Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaar ka mid ah dadka Burco oo cuntada deeqda ah la qaata barakacayaasha

Radio Ergo by Radio Ergo
December 18, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaar ka mid ah dadka Burco oo cuntada deeqda ah la qaata barakacayaasha

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad deegaan ah oo waxa loo yaqaanno ‘Buul-hunguri’ ka dhexsameystay xeryaha barakaca ee magaalada Burco ayaa bilkasta raashin gargaar ah ku hela kaarar loogu talagalay dadka gudaha ku barakacay. Waxaa la sheegaa in dadkaas ay kujiraan qaarleh ganacsiyo ay uga maarmi karaan gargaarka.

Canab Ibraahim oo khudrad ku iibisa suuqa Burco ayaa sheegtay in saddexdii sano ee u dambeysay ay raashin kuqaadato kaar ay bixisay hay’adda World Vision, kaas oo ay ku heshay isku-dhex-dariska qoysaska barakacay.

“Waxaanu ahayn dadka cardka qaatay ee ay siisay hay’adu. Buulal hunguri ayaanu kulahayn halkaa u dhaw eriboodka Burcu, hay’adu markay timina way nasiisay kaararka dee dadkuna ama xoolo dhaqato ha ahaado ama magaalada ha joogee waxaa jira dad iska danyara oo isaga baahanaa raashinka dee waa isaga baahnayn oo waa iska qaadanay, anagu markii horeba xoolo maanaan lahayn ilaahay baa nookeenay, waajiraan dad badan oo xoolo leh oo isyidhi deeqdaa hay,aduhu sidaan iskaqaata oo badan,” ayay tiri.

Canab oo haysata toddobo carruur ah oo agoon ah, waxay dhaqaalaha ay ka hesho ganacsiga ku kabataa min 25kg oo daqiiq, bariis iyo sonkorah, saliid 7liitar ah iyo timir ay ku qaadato buushaka xero Kurlibaax uga dhisan balse aysan degganayn.

Dhinaca kale waxaa jira qoysas xooluhu ka baxeen oo aan saddexdaas sano qaadan raashin welina dhexdaggen xeryaha Kurlibaax iyo Maloosh ee Burco, kuwaasoo ay abaarihii u dambeeyay xooluhu uga dhamaadeen. Dadkaas waxaa ka mid ah Sahra Axmed Cilmi oo deggan Kurlibaax. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ka mid tahay dad xilligii kaararka la qeybinayay aan helin, iyadoo taas u sababeysay dad badan oo deegaanka ka soo jeeda inay boob ka sameeyeen halkii kaararka lagu qeybinayay.

“Kaadh maanu helin… waa nalaga boobay. Dadka halkan yaallaana waa dad faro badan oo saddex kun dhodhoweeya, saddexdaas kun inta kaarar leh waa wax yar, waanalagaboobay kaararkii, waalaga qaaday, awood baa lagaga qaaday. Waxaa naga qaaday dad magaalada ka sooyaacayoo dadkii xoolaha lahaa ah ee magaalada wax kuhaystay ah … waanaloo xoogsheegtay. Iminkana dadkaa deriska ah ee xabbad xabbad kakaarka ah leh ee uu nasiibku siiyay ayaanu ku noolnahay.”

Sahra ayaa intaa kudartay taakulada keliya ee ay heshay uu yahay dhul 12×12 ah oo dowladda ay siisay, kaas oo ay ka dhisatay qol cooshad ah. Toddobo carruur ah oo agoon ah oo ay dhashay iyo labo ay gabadheeda dhashay ayay xustay in noloshooda ay kutiirsan tahay cunto ay siiyaan dadka deriska la ah ee xerada deggan.

“Iminka agoontiii ayaan sidii ugu biligsadaa.  Dadka deriska ah ee kaararka leh ayaa qof galaan i siiya, qof dhagley i siiya, qof kiilo I siiya, iyo qof nus kiilo i siiyaba aaanu kunoolahay. Dowladdiina markii ay baloodh nasiiyay, taakulo kale ma aanu helin. Dadkayagaas Soomaaliyeed ayaanu xaganaa, waad aragtaa hadda kabahaaan gashanahay sida ay yihiin inay faruur-xiranyihiin, sidaas ayaanu arrad ka taagannahay… dadka badidiisuna waa ila mid …wax Allaale wax aanu heysanno ma jirto, qof walba waa nasiib.”

Sahra waxay markii hore kasoo barakacday degaanka Balicalanle oo galbeed ka xiga Buro una jira 85km

Cawil Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada Kurlibaax oo Burco u jirta 8km waxa uu sheegay in 2,000 oo qoys oo halkaas deggan ay 800 oo keli ah ay raashin gargaar ah qaataan.

“Sifo kasta ha ahaatee waa laysku dhexnoolyahay, waxaa dadka Kurta laga qaaday eribootka Burco oo dhan ayaa ku soo duushay, waa loo soo daatay. Hay’adu ma kala taqaane kii u yimaadaba waa siisay ama Burco ha ahaado ama meel kale haka yimaadee, waxaanay u haysatey inay yihiin dadkii caydhoobay, sidaasaa dad baadi cabey cardkii ku qaateen waxaay ka dhimantahay tirade dadkan 800 ah intaa ayaa waxana magaalada u go,ay waxana dadkani heleen”.

Cawil ayaa intaa ku daray in wakhtigaa ay joogeen maamulka gobolka iyo ka degmada ay dadkan aan ahayn dadka caydhoobay ay kaadhka qaadanayeen.

Cabdiqani Xuseen Kaahin oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Wold Vision ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka ay u soo qoreen maamulka degmada Burco, maamulka gobolka iyo guddiga barakacayaasha, sidaana ay ku bixiyeen kaararka ay dadka caydhoobay raashinka ku siiyaan oo aanay ogayn dad ganacsato ah oo kaararka qaatay.

“Waxaa jiray wakhtigaa dad badan oo aan kaamamka iman oo guryo magaalada ah dulsaar ku ahaa markaa waxaa jiray berigaa gudidii abaaraha, maamulkii degmada, iyo kii gobolka waxay waxay kasoo jareen tiro kamida tiradii lasiiyey barkaca oo ay ugu tala galeen dadka amagaalada guryaha ku dulsaarka ah lasiiyo… liis baa naloo soo gudbiyey nala odhanayo kuwani waa kuwii kaamka degenaa iyo kuwii magaalada.”

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in ay jiraan dad magaalada deggan oo ku dhex-dhuuntay dadka barakacay sidaasna kaararka ku qaateen. Wuxuu xusay in aysan haynin tiro go’an oo dadkaas ah.

“Dadkii barakacay waxaa ku dhex dhuuntay wakhtigaa abaaruhu kudheceen dad magaalada degen ama danyar ha ahaadaan ama dad kale ayaa dhex raacay waalakala saarikariwaayay markaa taasi waa jirtaa laakiin aqoonsiga ugu badnaa waxa uu ahaa dadkaa xiligaa 2017kii yimi ee xooluhu ka bexeen sadex barkacna way ahaayeen.”

Dadka magaalada deggen ee kaararka qaatay waxay ka go’anyihiin 1,200 oo qoys ah oo hadda deggen xeryaha barakaca Kurlibaax, Malooshiyo 18-ka May oo dhowaan loo raray oo aan haysan kaarar ay raashin ku qaataan. Dhulka waxaa siiyey dowladda hoose ee Burco, waxaanay halkaa deggen yihiin hadda mudo 9bilooda ah kaddib markii laga soo raray dhul magaalada ku dhow oo ay si ku-meel-gaar ah u deggenaayeen muddo labo sano ka badan.

Previous Post

Beeraleyda Mudug oo adeegsada maro kaneeco si ay ayaxa uga badbaadaan

Next Post

Xarun haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha u soo dhicisa xuquuqdooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Xarun haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha u soo dhicisa xuquuqdooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo