Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Jigjiga: Biyo yari saameysay qoysaska danyarta ah oo aan iibsan karin biyaha oo qaali noqday

Radio Ergo by Radio Ergo
April 11, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Magaalada Jigjiga waxaa ku dhowaad saddex todobaad ka jirta xaalad biyo yari ah oo saameyn ku yeelatay qoysas badan gaar ahaan danyarta. Fuustada biyaha ah ayaa hadda qiimaheedu marayaa $3.5 illaa $4, halka markii hore uu qiimaheedu ahaa wax ka yar $1.

Qoysaska danyarta ah ee biyo yaridu saameysay waxaa ka mid ah qoyska Shamis Cali Maxamed oo awoodi waayay in ay iibsadaan biyaha.

Shamis oo ah hooyada toddobo carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in maalintii oo dhan ay helaan hal 20 qaad oo biyo ah kaasi oo ay ku caawiyaan reeraha deriskooda ah.

“Biyaha marna deriska ayaan ka tuugsanaa oo waan helnaa, marna waan qadnaa. Harraad baan naf u nahay. Jeerikaankii biyaha waxaa lagu iibiyaa $0.4 dollar, xitaa hadii lacagta aad haysato tuugtan iyo baryo ayaad ku gadani biyaha.”

Shamis oo nolasha caruurteeda ka maareysa ganacsi yar oo ah qudaar ay ku iibiso waddada dhinaceeda oo maalinkii ay ka hesho celcelis $1 ayaa sheegtay in iyada iyo caruurtu ay halis ugu jiraan cudurka karoonaha madaama aysan haysan biyo ay gacmaha ku meertaan. Waxa ay tilmaantay in biyaha yar ee reerku helo aysan ka badneyn cabista iyo cunno karinta. Waxaa murugu ku haya biyo yarida ku soo beegantay Xilligan jiilaalka ah iyo bisha ramadaanka.

“Cudurkaan ayaanba halis ugu jirnaa madaama aan haysan wax biyo ah oo gacmo dhaqis aan u adeegsan karno. Biyihii lacabi lahaa ayaa la la’nahay.”

Sida ay waaxda biyaha ee magaalada Jigjiga u sheegtay Raadiyo Ergo, biyo yarida waxaa sababay ceelasha magaalada oo biyo yareeyay jiilaalka dartiis iyo biyo xereen duleedka magaalada ku yaala oo guray bilihii lasoo dhaafay, kaas oo booyaduhu ay ka soo dhaamin jireen biyo qiima jaban oo xareed ah.

Maryama Cabdi Yuusuf oo ah hooyada 13 carruur ah oo suuqa Jigjiga ku wareejisa bacaha wax lagu qaato, ayaa iyadana sidoo kale dhibaato ku qabta helitaanka biyaha.

Maryama ayaa sheegtay in reerkeedu uu awoodi waayay dhaqista dharka iskuulka ee caruurta madaama biyaha yar ee ay iibsadaan aysan ka badneyn sida ay sheegtay cabitaan iyo cunno karin.

“Biyo la’aantu aad ayey noo saameeysay. Dowladda waxaan ka codsaneeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay noo gargaarto oo ay xoogga noo saarto sidii aan biyo ku heli laheyn.”

Maryama ayaa sheegtay in Isniintii iyo Talaadadii ay qoyskeedu waayeen biyo iyagoo haysta lacagtii ay ku iibsan lahaayeen. Iyadoo sheegtay in markii ay dariskeeda ka weyday ay ku qasbanaatay in carruurta ay u soo iibiso labo liiter oo ah biyaha warshaduhu sifeeyaan si carruurtu ay ugu cabaan.

“Caruurta biyaahaas sajalka ah ayaa marba mid u soo saareynay markii ay harraadaan. Waxaa jira dad anagu aan dhaanno boqolkiiba boqol oo naga sii liita.”

Qoyska Maryama ayaa ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan iyada iyo seygeeda. Waxa ay iyadu wareejisaa waddooyinka magaalada Jigjiga bacaha adeegga lagu qaato, halka seygeeduna uu yahay harqaanle. Shaqooyinkan ayey ka helaan maalinkii celcelis illaa $3.

“Maalinkii waxaa na soo gala hal doolar oo anigu keeno iyo labo doolar oo odaygu keeno marka isma kaafinayaan oo kuma wada iibsan karno iyo wax la cuno.”

Wakaaladda biyaha ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Radio Ergo uu wax ka weydiiyay biyo yaridan waxa ay ka qabanayaan ayaa sheegtay in hadda aysan xaaladdan u hayn xal deg deg ah.

 

Previous Post

Galgaduud: In ka badan kun neef oo harraad ugu dhintay deegaanka Maarsamage

Next Post

Xoolo-dhaqato uu saamaysay jiilaalka oo shaqada liin-qalajinta dhaqaalaha ay ka helaan ku badbaadiya nolosha qoysaskooda

Related Posts

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato uu saamaysay jiilaalka oo shaqada liin-qalajinta dhaqaalaha ay ka helaan ku badbaadiya nolosha qoysaskooda

Xoolo-dhaqato uu saamaysay jiilaalka oo shaqada liin-qalajinta dhaqaalaha ay ka helaan ku badbaadiya nolosha qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-SEP-2026

IDAACADDA 30-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo