Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qoysas dagaal uga soo barakcay deegaannadooda oo wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
March 16, 2021
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas dagaal uga soo barakcay deegaannadooda oo wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan

Dadka qaar oo geed hoostiis darmo ku fadhi/Naciimo Siciid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad lagu qiyaasay 500 oo qoys oo ka soo barakacay dagaallo ka socda deegaannada Yaaqbariweyne, Jiirakuullow, Cabdigurey iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa cunno xumo iyo hoy la’aan ah ku wajahaya xeryo ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Maxamuud Axmed wuxuu qoyskiisu ka mid yahay boqollaal qoys oo labadii bishan Maarso ku biiray xerada Bangala ee degmada Dayniile.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo saddex qof ah iyo qoysaska kale ee cusub ay quutan raashiin qaaraan ah oo la siiyo hal waqti kaas oo maamulka xerada uu ka soo uruuriyo qoysaska horay xerada u degganaa oo 400 gaaraya.

“Bishaan maamada kaamka ayaan hunguri ka cunaynay. m ar mar shaah cad oo barax ah oo biyo loo bedeiyay ayaan iska cabnaa. Mar bariis biyo lagu kariyay baa nala siiyaa, iyaduba dan waaye. Haddi meel aan wax ka keenayno aynaan haysan waxaan walwal ka qabnaa inaan cuntada aan halkan ka heleyno ay sii socon doonto iyo in kale.”

Maxamuud ayaa xusay in aysan haysan hoy ay ka galaan qoraxda iyo qabowga balse ay iska jiiftaan bannaanka iyagoo gogol ka dhiganaya kartoommo si ay isaga xejiyaan dhulka. Wuxuu intaas ku daray in xerada ay nabad ku haystaan isla markaana aysan ka walwaleyn dagaalkii ay deegannadooda uga soo carareen.

Wuxuu tilmaamay in inta uusan ka soo barakacin colaadda ka jirta deegaankiisa ay nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd caanaha labo sac iyo toban riyo ah oo uu u iib-geyn jiray magaalada Marka ee gobolka Shabeelle hoose isla markaana uu maalintii ka heli jiray saddex doollar iyo bar. Maxamuud ayaa sidoo kale lahaa beer uu ku tacban jray dalagyada sisinta, digirta kuwaas oo marka ay u soo go’aan uu xoolo ku iibsan jiray lacagta uu ka helo.

“Markay siisintu ii soo go’do labo sac baan Afgooye ka gadanayay. Wax baan isku habeysan jiray. sisiinta markaan shubo oo aan beer fican haysto haddi maanta aan 10 kiintaal ama 20 kiintaal aan shubo lacag bay lahayd. Wadaaddada xitaa sakawaad baan ka siin jiray. Nin lacag leh baan ahaa.”

Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha qabiillada oo hubeysan ay labo mar ka gubeen gurigiisa sanadkii hore iyo bishii labaad ee sanadkan. Waxaa sidoo kale laga gubay beertiisa, iyadoo xoolihiina laga dhacay taas oo sababtay inay soo barakacaan.

Deegaannadan oo colaadaha qabiilladu ay ku soo laab-laabteen sanadihii u dambeeyay ayaa dagaalka hadda ka socda yahay labo qeyb oo u dhaxeeya qabiillo dhinac ah iyo Alshabaab iyo dadka deegaanka kaas oo billowday horraantii bishii Jannaayo ee sanadkan.

Maxamuud keliya ma aha dadka guryahooda, xoolahooda iyo beerahooda ku waayay colaadda. Waxaa jira boqollaal qoys oo kale oo la mid ah iyo kuwa ganacsiyadooda ay ka xirmeen taas oo saameyn nololeed ku yeelatay noloshooda isla markaana ku qasabtay inay barakac noqdaan.

Kaltuun Cali Yuusuf oo qoyskeeda ka kooban yahay toddobo qof isla markaana xerada Bangala timid kowdii bishan, waxay ka soo barakacday deegaanka Jiirakuulow oo ay ku lahaayeen iyada iyo wiilkeeda labo guri, toban ari ah, dukaan, iyo maqaayad.

Waxay maalintii ganacsigooda ka heli jireen lacag dhan boqol kun oo shilin Soomaali ah taas oo ay ku maareen jireen noloshooda.

“Makhaayad waa la shidayay. Dukaan wala gadayay. Xoolo waa la qabay. Caano waa la soo gadaayay. Dhuxul waa la shidaayay.  Waxaan la samaynayn ma jirin., nin ba si bu unoolaay. lacaga iso galaysay gabadha wiilkeey qabo makhayay shidaysay ani alabtan udhaqayeey kiiladeena bariiska iyo kiiladeena baastada waa so dhacsan jirnay,  makhayadeena wan uso adeegan jirnay lacag boqol kun oo faido ahan heli jirnay.”

Waxay sheegtay in dhibka meesha ka jiray darteed ay u soo carareen isla markaana ay  gaari xamuul ah ku soo raaceen lacag ay dad deegaanka ka tuugsatay.

Kaltuun ayaa xustay in deegankeeda ka bilowdeen cooladuhu ila hadda  sadeex wiil oo ay dhashay iyo ilmo wiilkeedu dhalay oo geel iyo ari ku kala maqna ay ugaso carartay deegaankajiiro-kuullow,  anay ila hadda meel ku ogeyn nolol iyo geeri meelay ku sugan yihiin warwar badana ay ku hayso xaalada ay ku sugan yihiin in ay ogaato balse anay haysan xiriir ama awood dhaqaale oo ay ku raadiso midna.

“Ilmihii oo iska foofsan ayaa la dhahay tuuladasa xalay la gubay sidi lo dhahayeey unuka inta gub inta gub markay noqotay ilmihii ba lalaso cararay xoolihi ilmiihi iyo ragi waba maqan yihiin ilmihi marki lalaso cararayna waxan is dhahnay walaweyn wax ka qabsada walaweyn ki marka imaney ayaxii ba beeraha dhameyaay qof wax ku siin kara ba malaha meel aan isku aruurinay sidan ugu jirnay aan dhahnay walalayaloow baabuur na sara baladki aa ba abaar ah tuugtan baabura nalaso saray wanala keenay alxamdulilah tambeelaha banankiisa nalagu tuuray.”

Dadkan barakaca maciin biday ayaa horay waxaa saamey ugu lahaa biyo yarida iyo ayaxa xaalufiyay dalagyada beeraha iyo daaqa xoolaha, walow ay isku dayayeen in maalinlahooda ay maareeyaan.

 

 

Previous Post

Caabudwaaq: Lammaane wayeel ah oo arragga naafo ka ah oo ka tuugsada wadooyinka

Next Post

Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo