(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku nool tuulooyin hoostaga deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ayaa awoodi la’ cunnada, waxbarashada iyo daryeelka carruurtooda. Xaaladdan ayaa la soo deristay markii uu ka istaagay bishii Nofeember ee sanadkii hore gargaar lacag ah oo ay ka heli jireen hay’adda WFP.
Cabdiwahaab Xasan Maxamed wuxuu la halgamayaa maaraynta nolosha xaasaskiisa oo afar ah iyo 16 carruur ah oo ay u dhaleen. Ninkan ayaa sheegay inay dantu ku qasabtay inuu ka soo dewersado miyiga fog ee tuulada Haarxoday, halkaas oo ay ku noolyihiin xoolo-dhaqato ay ehelyihiin.
“Saddexda waqti, hal waqti oo ah dhuun ku qooyn oo kaliya ayaan helnaa, mooyee waxkale oo hadda aan helno ama aan haysano majiro. Hadda noloshaanadu waa ay adagtahay. Xag alle unbaa ka noolnahay, laakiin wax nolol ah oo aan haysanno ama aan hiigsaneeno ma jiro.”
Cabdiwahaab oo 63 jir ah ayaa xusay inuu ku dhib qabo safar lug ah oo ku qaata habeenno isaga oo raadinaya cid ka caawisa dab shidashada. Wuxuu isku maraa xoolo dhaqato kala deegaan ah kuwaas oo uusan ka helin taakulayn ku filan.
Geesta kale, waxaa ninkan laga istaajiyay raashin dayn ah oo uu ka qaadan jiray dukaan tuulada ku yaala markii lagu yeeshay lacag dhan $130 taas oo ay qoysaskiisa raashin ku qaateen bishii 1aad ee sanadkan. Wuxuu xusay in lagu wargaliyay in uu bixiyo lacagtii hore haddii uu rabo dayn kale taas oo uusan awoodin bixinteeda.
“Noloshu waa ay nagu adkaatay. Dukaamadii aan ku xirneen ay naga joojiyaan in ay nagu yeeshaan lacago farabadan. Yaa islaam ahee oo wax ii heli karo carruurti ayaa iga baaba’aday oo iga rafaadsan walaahi halkaas dhibaato weyn ayaan ku qabnaa.”
Qoysaska Cabdiwahaab ayaa horay ugu tiirsanaa keliya $90 oo bishii afartiisa reer midkiiba si gaar ah ugu soo dhici jirtay simkaaradooda. Waxay ku gadan jireen raashin ka kooban bur, bariis, sonkor, baasto iyo saddexle saliid ah. Waxa uu tilmaamay in raashinkaas uu kaga filnaa quraacda iyo cashada.
Deeqdaas lacageed ayaa si xiriir ah ugu socotay tan iyo bishiin Juun 2022, xilligaas oo ay barakac ku yimaadeen Haarxoday, kadib markii abaar ay ka dishay 147 neef oo ari ah iyo sodon geel. Sidoo kale waxa uu raadiyay shaqooyinka xoogsiga ah, sida beer falista iyo xabag soo gurista balse uu waayay.
“Wixii la raadsan lahaa waa ama geed xabag leh oo geedka malmalka la dhaho ama geedka maro furfurka la dhaho ama luubaanta la dhaho hadda wixiina wax aad raadsan karto ma’aha oo ilma baahan iyo hooyo baahan ayaa meeshi fadhiyo. Mooraal aad wax ku raadsato oo aad ku orodo maba jiro.”
Qaysaska hubanti la’aan cunno ka dhaxlay kabka dhaqaale markii uu ka joogsaday gargaarka ay ka heli jireen hay’adaha samafalka ayaa ku kala nool tuulooyinka Haarcad, Dhuurey, Haarxoday iyo Fadhiweyne oo ka tirsan deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool.
Ka sokow kuwa gargaarka waayay waxaa jira boqolaal qoys oo kale kuwaas oo barakac ku yimid magaalada Washaaqo labadii sano ee ugu dambeeyay. Waxay dulsaar ku noqdeen qoysaskii hore oo fara maran.
Qoyska Qabuul Xuseen Xasan oo kow iyo toban qof ah ayaa kamid ah. Waxa ay noloshoodu ahayd mid ku tiirsan raashin ay iska soo aruuriyaan qoysas ku nool magaalada oo gargaar ay qaadan jireen hadda uu ka istaagay.
Haweeneydan oo barakac ku ah xero ku taalla Washaaqo oo dib u dajin loogu sameeyay bishii Maarso 2024, ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay haystaan culeyso is biirsaday oo quudku ugu horreeyo.
“Waxaan cunno iyo waxaan cabno waxaa naga caawinayay dadkii aan soo garab degnay ee islaamka ahaa. Baahida iyaga hayso anaguna waa ay na heysaa. Hal waqti baan u helnaa. Sadexda waqti mahelno. Waqti hadaan u helno waqtiga kale ma helayaan carruurtii waa ay iska baahan yihiin.”
Hal sano oo ay deggan tahay xerada ayay sheegtay inaysan carruurteedu waxbarasho helin, haddana ay u la’dahay cuntada hal waqti oo aheyd waxa keliya ee ay haysteen.
Qabuul oo 45 jir ah, ayaa xustay in helitaanka biyaha ay tahay caqabad kale oo ay ku wajahayaan xerada Washaaqo, maaddaama aysan haysan kareeto ay kaga soo dhaansato ceelka magaalada oo aad uga fog halka ay ku noolyihiin. Sidoo kalena aysan awoodin lacag ay biyo ugu shubato biyoolayaasha.
“Kareeto ma haysanno oo caagadaha ayaa anagu iyo dhallaankeenna ku dhaansanaa. Waddadaas ayaan sii cago caddeynaa oo kolba sii soconaa oo dhabarka aan ku soo qaadannaa. Tunka ayaa naxanuunay.”
Qoyska Qabuul waxaa xerada barakaca Washaaqo uga dhisan aqal cooshad ah oo ay sheegtay in maalinkii ay ka door bidaan dhirta harka leh, cadceedda oo kulul waqtigan oo uusan celin karin darteed.
Haweeneydan ayaa aheyd xoolo dhaqato ku nool dowlad deegaanka Soomaalida. Miyiga ayay go’aansatay inay ka soo guurto horraanti sanadkii hore, markii abaar ay dhaafisay ari hal tiro ah oo noloshoodu ku tiirsaneyd.
Dadka gargaarkii uu ka joogsaday waxaa ku jira kuwo si maalinle xaafadaha magaalada uga soo dawarsada si loo caawiyo. Fadumo Cabdullahi Macalin ayaa ka mid ah. Waxa ay xustay in afar saac ka badan ay ku wareegto maalin kasto jidadka magaalada Washaaqo si ay cunto ugu hesho shan carruur ah.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in noloshooda ay adkaatay wixii ka dambeeyay dabayaaqadi sanadki hore oo uu ka istaagay gargaar lacagta ah. Waxa ay xustay in ay u ahayd isha kaliya dhaqaale ee ay haysteen, taas oo ay ka maarayso cunada iyo arad tirka qoyska.
“Aroortii ayaan soo baxaynaa. Xaafadaha ayaan iska dawarsaneynaa. Qofkii nuskiilo na siiyo, qofkii rubac na siiyo, qofkii kiilo na siiyo. Hadaan wax helno alxamdulilaah, hadaan wax weyno waa kaas. Maalin wax waan helnaa maalmaha qaarna waxbo mahelno.”
Faadumo oo da’adeedu tahay 32 jir, haysata sadex carruur ah oo aabahood uusan shaqo hayn. Wax shaqo ah ma hayso dhankeeda, waxay ka welwelsan tahay mustaqbalkooda.
Rajada keliya ee ay qabaan qoysaskan ayaa ah inuu gagaarka dib ugu billowdo. Xiriiro kale kuwan oo aan la sameynay hay’adda xafiisyadeeda gobolka Bakool iyo maamulka Koonfur Galbeed si aan wax uga ogaano waxa keentay in la joojiyo gargaarka ayaa ka gaabsaday ka jawaabidda su’aalaheenna.









