Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nin qaba xanuunka jirka wada-caddeeya oo shaqo dowladeed la siiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 30, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin qaba xanuunka jirka wada-caddeeya oo shaqo dowladeed la siiyay

Xassan Bakar, ninka nasiibka u yeeshay in uu helo shaqo dowladeed.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Bakar Bile, 25 jir ka mid ah dadka qaba xanuunka jirka wada-caddeeya ee albiinada ee ku nool mid ka mid ah xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo oo takoor badan kala kulmay shaqadiisii dhaqista gaadiid ayaa shaqo ka helay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland horraantii bishan Diseembar. Tan ayaa timid kadib markii warbaahinta maxaliga ah ay tabisay culayska shaqada gaari dhaqista ka haysatay xilliga cimiladu kulushahay iyo dhaqaalo-xumada u dheeriga ahayd maaddama dadkii uu u adeeggi lahaa inta badan ay ku liidaan midabkiisa.

Raadiyow Ergo ayaa ogaatay in Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo ka jawaabaysay dayaca iyo faquuqa haystay Xasan ay siisay shaqada waraabinta dhirta ku taalla xarunta wasaaradda, taasi oo bil waba uu ku qaadanayo lacag dhan $200. Isaga oo aad ugu faraxsan shaqadiisa cusub ayuu sheegay in wasaaraddu ay u ogolaatay waqtiyada qaar in uu fasax qaadankaro gaar ahaan marka cimiladu kulushahay iyadoo aan saamaynayn mushaarkiisa.

“Shaqada la isiiyey aad iyo aad ayey u fiicantahay, xiliga qaboobaha ayuun baan shaqeeyaa, waayo dhibka aan kulaylka ku qabo ayey arkeen. Nolasha aad iyo aad hore hooos ayey ahayd, hadda laakiin kor ayey u kacday, nolosha qoyska macal taydaba. Boqol accounka ayaan isaga shubtaa, kontona raashin ayaan ugu soo dhigaa, kontona daawada ciyaalka weeye, xaaladii hore iyo xalaada hadda isku mid ma ahan haday fiican tahay xaaladayda”.

Waxa uu gabaad ka dhigan jiray hooska balbalo yar oo ku taalla xarun gaadiidka lagu hagaajiyo, waxaa ku adkayd in cadceedda uu u soo bareero isaga oo quuldarayn jiray in gadiidku u soo dhawaadaan. Waxaa uu xusay in ay jireen dhalinyaro badan oo loolan adag uu kala kulmi jiray, kuwaas oo gawaarida la dhaqayo bannaanka uga hortaga. Gaadiidka aan badnayn ee fursadda uu u helo in uu dhaqo ayuu sheegay in mararka qaar dadka iskaleh ay ku diidi jireen maqaarkiisa cad.

Xasan waxa uu tilmaamay in ay meesha ka baxday hadda walwalkii ka haystay dhinaca nolol-maalmeedka qoyskiisa oo markii hore ku tiirsanaa lacag u dhaxaysa $1 ilaa $3 oo si maalinle ah uu uga heli jiray dhaqidda baabuurta, inkastoo maalmaha qaar isaga oo aan waxba helin uu dib uga soo laaban jiray.

“Sidaad u joogto gabalka ayaa kugu dhacaya, waad baxaysaa adiga oo aan waxba wadan ciddiina ay ku sugayso oo la leeyahay aabbaha shaqo ayuu nagu maqan yahay. Aniga oo aan wax helin oo jirkoo dhan biyo iiga jiraan ayaan tagayaa, shan maalin in aan xaafada joogo ayey noqonaysaa, maalinta lixaad in aan shaqo tago ayey noqonaysaa”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Jubbaland Maxamed Kaamil Yuusuf ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ka war hayaan dhacdooyin aan wanaagsanayn ee bulshada ay kala kulmaan dadka albiinada oo tiro ahaan Kismaayo ku jooga in ku dhow 20 qof, balse si gaar ah ay u soo jiidadatay ka maamul ahaan sheekada Xasan oo dhibane u noqday faquuqa isagoo xooggiisa ku shaqaysanayay islamarkaana duruufaha haysatay aysan niyad jabin.

“Dowladu waxaa ay leedahay qaab qofka shaqaalaha marka la qorayo loo qoro oo tartan ah, lakiin maaddama uu Xasan xirfad uu ku shaqo-tago oo gooniya jirin, waxaan go’aansanay in aan shaqo siinno. Go’aankaas ka dib Xasan waan u yeernay, waxaan waydiinay waxa uu ku fiican yahay iyo waxyaabaha uu qaban karo, duruufihiisa-nololeed iyo sida uu shaqadaas u qaban karo. Xirfaduhuu noo sheegay mid ka mida ayaan siinay in uu wasaarada kula shaqeeyo, duruufihiisana in shaqadaas dabiqi karto oo tu’saale ahaan xiliyada kulul ee uusan shaqada aqbali karin uu fasax yahay, wasaaraduna la ogtahay.”

Waxa uu sheegay agaasimuhu in tani dhiirigalin ay u tahay qof kasta oo ay ka go’antahay in uu shaqeeyo. Xasan oo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee albiinada Kismaayo ku nool kamid ah oo shaqo ka helay xarun dowladdeed ayaa aabbe u ah saddex carruur ah oo kala ah laba gabdhood iyo hal wiil maqaarkoodu uusan caddeyn, balse waxaa kala siman walaalkiis oo 14-jir ah islamarkaana isagu uu gacanta ku ahayo.

Qoyska Xasan oo ku nool xero barakac Xabiibo-Taano waxaa hoy u ah saddex buush oo ka samaysan baakado iyo qoryo la isu geeyey, balse waxaa uu qorshaynayaa in hoy ka fiican midka ay hadda ay deggan yihiin uu dhisto sidoo kalana carruurta uu waxbarasho geeyo.

Xaliima Xassan Cali waxaa ay ka mid tahay dumar qaba xanuunka albinism-ka, iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban lix qof waxay ku nool yihiin xerada Sanguuni. Nolosha qoyskeeda waxaa uu ku tiirsanaa ninka ay ilmaha u dhashay oo ka shaqaynaayey shaqo xamaaliya oo maalintii uu ka helli jiray 50,000 oo shilin Soomaali ah balse Xaliima ayaa sheegtay in ninkeedii uu bil ka hor uu lug ka jabay isaga oo gaadhi alaab ka dajinaya, iyaduna haddii ay shaqayn lahayd ay bulshada kala kulmayso faquuq.

Waxaa ay sheegtay in dumarka xerada kula nool ay in tooda badan ka shaqeeyaan shaqo dhar-dhaqaal ah oo laga qabto xaafadaha Kismaayo. Dhar-dhaqista oo ah xirfad ay taqaan ayay dhowr mar isku dayday in ay hesho waxaase diiday dadka dharka loo dhaqayo taasoo sababtay in ay ka niyad jabto.

“Waxaan dareemaaya n imarkay aniga i arkaan ay isku jees jeesanayaan oo afkood isku tollaayan, kalmada ay iyagu sheegayaana in aniga dhagahayga ku dhac-dhacayso. Waxaan isdhahaa dadkaan adiga ayey ku haystaan oo midabkaaga ayey wax ka sheegayaan, aniga ilaah ayaa ii uumiyey, dhib kuma qabo ayaan dhahaa.”

Dadka xerada la dagan ayaa ku caawiya qoyskeeda wax ay cunaan tan iyo markii saygeedu jabay sida ay sheegtay. Waxa ay xustay in iyada iyo dadka la midka ah ay u baahan yihiin shaqo aan lagu faquuqayn si ay fursad ugu helaan in noloshooda ay wax ka badalaan.

Previous Post

Ganacsato badan oo ku hanti beelay dabkii suuqa xerada qaxootiga Dhagaxleey

Next Post

Dugsi sare oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay degaanka Dhabad ee Galmudug

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Togdheer: Carruur agoon iyo danyar ah oo waxbarasho ka helay iskuul cusub

Dugsi sare oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay degaanka Dhabad ee Galmudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo