Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xarun haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha u soo dhicisa xuquuqdooda

Radio Ergo by Radio Ergo
December 18, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka barakaca ku ah xeryaha degmada Dayniille ayaa la kulma tacaddiyo kufsi, jir-dil iyo in lacagta ay ku shaqeynayeen loo diido.

Haweenka qaar ayaa dhibaatooyinkan ku keeneen in ay joojiyaan shaqooyinka ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda. Hay’adda HINA oo ka shaqeysa ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenk ayaa shaqo abuur u sameysa.

Kiin Axmed oo aan ahayn magaceeda rasmiga ah ayaa kamid ah haweenka la caawiyey oo la kulantay tacaddi kufsi. Waxay inoo sheegtay in isbeddel muuqda uu ku yimid nolosheeda, haatanna ay ku shaqeysato harqaan ay hay’addu siisay oo u yaalla gurigeeda hortiisa.

Haweenaydan oo horay u qaban jirtay shaqooyin ay ku jirto gurista qoryaha oo ay isaga daysay markii ay la kulantay kufsiga ayaa noo sheegtay waxa laga caawiyay.

“Shirqaanaa la i siiyey oo waa ku shaqeystaa.Waxaa qaban jiray dhar dhaqow, qoryo gurow goobeey, ilmaha saasaa ku nooleesan jiray rafaadkaasaa ku jiray. Hadda shirqaankeygaa iska tolonaa tabartaasba mahaayi shirqaankeyga illaahey nuur ii saaray oo irideyda iska fadhiyaa goosaarteyda ka raadsadaa, maalintoo waa laga helaa shirqaanka beeso maalintoona mala helaayo”

Shaqo abuurka ka sokow Kiin waxa ay xarunta ka heshay daaweyn socotay muddo bil ah kadib markii ay la kulantay tacaddi kufsi iyo dhaawac kasoo gaaray garabka subax ay ku jirtay gurista xaabada ay ka raadineysay biilka qoyska.

Harqaanka oo iminka ay ku darbarto nolosha qoyskeeda oo ka kooban shan ruux ayey sheegtay in maalintii ay ka hesho ugu badnaan labo doolar iyo bar, lacagtaas oo ay sheegtay inay ku filantahay qoyskeeda iminka ayna kaga nasatay culeeskii ay ku qabtay ka ganacsiga qoryaha/xaabada iyo dhaqowga. Kiin ayaa Raadiyow Ergo u sharaxdey sida ay dhibaatada u soo gaartay.

“Degmada Dayniile isbitaalka xaggiisa duurka ku yaala aan qoryo ka doontay aa la igu soo tumay, aa la’igu soo xoogay, sadex wiil ay ahaayeen. Dhib kaleento dilow inta mindi iiga taalo naaska bidixeeyo hoostiisa iyo garabka bidxeeyo korkiisa iga martay mindida”

Horraantii sanadkaan ayey kasoo barakacday degaanka Yaaqle oo hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay saameeyeen fatahaaddihii uu sameeyey wabiga Shabeelle. Marka ay Muqdisho soo gaartay ayey noo sheegtay in ay maciin biday kaamka ay hadda ka dagantahay xafadda Bangala.

Caasho Cabdirakiin oo madaxa caafimaadka iyo ilaalinta tacaddiyada ka dhanka ah jinsiga ee hay’adda HINA oo xarumo ku leh xeryaha barakacayaasha ee xaafadda Bangala ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sadexdii bilood ee u dambeesay, September illaa November, ay diwaan galiyeen 63 kiisas cusub kuwaas oo iskugu jira kufsi iyo dhibaateyn kale.

“Tacaddiyada…waxaa kamid ah kufsi, jirdil, isku day kufsi, gabdhaha yar yar oo xoog loogu guuriyo, xaquuqdooda sida dhaxalka ama guri ay ka shaqeynaayeen markii ay howsha qabtaan kadib xuquuqdooda laga inkiro oo kale. Waxyaabahaas marka ay ku dhacaan haweenka wey noo imaadaan oo waxaan siinnaa, tusaale kufsiga oo kale, waxa uu u baahanyahay qofka caafimaad ahaan inaad la tacaashid, wuxuu u baahanyahay maskax ahaan inaad la tacaashid, wuxuu u baahanyahay xuquuqdii ka maqneyd iyo dhiibaatadii loo geeystay inaad usoo dhicisid”.

Dumarka xeryaaha barakacayaasha Bangala degan ee la caawiyey waxay qaar dhibaato kala kulmaan dadka ay u shaqeeyaan.

Maano Iidle Mursal oo ka mid ah haweenka dhibban ayaa Raadiyow Ergo uga warantay sida uu kusoo gaaray dhaawac kaga yaalla gacanta bidix.

“Dharkiyaan dhaqay, markaan dharkii dhaqay ayaan iri lacagta isii. Markaas ayey i tiri ‘Naa ma lacag ayaad rabtaa? Iridda iiga bax’ intii ay saas i dheheysay ayey meeshaan iga dhibaataysay, laamyeeriga iridda gacanta iga jeexay. Anigaaba kaniini raadiyoo muslinka illaahey u dhex galay. Intaas oo dhaawacaa iga soo gaartay. Waana isaga soo dhaqaajiyay”.

Hadda waxay joojisay Maano dhar-dhaqowgii ay aadi jirtay kaas oo nolosha qoyskeeda ku tiirsannaa maalinkiina ay ka heli jirtay labo ilaa saddex doollar, waxayna shaqo abuur ka heshay hay’dda HINNA, iyadoo la baray sida loogu shaqeeysto harqaanka ka dibna la siiyay harqaan, kaas oo ay maalintii ka hesho afar doollar oo ay ku dabarto nolosha caruuteeda oo shan ah.

“Farqi waynaa u dhaxeeyo, harqaanka aan ku shaqeesto aa ii fiican nolosheydana ay wabeeno iigu tahay. Dharka dariska ayaan u tolaa oo ii keensada duruucda iyo waxyaabaas.”

Dhibaatooyinka kale ee haweenka xeryahaan ku nool waxuu ka soo gaaraa seyga ay u dhaxaan sida haysata Xamdi oo iyana aan qarinay magaceyda saxda ah. Xamdi waxa ay ka tirsanayd beeralay ka soo barakacay deegaanka Kooreebe ee Shabeelaha Dhexe kuwaa oo ay saameysay fatahaaddii wabiga Shabeelle. Culeysyada nolosha ee ay la kulantay sagaal bilood ka hor intii ay kaamka dageneyd iyada usoo shaqeyn jirtay reerka ayaa waxaa u dheeraa xad-gudubyo ay kala kulmeysay saygeeda kuwaa oo isugu jiray baad iyo dil joogta ah, taa oo ku kaliftay in ay maciin biddo Hay’adda HINA.

“Inta markaan imaaday dhar dhaqoow ayaan galay. Dhibka i qabsaday waa in uu ninkeyga iga xoogi jiray wixii aan naag faceey ah oo aan dharka ugu soo dhaqay ka soo helay si aan caruurteyda wax ugu karsado. Wuxuu i dhihi jiray ‘naa ilmaha waxbo igama galin ee isii jaad ayaan ku soo qaadanaa’. HINA ayaan u imaaday, cabashadeyda ayaan u keensaday, guryo iyo maacuun ayey na siiyeen, harqaan ayey na bareen, harqaankaas ayaan hadda ku shaqeysanaa…alxamdulillaah kolley inaa hadda roonahay ayaan umaleenoyaa”

Xamdi hadda waxa ay kaamka dhexdiisa uga shaqeysataa xirfaddeeda cusub ee harqaan toloowga ah, taas oo ay kaga maarantay dhar dhaqoowgii ay u aadi jirtay xaafadaha, odayga qabana si ka roon sidii ay hore ay kuwada joogaan haatan sida ay inoo sheegtay.

Hay’adda HINNA ayaa sidoo kale ka caawisa haweenka loo geysto tacadiyada in ay helaan caddaalad iyadoo ka saacida kharashaadka ku baxaya maxkamada, waxaana ilaa hadda lagu guuleystay saddex kiis oo kufsi in dadkii ka dambeeyay caddalad la mariyo, iyadoo ay jiraan kiisas kale oo meel dhexe lagu joojiyay markii qoysaska dhibaatadu kala gaartay ay gaareen heshiis hoosaad halka qaar kalana uu dhibbanaha oo dib ula laabto dacwaddiisa.

“Qofka ehelladiisa qaraabadiisa iyo dadka dhanaa dhinacyada ka galaayo oo dhahayaa ma isceebeeneysaa? Dadka ayaa ku ogaanaya, berri waa laguugu caynaayaa iska jooji. Mararka qaar xitaa waxa ay push-gareynta ugu badan ka timaadaa qofka dhibaatada geysta qoyskiisa oo leh xeer jajab inaan ku xallisanno waaye…cases-ka qaarna waxa ay socdaan muddo dheer illaa sadex sano gaareysa, marka aad ayey u adagtahay inaad kiis zero ka bilowdid iney maxkamad [dhaqso] xukunto.”

Culeesyada intaas oo kaliya kuma eka sida Caasho sheegtay oo waxaa jira dhibaatooyin kale oo aan suuragal ka dhigeyn xaqiijinta dhibka dhacay qofka lagu tuhunsanyahay taas oo ka timaadda dhanka sheybaarka lagu ogaado dheecaanka qofka geestay falka kufsiga ah.

Previous Post

Qaar ka mid ah dadka Burco oo cuntada deeqda ah la qaata barakacayaasha

Next Post

Arday dhagool ah oo kaalinta labaad ka galay iskuulkiisa

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Arday dhagool ah oo kaalinta labaad ka galay iskuulkiisa

Arday dhagool ah oo kaalinta labaad ka galay iskuulkiisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo