Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ganacsato badan oo ku hanti beelay dabkii suuqa xerada qaxootiga Dhagaxleey

Radio Ergo by Radio Ergo
December 22, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato badan oo ku hanti beelay dabkii suuqa xerada qaxootiga Dhagaxleey

Cabdirishiid Maxamed Cabdi oo ag fadhiya badeeco yar oo uu dabka ka badbaadshay/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdirishiid Maxamed Cabdi waxaa uu kamid ahaa ganacsatadii hantidooda ku waayay dab baabi’iyay 11-kii bishii September ee sanadkan suuqii ugu waynaa xerada qaxootiga Dhagaxley ee Dhadhaab, Kenya. Qoyskiisa oo 10 qof ah waxaa soo wajahday xaalad dhaqaalo xumo oo ka dhalatay dabka, iyadoo meesha ay ka baxeen raashinkii ay heli jireen saddexda waqti iyo waxbarashada carruurtiisa markii meheraddii uu ka soo saari jiray ay gubatay.

Radio Ergo ayaa kula kulmay Cabdirishiid afaafka hore ee suuqa gubtay oo aan wali dib loo hagaajin, isaga oo korfadhiya miis yar oo ay dhowr kabbo ahi saaranyihiin oo kamid ahaa haraadiga dhar iyo kabbo aan badnayn oo dabka uu ka badbaadsaday.

Wuxuu ku waayay dabka hanti gaaraysa ku dhowad $30,000 oo isugu jirtay badeecaddii uu iibinayay oo ahayd dharka jumlo ahaanta loo iibiyo, lacag kaash ah iyo gurigii uu ku ganacsanayay oo isagu uu lahaa.

Ka hor dabka goobtiisa ganacsi waxa uu ka heli jiray maalin walba wax ka badan $50 oo faa’iido ah haddase waxaa ku adag helidda $1, waxa uu ka waramaya xaaladda dhaqaale xumo ee la soo daristay oo xita saamaysay dad ehelkiisa ah oo lacago bille ah uu u dirijiray.

“Qoyskeyga ayaan toos masuul uga ahaa iyo dadka kale, eedaday oo deggan magaalo Luuq la yiraahdo ayaan wax u tuuri jirey, hadda maxaan u tuuri, maalintii hore waxaan ahayn dad hanti heysta oo isku filan oo ilaahay mooyee aan aadane waxba weydiisanayn, markii dambe waxay noqotay qofkii aan qaraabo ahayn in aan la hadalno oo niraahno bal maanta biilka bishan naga soo bixiya.”

Shan carruur ah oo saddex ay u dhiganayeen dugsiga sare ee Imaamu shaafici ayaa waxbarashada ka haray sida uu sheegay Cabdirishiid oo awood u waayay dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda. Labadii bil ee u danbeysay waxa uu xariir la sameeyay dad ay ehel yihiin oo dibadda jira si ay ugu soo diraan lacag uu carruurta wax barashadooda ku dabaro, balse wali wax aan ballan qaad ahayn kama helin.

Sanadkii 1996 ayuu xeryaha Dhadhaab la yimid qoyskiisa markii ay ka soo carareen colaad ka jirtay Soomaaliya xiligaas, inkastoo xaalad adag oo dhaqaale uu wajahayo hadana kama quusan Cabdirishiid in uu ganacsiga dib u billaabo.

“Hadda miiskayga kabo bas baa saaran wax kale ma saarna wixii kale wali tabartu ma masaamixin in sideedi aan ku soo celinno. Maalinkaas waxaa iga gubtay 4 kartoon oo waawayn oo kabo ah oo kartoonkiiba ay ku jirto ugu yaraan $2,000 anigu badanaa Xamar baan ka keeni jiray kabaha dharna way iga gubteen.”

Saameynta ugu badan ee ka dhalatay suuqa gubtay waxaa dareemaya dadka lahaa ganacsiyada yaryar iyo xoogsatada dhaqaalaha maalinlaha ah ee waxa ka soo geli jirey suuqa ku maareyn jirey nolosha qoysaskooda, Badankood uma suurta gelin in ay dib u helaan shaqadoodii muddo labo bilood ka badan maadaama aysan haysan dhaqaale ay dib ugu billaabaan ganacsi ama meel ay ka shaqeeyaan.

Waxaa dadkaa ka mid ah Isaaq Iidle Xasan iyo dhalinyaro kala shaqaynayay goob timaha lagu jaro oo ku taallay suuqa dabku baabi’iyay ee xerada Dhagaxley, waxa ay noqdeen guri joog aan wax shaqo ahayn. Iidle ayaa Radio Ergo u sheegay in dhammaan agabkiisii shaqada uu ku waayay dabka, awood dhaqaalena uu u waayey in uu dib u howl-geliyo.

Waxaa uu intaa ku daray in ay goobtiisii shaqo ay ka soo xaroon jirtay lacag uu ka bixinayay mushaarka shaqaalaha u shaqaynayay oo shan qof ahaa iyo biilka qoyskiisa oo hadda meesha ka baxay.

“Noloshu aad bey u kala fogtahay shalay iyo maanta markaad isku fiiriso; nin shalay shaqaysanayay oo magaalada caan ka ah baan ahaa nin walba garanaayay maantana waad arkaysa, dadku marka ay I yiraahdaan ‘war ninyahow see tahay aaway meeshaadii’ anigoo dhan waan qushuucaa oo xaaddaa i istaagta sidaan ahaa markan arko iyo halka aan maanta ku suganahay oo waxaygii aan cidlo ka fadhiyo.”

Xeryaha qaxootiga Dhadhaab labadii bil ba mar ayaa laga bixiyaa gargaar raashin ah oo la siiyo dadka. Iidle ayaa ii sheegay in qoyskiisa ay hadda noloshiisa kusoo koobantey Isticmalka raashinkaas oo iskugu jira kiilooyin galay, qamadi, sarreen iyo saliid ah, kuwaas oo aan ku filnayn qoyska bishii oo dhan.

Guddoomiyaha Xerada Dhagaxley Cabdullaahi Cali Aadan ayaa Radio Ergo u sheegay in hanti lagu qiyasey 3-million oo doolar ay ku luntay suuqa gubtay, xoogsato badanna ay ku shaqo beeleen.

Wuxuu xusay in gubashada suuqa xerada ay ku soo aaday xili xasaasi ah oo adduunka oo dhan laga dareemayo dhaqaale xumida ka dhalatay xanuunka Caronavirus oo isna si gaar ah u saameeyay nolosha qaxootiga.

“Dadkii ehelka ahaa ee markii dhibaato dhacdo loo qayshan jiray iyagii baa afkooda qiiq ka socdaa, waxay ku leeyihiin shaqo ma jirto…waxaa is biirsadey suuqii oo gubtey iyo wixii ka danbeeyay bishii saddexaad lacagihii xawaaladahaha la soo dhigijiray oo yaraaday, marka dhibaatooyinkaasi culayska soo kordhay weeye.”

Dib u howl-galinta suuqa ayuu xusay in ay hortaagan tahay ganacstada oo aan haysan gacan kale oo ka taageerta soo kabashadooda, waxaana uu walwal kamuujiyay niyad jabka ay ka qaadikaraan arrinta ganacstada qaar oo ku dhawaad soddon sano tabcayay hantida ka gubatay.

Previous Post

Arday dhagool ah oo kaalinta labaad ka galay iskuulkiisa

Next Post

Nin qaba xanuunka jirka wada-caddeeya oo shaqo dowladeed la siiyay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Nin qaba xanuunka jirka wada-caddeeya oo shaqo dowladeed la siiyay

Nin qaba xanuunka jirka wada-caddeeya oo shaqo dowladeed la siiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo