Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Iskuul la’aan iyo shaqo la’aan ka jirta degaanka Xaafuun kadib duufaantii Gati

Radio Ergo by Radio Ergo
December 14, 2020
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Iskuul la’aan iyo shaqo la’aan ka jirta degaanka Xaafuun kadib duufaantii Gati

Duufaanta Gati oo raad xun ku reebtay degaanada gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdirisaaq Maxamed Guure, waa 14 sano jir, waxa uu sanadkan dhiganayay fasalka 9aad ee dugsigga hoose, dhexe iyo sare ee deegaanka Xaafuun ee Gobolka Bari, kaas oo duufaantii Gati ee 23kii November ku dhufatay qeybo Puntland ah ay gebi ahaanba burburisay.

Mar qura ayuu wada waayay waxbarashadii uu soo waday muddo 9 sano ah iyo ishii dhaqaale ee qoyskooda uu ku tiirsanaa, taas oo ahayd doon yar oo kalluunka lagu soo dabo oo ku burburtay duufaanta. Lacag dhan cel-celis ahaan $400 oo doontaas ay soo saarto ayuu ku tiirsanaa qoyska oo ka kooban 8 qof, Cabdirisaaqna waxbarashada looga bixin jiray.

Dhawr isbuuc oo uu waxbarasho-la’aan yahay wuxuu joogaa gurigooda oo qeybo ay dabeyshu saqafka ka qaadday. Musiibada deegaankiisa ka dhacday oo iskuul la’aanta dhigtay wuxuu xitaa ku waayay buugaagtii ay casharrada ugu qornaayeen.

“Waa isku dayeen, laakiin waa sameyn waayeen, sababtoo ah iyaga ayaanba haysan meel ay caawa seexdaan, waxa kale sixmaddii ay lacagta ka heli jireenna ma haystaan, buugteydii waxbarashada si halisa ayaa wax u gaareen, qaar dabeysha ayaa qaaday, qaarna wey qoyeen oo wey jeex jeexmeeen.

Arday gaaraysa 171 qof oo uu ka mid yahay Cabdirisaaq waxa uu mustaqbalkooda waxbarasho ku xiran yahay dib-u-dhiska iskuulka Jeneraal Cadde ee Xaafuun. Hase yeeshee maamulaha dugsigaas Cumar Cali Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin rajo ka sokeysa jawaabta ay ka filayaan codsi ay u gudbiyeen Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo qaar ka tirsan hay’adaha waxbarashada taageera, kuwaas oo aanay weli wax jawaab ah ka helin.

Maamulaha ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu khasaaruhu u gaaray iskuulka oo ka koobnaa 3 fasal oo dugsigga hoose ah, 4 fasal oo dhexe ah, 4 fasal oo sare ah iyo labo xafiis.

“Duufaantii wax weyn bey yeeshay schoolka, saqafkii schoolka hoose, dhexe wey ka qaaday, looxii fugsiga wey jajabisay, sidoo kale laba fasal oo dugsi sare ahaa wey burbureen oo dhulkey dhigtay, sidoo kale kuraastii schoolka waxyeelo weyn ayey gaarsiisay, qalabkii electeriga ahaa sida computerada iyo printerka wey qoyeen, kulli wey qasaareen oo ma shaqeynayaan, water tankigiina wey burbureen iyo suuliyaashii.”

Cumar Cali ayaa $40,000 ku qiyaasay lacagta ku bixi karta dib-u-dhiska iskuulka, balse wuxuu sheegay in bulshada Xaafuun oo doorka ugu weyn ka qaatay dhismihiisii hore aysan maanta awoodin, burbur dhaqaale oo duufaantu u geysatay darteed.

Xaawo Xirsi Caraale ayaa ka mid ah dhibaneyaasha Gati, qoyskeeda oo ka kooban 7 qof waxay duufaantu ka burburisay guri iyo maqaaxi ay ku shaqeyn jirtay, waxaa sidoo kale waxbarasho-la’aan ay ku dhacday labo gabdhood iyo wiil u dhiganayay fasallada 4-aad, 8-aad iyo 9aad. Raadiyo Ergo ayay uga warrantay walaac ay ka qabto mustaqbalka carruurteeda iyo waxa ay hadda qabtaan.

“Meel ma aadaan guriga ayey iska joogaan, Qur’aan ayay iska aqristaan, xataa waxaan isku daynay inaan baco dhisano, laakiin dabeyl xoogan ayaa dhaceysa oo jeexjeexeysa, markii hore waxbarashada wey ogolaayeen, laakiin hadda waa baaga muuddo meeshey doonaan ayey ka baxayaan, anaguna meel aan geyno oo aan u dirno ma hayno, marka dowladda ayaan ka warsugeynaa.”

Faadumo Muuse Xaaji, oo 13 jir ah, oo dhiganeysay fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, iyada iyo 14kale oo ay isku fasal yihiin maanka kuma ay hayn in waxbarasho-la’aan ay ku dhaceyso sanadkan, buugaagtii duruustana ay duufaan ka qaadayso. Waxay Raadiyo Ergo uga warantay waxa ay dareemeyso iyo isku dayo qoyskeedu sameeyeen si ay u sii wadato waxbarashada, laakiin guul-darreystay.

“Walwal badan ayaan dareemeynaa wallaahi maadaama waxbarashadii naga joogsatay, waalidkayaguna aysan awoodin in magaalooyin kale waxbarasho noogu qaadaan, iyagiibaa howgii ay ku jireen ka baaba’ay, baddaas ayey ku tiirsanaayeen, iyadana qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen wuu ka baaba’ay, marka xaalku wuxuu noqonayaa in schoolka naloo dayactiro si aan dib ugu soo laabano.”

Lacagta ay bixiyaan waalidiinta ayaa lagu dabbaraa mushaarka 7 macallin oo wax ka dhigta iskuulka, halka ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay bil kasta ku kabto $200.

Sunaamidii ku dhufatay xeebaha Puntland sanadkii 2005 ayaa horay u burburisay iskuulkan, balse dib ayaa loo dhisay 2006, markaa soo ay iska kaashadeen dowladda Puntland iyo hay’ado caalami ah.

Deegaanka Xaafuun ayaa ah jasiirad la mood dhaca bariga fog ee Soomaaliya, waxaana tagta hal waddo oo go’an tan iyo intii ay ku dhufatay duufaanta Gati, taasoo hor istaagtay gurmad xukuumadda Puntland iyo hay’adaha gargaarku gaarsiin lahaayeen.

Previous Post

Qoysas fatahaadda ka soo barakacay oo la dajiyay tuulada Buulogaduud

Next Post

Beeraleyda Mudug oo adeegsada maro kaneeco si ay ayaxa uga badbaadaan

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Locust

Beeraleyda Mudug oo adeegsada maro kaneeco si ay ayaxa uga badbaadaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo