Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Cadaado: Goobaha ganacsiga oo joojiyay deymaha ay siin jireen xoolo dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
April 29, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaar ka mid ah dadka Burco oo cuntada deeqda ah la qaata barakacayaasha

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ayaxa soo noqnoqday ee cunay dooggi iyo dalagga beeraha iyo roobki dayrta oo yaraa ayaa keentay in xoolo dhaqatada lagu yeesho daymo badan, taasoo marki dambe sababtay in ganacsatada ay daymaha ka qaadan jireen ay u diidaan.

Xoolo dhaqatada ayaa xilliga jiilaalka ah oo xooluhu caatada yihiin raashin dayn ah ka sii qaata dukaamada iyo bakharraada, si marka ay doogsadaan oo xooluhu iibna yeeshaan ay asaga bixiyaan.

Faarax Maxamuud Ciise oo ku nool miyiga magaalada Cadaado ee goboolka Galgaduud, ayaa sheegay in lagu leeyahay lacag dhan 1800 oo doollar oo raashin dayn ah oo uu qaadanayay tan iyo bishi bishii Nofeembar 2019-kii. Bishi koobaad ee sanadkan ayuu bakhaarrkii uu ka qaadan jiray deynta ku wargaliyay in uu ka joojiyay.

“Inta badan daynta waxaan qaatay marki arigu aad u daciifay oo wax aan suuqa geeyo kawaayay,” ayuu yiri Faarax.

Qoyska Faarax oo ka kooban sagaal qof ayaa nolashoodu ku tirsan tahay ariga, afartan ka mid ah 170 oo uu lahaa waxay uga le’deen calaf iyo biyo la’aan darteed, 130-ka neef ee u haray maleh cad iyo caano toona.

Qoyskiisa ayaa bishan isticmaalaya raashin uu ku soo gatay 50 doollar oo uu walaalki uga soo diray magaalada Muqdisho. Faarax ayaa aada magaalada Cadaado si uu deyn iyo deeqba ugu soo helo carruurta kadib marki laga joojiyay daynti uu ka qaadan jiray goob ganacsi oo uu macmiil u ahaa.

“Arigayga kuma jiraan orgi waawayn oo hadda suuqa leh, guud ahaanna waaba caato, ma garan karo si aan daynta isaga bixin doono haddii xaalku sidan sii ahaado.”

Qoysaska qaar oo bakhaarrada ay daymaha ka qaadan jireen ay u diideen ayaa si ay raashin u helaan, waxay qaab dayn ah uga qaadan jireen dadka daymaha ka soo qaata bakhaarada si ay lacagta qaybtooda u bxiyaan.

Cabdishakuur Xuseen Warsame oo ah aabbaha qoys shan qof ka kooban ayaa tan iyo bishi Janawari raashinka la qaybsanayay qoys ay qaraabo yihiin oo ku xirnaa dukaan balse ayagiina loo diiday in dayn la siiyo. Cabdishakuur  ayaa sheegay in lagu leeyahay 800 oo doollar.

“Waxaan ku noolayn raashinka ay soo qaataan qoyska aan qaraabada nahay, taas oo sii kordhisay deynti la igu lahaa,” sidaa waxaa yiri Cabdishakuur oo 80 neef oo ari ah uu lahaa 40 ka mid ah ku waayay abaarta laga soo billaabo bishi koobaad ee sanadkan.

Xilligan oo kale suuqa magaalada Cadaado waxaa la keeni jiray xoolo badan si soonka ay uga faa’ideystaan xoolo dhaqatada, kuwaas oo ku heli jiray iib wanaagsan.

Maxamed Cabdi Cumar oo bakhaar lagu iibiyo raashinka iyo alaabo kale ku leh magaalada Cadaado ayaa sheegay in laba boqol oo qoys oo xoolo dhaqato ah uu dayn siin jiray tan iyo sanadki 2019 balse hadda ka soo reebay 50 qoys oo kaliya.

“Laba qoys ayaan ku leeyahay min kun doollar, halka inta kale aan ku leeyahay lacag u dhexaysa $100 ilaa iyo $, 1000,” ayuu yiri Maxamed oo xusay in uu u cabsaday ganacsigiisa.

Previous Post

Roob daad sababay oo barakiciyay qoysas ku nool degmada Guna-gado ee gobolka Jarar

Next Post

Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho

Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo