Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas fatahaadda ka soo barakacay oo la dajiyay tuulada Buulogaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
December 12, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Haween barakacyaal ah oo qabta shaqooyin culus oo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 200 oo qoys oo tan iyo horraantii bishii May ee sanadkan barakac ku joogay deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada hoose markii fatahaadda wabiga Jubba ay baabi’iyay beerahoodii ayaa did-u-dajin loogu sameeyay duleedka deegaankaas. Qoys kasta waxaa la siiyay lacag uu ku dhisto hal qol iyo dhul ka kooban 20-mitir oo dherer ah iyo 10-ballac ah.

Madiina Muuse Cali oo ka mid ah dadka ka faa’iideystay dib-u-dajinta ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in wax ka badan 7 bil iyada iyo carruurteeda oo sagaal ah ay ku noolaayeen balbalo yar oo qoys daggan Buulo-gaduud ay ka siiyeen qayb kamid ah gurigooda.

Madiina oo lagu taageeray lacag dhan $145 waxaa loogu daray alwaax, jiinkado iyo teendhooyinka ay ku dhisatay gurigeeda. Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay guriga iyo dhulka la siiyay.

“Hoy annagu aan leenahay baan ku hoyanaynaa awal dad ayaan dulsaarnaan jirnay, hadda waan ka baxnay xor baan noqonay cid kula hadli maleh. Aad baan uga mahad naqaynaa, layr baa nasoo gashay, waxaan dhistay qol iyo qol jiko iyo waab carruurtu ay ii harsadaan”.

Qoyska Madiino oo kasoo barakacay deegaanka Buula-kuusow oo dhinaca galbeedka ka xiga tuulada Buulo-guduud oo Kismaayo u jirta 30km waxa ay halkaas ku lahaayeen beer 4 hectar ah oo dalagyo kala duwan ay ku beeran jireen, balse fatahaadda wabiga Jubba oo soo laalaabatay ay wax yeelaysay.

Nolol-maalmeedka carruurteeda waxa ay ka soo saartaa shaqo dhar-dhaqaal ah oo maalintii ay ka hesho 50,000 oo shilin Soomali ah waxaana intaas u wehlisa $80 oo bishii saddexaad ay qaadanayaan qoyska Madiino iyo qoysaska kale ee soo barakacay.

Madiina waxa ay rajaynaysaa in ay qayb kamid ah lacagtaas oo ay bixiso hay’adda NRC bil walba ay dhigaal sato si ganacsi fudud ugu samaysato.

“Waxaa ii qorshaysay in aan ganacsado, yaanyada iyo bocorka beeraha aan ka soo qaatoo  miiskoo yar aan banaanka dhigto oo ku gato, macaamiil baan ka dhiganaya beeraha, waxaan rabaa wax  in aan ka soo qardaysto oo aan u caddeeyo qofkiisa oo faa’iidada yar ee iiga soo baxda ilmaha shaax uga dhigto”.

Mashruuca guryaha lagu dhisay waxaa Fulisay hay’adda NRC waxaana dhaqaalaha ku baxay bixisay hay’adda SIDA, maamulka Jubbalandna waxa uu ku deeqay dhulka.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Jubbaland Maxamed Sheekh Khadar ayaa sheegay in qoysaska dhulka la siiyay laga caawindoono billowga sanadka cusub warqadaha lahaanshaha dhulka, toddobaadkii labaad ayay daganyihiin guryahooda qoysaskan dib-u-dajinta u baahnaa.

Tirada qoysaska soo barakacay ee ku nool Buulo-gaduud oo dhamaantood beeralay ahaa waa 320 sida uu sheegay guddoomiyaha tuuladaas Mahad Mataan Buule. Intaas waxa uu ku daray in qaarkood ay dulsaar ku ahaayeen qoysas ehelkooda ah halka inta kale daafaha deegaanka buushash ay uga dhisnaayeen.

Waxa uu sheegay in 100-ka qoys ee aan wali helin dib-u-dajinta wajiga labaad oo la qorshaynayo sanadka cusub ay kamid noqon doonaan dadka hela, balse hadda ay doorteen kuwii ugu liitay dhanka hoy la’aanta.

“Hay’adii waa noo timid oo intaas ayaan rabnaa ayey na dheheen, hadee waad mahadsantihiin ayaan idhaahday intaas hadaad iga qaadeen inta kale-na hay’ad iyo wax kale ayaa imaan doona”.

Ibraahim Aadan iyo qoyskiisa oo 6 qof ah, waxa ay soo maciin bideen dabayaaqadii bishii May deegaanka Buulo-gaduud, markii ay ku adkaatay nolosha deegaanka Laan-abaar oo beer 6 hectar ah uu ku lahaa, waxa uu sheegay in uu ka quustay tacabashada beertiisa oo xili roobaad kasta qasaare uu kala kulmayay.

Markii deegaanka Buulo-gaduud uu yimid ayuu sheegay in uu dhistay guri cooshad ka samaysnaa oo halka uu ku yaallay ay ahayd boos dad leeyihiin, taasi oo walwal ku haysay sida uu ku sii daganaan doono ka hor inta uusan helin dhulka iyo gurigiisa cusub. Waxa uu tilmaamay in ay u dheerayd dayaca hoyga uu daganaa oo aan roobka celinkarin.

“Maaddama aan ahaa nin meelo dadow ku jiray hadda dhulbaa la isiiyay. Shalay waxba mahaysanin barakac baan ahaa, laakiin maanta guri aan leeyahay iyo boos baan leeyahay. Waxaa galaya saddex qol oo min 4mitir ah, geedahaan ku dhisay waxaa weeye Gamoor Mardo iyo Raqiis geedaha la dhoho korna waxaa ka saaran bacahaan UN-ka la dhaho”.

Ibraahim nolol maalmeedka carruurtiisa waxa uu ka hela lacago maalin dhaaf ah oo uu ka helo beer uu leeyahay nin kamid ah dadka deegaanka oo uu ka shaqeeyo, taasi oo raashin uu ugu iibiyo qoyskiisa.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Barakacayaasha iyo qaxootiga Jubbaland Maxamed sheekh khaddar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in hay’ada ay ka codsadeen in dadka fatahaadaha ka barakacay la caawiyo mashruucaana uu noqday midkii ugu horeeyey ee ka soo jawaaba qayla dhaantii ay direen oo dhinaca hoyga iyo cunnada u badnaa.

Waxa uu sheegay in qoysaskan noloshooda waxbadan ay ka taridoonaan dhulka iyo hoyga la siiyay maaddama ay kamid ahaayeen waxyaabaha ay baahida wayn ay u qabeen.

“Ruuxii ka baxa dulsaarka oo meel isagu leeyahay daggan, ciddii kale ee taageeraysa meel fiican oo ay ka sii wadikarto buu helyaa, marka waxaan isniri waa tallaabo horay loo qaaday, sidii hore aad bey uga baddalnaanayaan wax wayna way u qabatay annaka la joognay ma qiyaasikartid waxa ay u qabateen”.

 

Previous Post

Dhaqaatiirta degmada Beled Xaawo oo ka walaacsan kiisaska Covid19 oo sii kordhaya

Next Post

Iskuul la’aan iyo shaqo la’aan ka jirta degaanka Xaafuun kadib duufaantii Gati

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Iskuul la’aan iyo shaqo la’aan ka jirta degaanka Xaafuun kadib duufaantii Gati

Iskuul la'aan iyo shaqo la'aan ka jirta degaanka Xaafuun kadib duufaantii Gati

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo