Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Masjid ku yaalla Qardho oo looga dhaqmo nidaamka ka hortagga faafista Koroona

Radio Ergo by Radio Ergo
April 27, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Masjid ku yaalla Qardho oo looga dhaqmo nidaamka ka hortagga faafista Koroona

Jameecada masjidka Towba oo ilaalinaya kala-fogaanshaha, xilli ay salaad isu diyaarinayaan/Maxamuud Nadiif Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Masjidka Towba ee magaalada Qardo ayaa muddo sanad ah waxaa si toos ah looga dhaqan-geliyay nidaamyada ka hortagga xanuunka Koofid-19, si loo ilaaliyo caafimaadka jameecada masaajidka maaddaama uu cudurku ku sii faafayo Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta masaajidka ayaa xiray goobaha weysada waxayna sidoo kale jameecada amreen inay la yimaadaan saliyo u gaar ah. Rooggii masaajidka ayaa laga qaaday maaddaama uu keeni karo in haddii ay dadka iskula tukadaan ay ka dhalan karto nadaafad-darro faafin karta cudurka.

Jameecada masjidka ayaa ku khasban inay xirtaan afxirkooda mar walbo ay masaajidka imaanayaan, waxaana sidoo kale la ilaaliyaa kala-fogaanshaha marka salaadda la tukanayo.

Imaamka masjidka, Cabdullaahi Yuusuf Kilaas ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in mas’uuliyiinta masaajidka ay si iskood ah ugu dhaqaaqeen inay dhaqan-geliyaan nidaamyadaan si looga hortago faafida cudurka Koroona.

“Bataatan roog waan joojinnay xaaladda caafimaad ee jirta awgeeda. Roogga waxuu soo qaadayaa wasaq badan iyo wax badan oo cudurka soo jiidan kara. Waxaan ka taxaddarnaa arrimaha nadaafadda oo dhan,” ayuu yiri.

Dhulka masjidka laga dhisay waxaa bixisay haweeney Soomaali ah, taasi oo geeriyootay ka hor intii aan la dhameystirin dhismaha masaajidka. Carruurteeda oo ku nool qurbaha ayaa la wareegay dhameystirka dhismaha masaajidka iyo maalgelinta joogtada ah ee ku baxda howl-socodsiintiisa. Carruurtaan ayaa u soo iibiya masjidka jeermisdile lagu dhaqo mutuleelka masaajidka salaad walbo ka hor iyo kaddib inta aan ka aheyn salaadda subax oo imaamku uu sheegay in dad yar ay ku soo tukadaan masjidka.

Masjid Towba ayaa ah masjidka keliya ee ku yaalla Qardho ee dhaqan-geliya shuruudaha caafimaad ee xanuunka Koroona. Imaamka masjidka ayaa sheegay in arrinkaan uu soo jiitay dad badan oo qaarkood ka yimaada meelaha ka fog masjidka tan iyo intii uu cudurka dalka ku soo labo-kacleeyey.

“Marka ay dadka nagu cusub diidaan kala-fogaanshaha waan u sheegnaa in ay ka fiican tahay nafta badbaadinteeda saf la isku dhawaado, waayo salaadda in la isku dhowaado way fiican tahay, balse haddii xaalad ka daran ay timaado caafimaadka waxaa weeyaan safkii waa lagu kala kacayaa. Bal salaadda ayaaba haddii ay xaalad caafimaad timaado la joojinayaa, masaajiddaba laga joojinayaa, haddii ay xaaladda caafimaad ee waxa waaye adkaato.”

Cismaan Aw Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku xiran masjidka Towba ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalin walba uu shanta salaad uga yimaado xaafaddiisa oo masaajidka u jirta hal kilomitir iyo bar.

“Masaajidkaan aniga waxaan ku doortay dhaqan-gelintooda ay dhaqan-geliyeen kala-fogaanshaha. Waxaan soo maraa dhowr masjid marka aan xaafaddeyda ka soo socdo, balse masaajidda kale ma ilaaliyaan nidaamyada ka hortagga cudurka Koroona,” ayuu yiri.

Cismaan ayaa sheegay in jameecada masjidka ay tan iyo sanadkii 2020-kii ilaalinaayeen kala-fogaanshaha oo ay isu jirsanaayeen ilaa iyo hal mitir.

Hase yeeshee, nidaamka ka jira masjidka oo caan ka noqday bulshada Qardho dhexdeeda ayaa walaac dhanka dadka soo badanaya ah ku dhaliyay Cismaan, maaddaama ay boosaskii u dhaxeeyay dadka tukanaya ay soo yaraanayaan, taasina ay dhalin karto in meesha ay ka baxdo kala-fogaanshaha.

Wuxuu ku boorriyay imaamyada masaajidda Qardho inay ku daydaan masjidka Towba oo ay dhaqan-geliyaan nidaamyada ka-hortagga cudurka.

Maxamuud Xirsi oo asagana ka mid ah jameecada ayaa xusay in uu ku doortay masjidkaan dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta bulshada awgiis.

Wuxuu kula taliyay dadka isugu imaanaya masaajidka inay mar walbo ilaaliyaan nidaamyada caafimaad ee looga hortagayo faafidda cudurka oo aysan keliya ku koobin xilliyada ay masjidka joogaan.

“Cudurka Koroona waa wax jira, waxaana uga badbaadi karnaa keliya inaan xiranno afxirka, sidoo kalena aan ilaalinno nidaamyada caafimaad ee kale,” ayuu yiri Maxamuud.

 

Previous Post

Galgadud: Beeralay helay abuur, tababbar, qalabka waraabka beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka

Next Post

Roob daad sababay oo barakiciyay qoysas ku nool degmada Guna-gado ee gobolka Jarar

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
QOYSAS ISAGA GUURAY XAAFADAHA WEBIGA KA AGDHOW EE MAGAALADA BELEDWEYNE

Roob daad sababay oo barakiciyay qoysas ku nool degmada Guna-gado ee gobolka Jarar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo