Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

Cabdisalaam Axmed Jaamac

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdisalaam Axmed Jaamac oo xoolo ku dhaqda miyiga deegaanka Balli-dhiig ee gobolka Togdheer wuxuu go`aansaday inuu si mutadawacnimo ah dadka reer miyiga ah uga wacyigeliyo halista cudurka Koroona, lana wadaago talooyinka looga hortagayo cudurka ee uu idaacadaha ka dhegeysto, sida kala fogaanshaha, gacmo-dhaqashada iyo is-booqashada ama safarka.

‘Miyigii markii cidi iman wayday, cid wacyigelisa ay waayeen ayaan aniga iskaa-wax-u-qabso isku diray, in magaaladii xanuunno ka dillaaceen, dalkeenna iyo debadahaba, xanuunkaas oo la yiraahdo Korona Fayris, xanuunkii mid dalka ku fidaya weeyaan,” ayuu yiri Cabdisalaam.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu haysto raadiye uu ka dhegeysto mowjadda gaaban, si joogto ahna uu ula soco tebinta Raadiyo Ergo oo ay ku jiraan wararka iyo warbixinnada la xiriira Koofid 19. Wuxuu farriimaha uu idaacadda ka dhegeysto ku sii dhex faafiyaa bulshada, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo laga yaabo in aanay warbaahinta la socon.

” Dhallinyarada markii ay qabanayso magaalada waan u sheegaa oo waan la hadlaa oo waxaan iraahdaa magaaladii baad ku socotaan, haa, iska joogaan idin oran lahaa, haddii aydan ka joogaynin meel basar leh fariista oo dadka ka fogaada xanuunadaasaa soo galay dalkee.”

Cabdisalaam wuxuu bishii hore Raadiyo Ergo kala soo xiriiray telefoonka bilaashka ah, isagoo noo sheegay in warbixinnada idaacadda ay dadku si aad ah u soo dhoweeyeen. Wuxuu sheegay in deegaankiisa aysan gaarin idaacadaha FM-ka laga dhegeysto, waxayna bulshadu ku tiirsan tahay xogta ay ka hesho Raadiyo Ergo iyo wararka caalamiga ah iyo arrimaha markaas taagan oo ay kala socdaan Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da.

Siraad Cawil waa hooyo ku nool miyiga deegaanka Balli-dhiig ee gobolka Togdheer, gacantana ku haysa qoys ballaaran oo ka kooban dhowr iyo toban qof oo isugu jira kuwo ay dhashay iyo kuwo ay ayeeyo u tahay. Waxay ka mid tahay bulshada miyiga ee sida fican u fahmay cudurka Koroonaha iyo sida looga hortagayo, waxayna la qaybsataa dadka reer miyiga ah macluumaadka ay ka hesho Cabdisalaam.

Siraad waxay Raadiyo Ergo uga sheekeysay sida ay u qaataan talooyinka caafimaad ee ay helaan.

“Waa nala wacyigeliyaa oo ninkaas baan naga wacyigeliya badanaa. Meelahaas mujtamacyada aad ha ugu ururina buu yiraahdaa, qofkii aad ka shakidaan ee xanuunsanaya ha u tagina ama ha la dhaqmina. Magaalada aad ha u tagina, haddii aad tagtaanna meelaha iyo hoteellada ha fariisanina, siyaabo badan oo sidaas ah buu nooga wacdigeliyaa, dabeed annaguna waan iska ilaalinnaa.”

Waxay intaa ku dartay in natiijada wacyigelinta darteed ay haweenka miyiga xaddideen isu-imaashaha oo qoysna uusan qoys kale u gelin. Waxay xustay in reer kasta uu ku dadaalo in aysan ka go’in saabbuunta iyo biyaha si ay faraxalka u joogteeyaan, iyadoo tilmaantay in dadka ay saabbuunta ka go’do ay isticmaalaan dambas.

Ismaaciil Axmed wuxuu isaguna ka mid ah dadka ku nool miyiga Balli-dhiig ee qaatay fahamka wacyigelinta caafimaadka ee Koroonaha ee uu wado Cabdisalaam. Wuxuu u istaagay inuu la wadaago wacyigelinta dadka reer miyiga ah si ay uga taxaddaraan in aanu u soo dhuuman bushi-sidaha Koroona.

“Annaguna waan sii gaarsiinnaa oo waxaan u sii gudbinnaa dadka kale oo ninba ninkuu arko buu u sii gudbiyaa, una sheegnaa inuu xanuunkani yahay mid halis ah oo dilaa ah oo aan dawo loo hayn,” ayuu yiri.

Sida badan magaalooyinku waxay ku xiran yihiin nolosha miyiga oo waxaa looga keenaa caanaha, xoolaha iyo miraha beeraha, sidaas darteed kalama maarmaan iny mar kasta isu socdaan oo ay kala adeegtaan.

Previous Post

Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Next Post

Hay’ado ku talinaya in aan khasab lagu rarin dadka gudaha ku barakacay

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Hay'ado ku talinaya in aan khasab lagu rarin dadka gudaha ku barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo