Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo

Jibril Osman by Jibril Osman
March 14, 2025
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Mohamed Omar oo ku guda jira ganacsigiisa maalinlaha/Abdirizak Hajirow/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Cumar Xuseen lix bil kaddib wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wareegay masuuliyadda maareynta nolosha afar walaalihiisa ah iyo hooyadiisa, taas oo ay u suuragelisay dukaan lagu iibiyo dharka raga oo uu ka furtay Muqdisho.

Wuxuu awooday inuu saddexda waqti, kirada iyo waxbarashada walaalihiisa ka maareeyo iibinta dharka ragga. Inuu daboolay baahida qoyskiisa oo uu markii hore u maaro la’aa, ayuu sheegay inay ka caawisay markii uu bishii September markaas suuqa Barakaaha ka furtay carwo lagu gado dharka.

Wuxuu sheegay inuu bille u helo faa’iido u dhaxaysa $500-700. Lacagtan ayaa isbeddel nololeed u horseeday isaga iyo qoyskiisa. Wuxuu faahfaahinayaa sida uu u maareeyo daqligiisa.

“Faa’iido badan ayaan ka helay, kaddib waxaan sameeyay waalidka iyo walaalahay oo gobolka jiray ayaan soo raray oo halkaan aan keenay. Degmada Dayniile ayaan soo dejiyay oo  hadda wixii kharashaad iyo masruuf aan ka dabaro ganacsigaan.”

Maxamed ganacsigaan u bullaalay wuxuu ku furtay lacag $8,000 ah oo uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo sida uu Ergo u sheegay. Sababta uu isaga daayay go’aanka tahriibka ayuu ku sheegay inuu waayay cid uu ku halleeyo masuuliyadda reerka, maaddama ay yihiin danyar markii hore dhaq dhaqaaqiisa ku tiirsanaa.

Sidookale wuxuu tilmaamay  inuu arkay dhallinyaro badan oo horay u tahriibay inay weli ku cadiban yihiin xabsiyada Liibiya, taas oo ahayd  sabab kale oo beddeshay mowqifkiisa.

“Fikrad kale ayaa igu dhalatay oo ah in lacagta aan heysto haddii aan wadada ku galo meesha aan rabana I geyn weyso. Anigana aysan waxba gacanta iigu jirin ay dhibaato tahay oo waxaa waaye waalidka in aan dhibo  maahane faa’iido kale aanan soo kordhin, sidaas darted waxaa igu dhalatay in aan ganacsi sameysto oo waxa aan hayo aan maalgaliyo wax soo saarna aan ku sameyo.”

Lacagta uu ganacsiga ku bilaabay waxay ka soo gashay boos hooyadiisa ay ku lahayd Buuloburde oo uu iibiyay bishii Ogosto ee 2024.  Waxay u noqotay $7,000, balse wuxuu ku kabay $1000 oo kale, taas oo uu ka kaydsaday shaqada cilad-bixinta korontada oo uu magaalada ka qaban jiray.

Maxamed wuxuu sheegay inay ka go’nayd inuu dalka ka tago oo uusan marnaba ku qancin inuu ganacsi sameysto, wuxuu aaminsanaa ina ysan jirin wax fursad ah oo la maalgashan karo oo nolol maalmeed laga soo saaran karo xiligaan.

“Waxyaabaha ugu badan ee kugu dhalin kara inaad tahriibto waa qof aad taqaana oo tahriiba iyo inaad la saaxiibto dad u ololeeya arrimaha tahriibka, sidaas darted aniga labadaas ayaa isku key bahaystay. sidaas ayay igu dhalatay arinka tahriibka.”

Ka hor inta uusan billaabin shaqadaan wuxuu reerkiisa ka ka quudin jiray cilad-bixinta korontada oo uusan ka heli jirin dhaqaale ku filan baahiyaha reerkiisa, balse hadda waxaa u suuragashay inuu shaqadaas uga maarmo ganacsigiisa cusub.

Maxamed Cumar oo 24 sano jir ah ka sokow inuu xal u helay masruufka qoyskiisa, waxaa uu dheer inuu lacagta waxbarashada ka dhiibo afar walaalahiisa ah oo dhigta dugsiga sare, kuwaas oo isku-darkoodu uu bishii ka bixiyo $85.

Wuxuu ka hadlayaa culeysyada kaga degay shaqadaan ee uu hadda miraheeda dheefsanaayo.

“ Sidaan ka filayay si ka badan ayaa iga soo gasha, wayna naga soo hartaa, hal wiil ila shaqeya biilkiisa mesha ayuu ka qataa. Nolosheena aad bay u wanaagsan tahay maanta.”

Maxamed Cumar oo sannad ka hor ay adkayd inuu dhagaysto qof kala talinaya tahriibka oo u sheegaya khatarta iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karta. Wuxuu xusay inuu isbeddel ku yimid aragti walba oo uu horay uga qabay inuu tahriibo, maaddama uu soo arkay xaqiiqo ka duwan doonistiisii hore.

“Wixii aad ku tahriibi lahayd wadankaaga dhexdisa khayraad uu Alle ka buuxiyay baa talaa. Fursadaas in lagu maalgasho ayaan aaminsanahay.”

Maxamed ayaa sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo tahriibka ay tahay in la abuuro fursado nololeed oo wanaagsan si dadku aysan u dareemin baahida keeneysa tahriibka.

Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, tababaro xirfadeed, iyo helitaanka nabad iyo xasilooni siyaasadeed ayuu tilmaamay inay yihiin duruufaha wax ka beddeli kara arrimaha tabriibka.

Previous Post

Badhan: Qoysas barakac cusub ah oo wajahaya cunno yari iyo hoy la’aan

Next Post

Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa’iido dhaqaale

Related Posts

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

December 29, 2025
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Next Post
Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa’iido dhaqaale

Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa'iido dhaqaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-DEC-2025

IDAACADDA 28-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-DEC-2025
December 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo