Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Qoysas ku tiirsanaa ganacsiga Maydiga iyo Beenyada oo suuq-la’aan ku dhacday wax soo saarkooda oo ka cabanaya nolol-xumo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 7, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kalluumaysatada deegaanka Binna ee gobolka Bari oo ka cabanaya jariif

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Bile Yuusuf Nuur oo ka mid ah in ka badan 200 oo qoys oo ku nool dagmooyinka Qandala iyo Baargaal oo ka tirsan gobolka Bari ayaa wajahaya xaalad dhinaca nolosha ah. Waxaa istaagay ganacsigii Maydiga iyo Beenyada oo ay ku tiirsanaayeen afar bil ka hor, xabagtan oo loo dhoofin jiray dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ganacsatadii iibsan jirtay ay diideen in ay qaataan, markii uu saamayn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunka Karoonaha.

Dhaqaale xumada haysa qoyska Bile waxay sababtay in ay kala irdhoobaan qoyskiisa oo toban qof ah. Toddobo carruurtiisa ah ayuu ku daray labo qoysas ehelkiisa ah oo daggan tuulada Gumax iyo miyiga hoostaga, ninkan oo barakac ku tagay Baargaal horraantii bishii May wuxuu billaabay in saxiimad yar uu la raaco koox kaluumaysta ah oo uu ka codsaday in nolol-maalmeedka uu la soo dhacsado.

“Intii danbe oo sanadkan ahayd waxaan ka shaqaynaynaa oo aan aadnaa badda saxiimadaha dadku leeyihiin ayaan shaqo tag u raacaa, nolosha ugu badan maalinta la fiican yahay waxaan helnaa $3 maalmaha qaarna lama helo.”

Ka hor saamaynta dhaqaale xumo Bile sanadkii labo jeer ayuu goosan jiray xabagta isaga oo suuq-gayn jiray bisha Oktoobar. Wuxuu ka heli jiray $3000 isagoo ku dabari jiray daymaha uu qaato iyo waxbarashada carruurtiisa. Hadda afar ka tirsan ayaa dhaqaale xumada uga haray iskuulka hoose iyo dhexe ee Gumbax.

“Sanadkaa qofka Xijiga haystaa $3000 marka uu helo $1000 ama $1,500 ayaa u harta. Wuxuu doono ayuu ku qabsan jiray waxbarashada ayuu iskaga bixin jiray nacfi ayuu heli jiray, hadda waa ku qabsataye ha is-qalloocin waxaan ku jirnaa nafta yaysan kaa bixin maanta.”

Wuxuu tilmaamay in sababaha uu u joojiyay soo saaridda Maydiga iyo Beenyada in ay tahay lacag looga yeeshay labo geed oo uu xabagta ka guranayay islamar kaana ugu kiraysnaa $250 oo sanadle ah, waxaa iskaleh qoys ka shaqeeya xannaanaynta geedahan iyo sarciddooda oo ah in xiliga roobka loo diyaariyo sidii xabag badan ay u dhali lahaayeen. Iyadoo marka ay roobka ku irmaanaadan lagu sameeyo qaybahooda hoose dillaacin si ay xabagta ay u dhalaan.

Geedaha ugu wax soo saarka badan waxay qaarkood jiraan in ka badan boqol sano, qoysaska daggan dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ayay u yihiin hanti ma guurto ah oo ay dhaqaale ay ka helaan, Bile uma suurto galin bixinta kirada geedaha sanadkii hore sidoo kale waxaa lagu leeyahay $2,120 oo uu dayn ku qaadanayay tan iyo sanadkii hore.

Suuq-xumada ku dhacday ka ganacsiga Xijiga waxay saamaysay xataa ganacstadii ka iibsan jirtay dadka soo gura xabagta, Abshir Maxamed Maxamuud oo aabbe u ah qoys qof 6 ah wuxuu ka mid ahaa ragga ka dhoofiya Maydiga xeebta Qandala, ganacsato ajaaniib iyo soomaali iskugu jirta oo daggan dalka Sucuudiga ayuu xusay in ay sanadkiiba labo jeer ay ka iibsan jireen dadeecaddiisa, sanadkii hore wuxuu beec u helay oo kaliya 150 kiish halka markii hore in ka badan 600 oo kiish uu dhoofin jiray.

Wuxuu sheegay in ku dhawaad afar boqol oo kiish oo xabagtaas ah oo halkii xabbo $17 uu ka bixiyay ay ku xaraysan yihiin baqaaro ku yaalla Qandala, maaddama uusan beec u hayn, wuxuu billowgii sanadkan joojiyay iibsashada xabag kale.

“Hoos bay u dhacday sababtoo ah lama qaato bahalkan markii hore waa nalaga qaadan jiray hadda se wax naga qaataa ma jiraan, ganacsigii sidaas buu isku taagay maaddama uu wareegi waayay, waan iska sugaynaa xiligii aan wax ku helnaa insha allaahu rajaynaa in ay wax isbaddelaan.”

Siciid Cali Daahir oo daggan duleedka Qandala wuxuu wali ku foogan yahay iibinta xabagta nuuca Beenyada oo bishii koobaad ee sanadkan u soo go’day, wuxuu leeyahay geed 70 jir ah oo uu aabbihiis ka dhaxlay, Siciid oo aan hadda haysan suuq dibadda ah waxa uu iibiyaa kiilooyin Foox ah oo uu geeyo Qandala iyo dagmooyin kale oo ka tirsna gobolka Bari.

“Markii uu dhaqaaluhu hoos u dhacay meeshii $5 ama $6 kiiladii ahayd hadda waxay tagay $2, faa’iido sanadkan ugama xisaabtami karo, dayn hore oo sanadkii hore aan qabay oo dibaaji ah ayaa jirta mid lagu maareeyo qoyska iyo nolosha dadka ayaa jirta sida adeegga dharka iyo gabaha dayn baa lagu qaada.”

Wuxuu sheegay in toddobaadkii saddex ilaa afar kiilo oo Beenyo ah laga iibsado, taasi oo ku qasbaysa in uu raashin amaahdo maaddama aysan ku filnayn, $150 oo dayn ah ayaa lagu leeyahay oo uu qaadanaya bilihii la soo dhaafay, Siciid wuxuu aaminsan yahay in soo labakaclaynta Karoonaha ee sanadkan ay galaafatay suuqoodii dibadda.

“Dibadaha ayaa loo qaadijiray ama carabaha baa loo rarijiray haddii loo rarijiray xanuunkaan Covid-19 sida uu u yimid waddanka dhaqaalihiisa hoos buu u dhacay ganacsatadii qaadan jirtana way joojisay farahana ka laabatay.”

 

Previous Post

Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

Next Post

Muqdisho: Dhallinyaro barakac ah iyo kuwo jaamacado ka qalinjabiyay oo shaqo ka helay shirkado kalluumaysi

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Dhallinyaro barakac ah iyo kuwo jaamacado ka qalinjabiyay oo shaqo ka helay shirkado kalluumaysi

Muqdisho: Dhallinyaro barakac ah iyo kuwo jaamacado ka qalinjabiyay oo shaqo ka helay shirkado kalluumaysi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo