Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

Radio Ergo by Radio Ergo
March 18, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ah,oo ka soo barakacay jilaalka kulul oo sababay  biyo yaraan iyo cunta yaraan ayaa ku soo ququlaya degmada Luuq ee gobolka Gedo. Qoysaskan oo sheegay in qaarkood xoolihi ay haysteen harraad iyo daaq la’aan uga dhammaadeen ayaa ka soo lugeeyay miyiga iyo tuulooyin hoostaga magaalada Luuq.

Maryan Ubow Cismaan, oo ka mid ah 213 qoys oo labadi toddobaad ee la soo dhaafay ku biirayay xeryaha barakaca, ayaa hadda dulsaar ku ah qoys ay qaraabo yihiin oo degan xerada Bohol-yaxaas. Muddada ay joogto waxay nolasha carruurta oo shan ah ku maaraysaa shaqo dhardhaqis ah oo maalinti ka hesho lacag dhan soddon kun  oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta wax kayar shan iyo toban dollar.

“Magaaladaan iska dhaxgalaa, dharkaan dadka u dhaqaa, meelo ayaan nadiifiyaa oo aan xoogaa lacag ah ka helaa, dadka aan xerada ugu nimid marmar ayay wax na siiyaan, waxyaabahaas ayaan ku noolnahay waxaan wax kariyaa goortaan helo ayaan habeenki wax u kariyaa”

Maryan iyo shanteeda carruurta ah, oo 13 jir ugu wayanay jirna ugu yaryahay yaya ku qaadatay inay Luuq soo gaaraan laba maalmood kadib karki ay ka soo lugeeyeen miyiga tuulada Marayle oo 35 kiilo mitir u jirta Luuq dhanka koonfureed. Socdaalka waxaa ku wehliyey qoys kale, inti ay jigta ku soo jireen ma helin waxay cunaan marka laga reebo in dadka degan meelaha ay soo mareen ay ka helayn biyo ay cabbaan.

“Gaajada awgeed mar ayaan ku sigtay in aan carruurta siiyo caleenta geedka Cali garoobka ah, maadama aan wax kale jirin oo aan cuunno.” Sidaa waxaa tiri Maryan.

Sababta ugu wayn ee soo barakicisay ayaa ah in 35 neef oo ari ah oo ay qayskoodu dhaqanayeen 30-ka mid iyo dameerki ay biyaha ku dhaansan jireen ay uga dhinteen harraad iyo baad la’aan bishi Febraayo.

Biyaha ayay ka heli jireen ceel gacmeed ku yaallay tuulada Kuli-guduud oo masaafo lix kilo mitir ah Marayle, kaasi oo hadda qallalay.

Seyga Maryan oo da’a ah iyo labo wiil oo ay dhashay ayay shan iddo oo au xoolo ka haystaan ayay  uga soo tageen. Idaha ayaa lagu quudiyaa Caleenta geedka Cali garoobka, maadaama uusan daaq kale ka jirin deegaanka.

“Ninkayga wuxuu yiri aniga ma socom karo, sidaa darteed wuxuu igu dhahay carruurtaka kaxee halkan maadaama cunto la cuno aysan jirin, labada wiil waxay go’aansadeen inay la joogaan aabbahood si ay xaalkiisa uga warqabaan”

Qoysaska barakaca ah ayaa ka imaanaya waqooyiga iyo dhanka koonfureed. Dadkan toddobaadkan yimid waxa ak amid ah qoyska Xareedo Cumar Maxamed, oo haysta lix carruur ah, oo agoon ah, waxay noloshoodu ku tiirsan tahay raashiin ay ka soo dawarsato qoysaska suuqyada iyo xaafadaha.

Xareedo oo 11 bishan timid Luuq, ayaa sheegtay in duruufo cunto iyo yaraan oo ka dhashay jilaalka kulul ee ka jira ee gobolka Gedo, ay keentay inay ka soo barakacaan deegaanka God-iidow oo 50 kiilo mitir u jira degmada Luuq. Aqal ka samaysan geedo iyo maryo la isku xirxiray oo ka dhistay xerada Bohol-yaxaas ayay ku hoydaan.

Waxay nagu qaadatay in aan soo gaarno halkan afar maalmood, deegaannada aan soo maraynay dadka degan ayaa nagu caawinayey waxaan cunno iyo biyo.” Sidaa waxaa Radio Ergo u sheegtay Xareedo Cumar Maxmed.

Axmed Xassan Gaarane, oo maamulka degmada Luuq u qaabilsan arrimaha barakacayasha, ayaa sheegay in xaaladda dadka soo galaya magaalada ee kulaylka daran uu saameeyey ay u baahan yihiin gargaar. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayuu sheegayinay diiwaan galiyeen 213 qoys balse wuxuu xusay in wali dadku maalin walba ay imaanayaan.

“Qoysaskan cusub ee imaaday waxay ku biireen xeryo barakac oo horay u jiray, biyaha iyo musqulaha waxay la wadagaan dadki horay u deganaa, balse waxaan ka cabsi qabnaa in musqulaha oo ay yar ay cudurro ka dillaacaan sida shubanka oo kale.” Sidaa waxa yiri Axmed Xasan Gaarane.

Waa marki labaad oo sanadkan gudihiisa ay magaalada Luuq soo galaan qoysas ka soo barakacay deegannadooda, bishi labaad waxaa Luuq soo gaaray 315 oo qoys oo ka soo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

 

Previous Post

Qoysas dagaal uga soo barakcay deegaannadooda oo wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan

Next Post

Awdal: Xoolo-dhaqato biyo iyo daaq raadsaday oo qalleyl kala kulmay deegaannadii ay u hayaameen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
blank

Awdal: Xoolo-dhaqato biyo iyo daaq raadsaday oo qalleyl kala kulmay deegaannadii ay u hayaameen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo