Dadka Barakaca ah ee lacagaha gargaarka ay ka istaageen ayaa ka wada siman nolol xumo aysan horay u mudan oo xilligan ay la derseen. Waxaa ka mid ah Maa’ido Cabdi Xasan oo ah hooyo keligeed korineysa lix caruur ah. Ma awoodaan wax ay dabka ku shitaan. Waxay tilmaamtay in lacagta ka istaagtay ay saameyn ballaaran ku yeelatay qoyskeeda maaddaama ay carruurteeda yihiin aabbe la’aan.

Waxaay sheegtay in mudo 5 bilood ah aysan gargaar helin.Lacagta ay ka heli jirtay hey’adii caawineysay ayay tilmaamtay in Nolosheeda kab weyn u ahayd. Maa’ido ayaa tilmaamtay ilaa hadda ogayn sababta looga joojiyay kaalmada ay ka heli jireen.

“Dabka takoor weyn ayay igu heysaa mashidan karo caruurteyda marwalba waa igu soo oyhee wax uma haayo inta wax uga jari inta wax uga jari rafaadaa ku noolahay. Wax dab ah aan shidan karo malahan.xiskanaa la helaayay markoo barkiis xiskanka mala helooyo.ilmihii iyo ani waa isku rafaadsanahay caruurta markii ay iooyin iga badiyaan dariskaa ubaxaadaa baaquli wax loogu keenaadaa saasay ku noolyihiin.”

Maa’ido ayaa tilmaantay in lacag la siin jiray ay bishii ku soo dhigan jirtay raashin ku filnaa. Waxa keliya ee ay ka fekeri jirtay ayaa ka ahaa koosaarta, taas oo ay ka soo saari jirtay shaqo dhar dhaqid ah oo ay kala soo hoyan jirtay maalinta ay hesho ugu badnaan labo doolar.

Haweeneydan waxaa sidoo kale walaac ku hayay hoy xumo. Aqalka ay ku nooshahay ayay sheegtay inuu ka sameysan yahay geedo iyo maryo la isku xer xeray. Waxay sheegtay in aysan awoodin lacag ay baco ku iibsadaan si ay isaga difaacaan dhibicda roobka.

“Hoyga aan ani ku hoydo raamboow geedaha aan ka soo goynay waaye oo isku ta tafanay good oo dhamaaday oo bolol oo xaafadaha kasoo qaadanay aa ku daboolanay aan ku barinaa roob managa celihaayo qorax ayuu naga celinaa maahee roob managa celi haayo hadii roob uu yimaado dhibkii ugu xumaa ayaan ku jirnaa”

Maa’ido ayaa dhamaadkii 2023 ka soo barakacday deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose markii fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ay ka baabi’isay hoygeedii.

Waxay intaas raacisay in dukaan bagaash ah oo ay saarnayd lacag 1500 doolar ah ay biyaha qaadeen, taasi oo soo dadajisay in ay u soo hayaanto xeryaha barakaca.

Cabdi Cusmaan Xasan oo kamdi ah shaqaalaha Xog uruurinta hay’adda u dooda dadka la takooro ayaa sheegay in baahida dadkan ay u gudbiyeen Acted oo dhaqaalaha bixinaysay isla markaana ay jirto rajo.

Wuxuu sheegay in xerada ay ka diiwaan geliyeen xaalado badan oo ka jira sida caruur la daala dhacaysa nafaqo darro kaddib markii gargaarku istaagay.

Wuxuu sheegay in dadkan ay u baahnaan lahaayeen in xarun caafimaad oo bilaash ah isla markaana xerada u dhow loo helo. Cabdi ayaa sheegay in gar gaarka istaagay ay ka dambeyso dhowrkii bil mar hey’ada ay meel cusub xaalado ka jiraan ka jawaabto.

“Codsigaas waa maqan yahay hey’adana diyaar ayayba u tahay in dadkaasi wax soo gaarsiiso rajadooduna aad ayay u fiicantahay marka anaga waa ku raad joognaa hey’adana anagaa daba galoono goor dhow ayaan rajayneynaa in ay wax soo gaaraan dadkaan barakaca ee kaamamka degan.”

Qoysaskan ayaa ahaa kuwo lagu soo xulay inay barakaca kale ka nugul yihiin. Bilooyin kaddib waxay naawinayaan inay dib u heli doonaan taakulada sida ay uga baxaan duruufaha ay maarayn la’ yihiin ee nolosha.

Previous Post

Caafimaad darro iyo dawo la’aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

Next Post

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

Related Posts

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

December 29, 2025
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Next Post
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-DEC-2025

IDAACADDA 28-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-DEC-2025
December 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo