Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro isku bahaystay tacabka beeraha oo isku filaan dhaqaale gaaray

Jibril Osman by Jibril Osman
November 3, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Dadka ka shaqeeya beeraha dalka/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhallinyaro 25 ah ayaa shaqo la’aan iyo dhaqaale darro haysay uga baxay fikrad ay ku midoobeen oo ah tacabka beeraha. Markii ay billaabayeen howshan bishii Jannaayo ee sanadkan ma haysan dhaqaale iyo dhul beereed midna, balse maanta waa mulkiilayaal loo shaqeeyo, joogtana u hela dakhli ay ku maareeyaan noloshooda.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in midkood uusan horay u haysan lacag ay ganacsi ku billaabaan, balse bangiga IBS ayay ka qaateen deyn $2,500. Halkaas ayuu ka bilowday dhaqan galka riyadii ay la noolaayeen. Saddex mar ayay beerta uga soo go’een dalagyo ay u iib geeyeen magaalada Baydhabo oo kala ah yaanyo, basal, basbaas, ansalaato, baamiye iyo karooto.

Waxaa sidoo kale u beeran, balse aan weli u bislaan basal, galley, masago, digir iyo geed miroodyada kala ah babay, saytuun iyo liin-dhanaan. Bashiir Ibraahim Xasan oo dhallinyaradan ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay tahay riyadii ugu weyneyd ee u rumowda. Bashiir oo 33 jir ah ayaa intaas ku daray in shaqadan ay tahay tii ugu horeysay oo uu ka helo dhaqaale joogto ah oo uu ku maareeyo qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisa oo saddex ah.

“Beerahan wax badan ayaan ka faa’iiday, markii hore sida aan u maleynayay iyo sida hadda aan ahay isma lahan. Waxan dabka shidan jirnay quraac, mararka qaar lama karin jirin, casho keliya ayaan ubadneyn. Hadda labaatan iyo afar saac quraac, qado iyo casho waan karsanaa.”

Shaqada uu beerta ka qabto Bashiir ayaa ah abuurista, goynta iyo suuq geynta dalagyada. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo aan cid kale shaqaale u aheyn ay qoyskiisu warwar la’aan ku nool yihiin. Dhaqaalaha bil kasta uu helo ayaa gaaraya $150 illaa $200.

Markii hore ayuu xusay in nolosha qoyskiisu ku tiirsanayd shaxaad iyo shaqo aan joogto ahayn oo ah dhagaxa dhismaha, taas oo maalinka uu qabto uu ka heli jiray ugu badnaan $3.

Wuxuu tilmaamay in dhaqaale yarida darteed aysan awoodin xilligaas in hal waqti ka badan ay dabka shitaan. Walaac ay xaaladaas ku haysay darteed ayuu sheegay in marar badan uu ku fakaray in dalka uu iskaga tago, balse go’aankiisa waxaa badalay saaxiibadiis oo ku dhiiri galiyay inuu qeyb ka noqdo fikradan.

“Shaqo la’aantu tahriib inaan ka fekero ayay igu keentay, balse waan xasilay markaan maareeyay nolosheyda.”

Qoyska Bashiir ayaa sanadkii 2015 ka soo barakacay degmada Berdaale oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Noloshiisu waxay ku tiirsaneyd beer shan hektar ah, taas oo uu tacabkeeda u joojiyay roob yari darteed. Inuu beeraley hore ahaa waxay u fududeysay inuu la qabsado shaqada uu hadda hayo.

Dhallinyaro kale oo 50 ah, una badan danyar ku nool xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo ayaa beerahan ka shaqeeya.

Waxaa ka mid ah Xuseen Yuunis Salaad oo qoyskiisa ku maareeya $100 bishii la siiyo. Howsha uu qaabilsan yahay ayaa ah waraabka iyo falitaanka.

Shaqadan oo joogto u ah tan iyo bishii Feberaayo ayuu xusay in qoyskiisa ay ka saartay cunno yari ay wajahayeen.

“Wax weyn oo is bedel ah ayaan dareemay. Markii hore dhinaca raashinka aan ka cabsi qabAy oo aan welwel ka qabey intee ka keeneysaa aan is lahaa, hadda taas kama cabsi qabo.”

Fursadda uu helay ayuu sheegay inay ku soo beegantay iyadoo shaqo la’aantu gaarsiisay heer uu maareyn waayo nolosha qoyskiisa oo waxa kaliya ay heli jireen ay aheyd in qaraabadiisu ku caawiyaan waxay hal waqti dabka ku shitaan.

Xuseen oo 36 jir ah ayaa tilmaamay in waxa ugu liita ee qof uu wajaho ay tahay shaqo la’aanta oo uu xusay inay ku beertay warwar joogta ah oo mararka qaar hurdada u diida.

Bishii Juun ayuu sheegay in iskuul hoose ah uu geeyay carruurtiisa oo markii hore dhaqaale darradu ka hor taagneyd inay waxbartaan. Wuxuu bishii ka dhiibaa $20.

“Nolol maalmeedkeyga sidii hore ma ahan. nolosheyda aad ayey wax uga bedeshey inta aan beertan ka shaqo billaabay. Cunto, waxbarasho, kiro iyo baahi kalaba kama warwaro anigu.”

Xuseen oo ah aabbaha lix carruur ah waxaa u suurta gashay in qoyskiisa uu ka soo raro bishii Juun xerada Buula-fiin oo ay ka deganaayeen aqal xooshad ah muddo labo sano ah. Waxay hadda ku nool yihiin jiingad labo qol ah oo $20 kiradoodu ay bishii tahay.

Xuseen ayaa sheegay in $200 uu keydsaday bilihii uu beerta ka shaqeynayay. Qorshihiisa ayaa ah in mustaqbalka uu sameysto ganacsi u gaar ah oo uu ka helo dhaqaale intan ka badan.

Ninkan ayaa ah beeraley abaar darteed uga soo barakacay 2022 deegaanka Deynuuney oo qiyaastii 20 km u jira magaalada Baydhabo. Halkaas waxaa ugu yaalla beer saddex hektar ah oo uu nolosha reerka ka maareyn jiray.

Hadda qorshaha uguma jirto inuu dib u noqdo. Wuxuu sheegay in meesha uu joogo uu ka abuuran karo nolol ka wanaagsan tii ay daruuftu ka soo barakicisay.

Dhul beereed cabbirkiisu yahay 15 hektar ayay dhallinyaradan ku kireysteen bishii lacag $100. Waa Iskaashato loogu yeero Xannaano labo.

Maxamed Ibraahim Axmed oo hormuud u ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xilli kasta ay wax beeran karaan oo aysan ku tiirsaneyn biyaha roobka oo keliya. Ceel riig ah ayay u isticmaalaan waraabka beerta, kaas oo iyaga iyo beeraley kale oo deris la ah ay u qoday hay’adda UNICEF.

Maxamed ayaa xusay in markii ay qiimeyn sameeyeen, ayna arkeen in wax soo saarka beeruhu yaryahay isla markaana uu yahay suuq fursad leh. Sidaas ayuu tilmaamay inay ku doorteen in tacabka ay xoogga saaraan.

“Dhaqaalaha si siman ayaan u qeybsanaa oo shaqada waan qeybsanaa oo anaga xataa dhinac ayaan falnaa beerta. Marka shaqaalaha naga baxsan lacagtooda siino, anaga wixii soo hara ayaan qeybsanaa, waana ku wada qanacsanahay.”

Maxamed ayaa sheegay in markii hore uusan jirin qofna u shaqeyn jiray billowgii. Wuxuu xusay inay howsha beerta oo dhan ay qaban jireen 25 kooda, haday tahay waraabin, abuuris, falid iyo goyn.

Dadka hadda u shaqeeya ayuu tilmaamay inay qaateen markii uu ballaartay wax soo saarkooda oo ay dhaqaale heleen.

Saddex mar oo dalagyadu u soo go’een ayuu sheegay in markiiba ay ka faa’ideen lacag gaareysa $2,500 illaa $3,000. Shaqo la’aanta ayuu xusay in la yareyn karo haddii dhallinyaradu ay midnimo u wajahaan fursadaha la maal-gashan karo.

“Dhulkan muhiimadda uu leeyahay wax loo dhigo ma jiraan. Wadan kasta oo horumaray oo aad aragto wuxuu ku horumaray beero.”

Maxamed ayaa intaas ku daray inay iska bixiyeen bishii Maarso deyntii ay soo qaateen, markaas oo ay gurteen dalagyadii ugu horeeyay.

Heerka shaqo la’aanta ee Soomaaliya ayaa ah mid sarreeya sabab la xiriirta fursadaha maalgashiga oo yar iyo amniga xumada.

Previous Post

Hiiraan: Beeraley dalag la’aan iyo go’doon wajahaya markii fatahaad ay saameysay

Next Post

Muqdisho: Daraasad lagu oggaaday in 6000 oo carruur ah ay waxbarasho la’aan wajahayaan

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 2, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

January 31, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Next Post
Muqdisho: Daraasad lagu oggaaday in 6000 oo carruur ah ay waxbarasho la’aan wajahayaan

Muqdisho: Daraasad lagu oggaaday in 6000 oo carruur ah ay waxbarasho la'aan wajahayaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-FEB-2026

IDAACADDA 02-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo