Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hay’ado ku talinaya in aan khasab lagu rarin dadka gudaha ku barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 4, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ee Soomaaliya iyo hay’adda NRC, ayaa ka walaacsan in si qasab ah looga raro goobaha ay deggan yihiin dadka barakacay ee ku nool magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka xilli uu cudurka COVID19 ku faafayo dalka.

Barakicinta qasabka ah ee ay la kulmaan dadka ku nool xeryaha ku yaalla Muqdisho iyo meelo kale ayaa laga cabsi qabaa in haddii ay dhacdo barakicin cusub inay qayb ka noqoto faafitaanka Korona fayriska, kaasi oo ay aad ugu nugul yihiin dadkaas.

Hay’adda dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ee Soomaaliya ayaa ka digaysa in xilligan oo dalka uu ku sii faafay cudurka COVID-19, in si qasab ah looga raro dhulka ay deggan yihiin dadka barakacay, taasoo ay tilmaantay inay qayb ka qaadan karto faafista Korona fayriska.

Drs. Amino Siciid oo ah guddoomiyaha hay’dda qaxootiga iyo dadka barakacay ayaa sheegtay in haddii uu cudurku gaaro goobaha ay hadda ku nool yihiin dadkaas barakacay in la soo qaadi karo qofkii uu asiibo cudurka, balse haddii la barakiciyo oo ay dulsaar ku noqdaan dad kale oo laga yaabo ineyan cudurka qabin ay si dhibyar isu qaadsiin karaan, qofkiina ayan sahlanayn sidii dhaqso loogu soo qaadi lahaa taasina ay sii sahasho faafintaanka CORVID-19.

“ 7-8 carruur ah ayaa laga yabaa in qoyskiiba ay u joogaan oo hal buul oo yar ay kuwada nool yihiin, waxaan ka codsanaynaa dadka iska leh dhulka ay deggan yihiin in aan la barakicin inta uu cudurku jiro” ayay tiri

Inta badan dhulka ay deggan yihiin dadka baracakacay waxaa leh dad shaqsiyaad ah, oo marka ay u baahdaan xoog uga saara, guryaha buushashka ahna ka dumiya, ayaga oo aan siin wax ogeysiis ah; iyadoo weliba uu jiro xeer ay soo saartay xukuumadda Soomaaliyeed shan bil ka hor ah, kaasoo qeexaya inaan si qasab ah looga saari karin dadka barakacay goobaha ay deggan yihiin.

“inta aan la dumin waaxaa la rabaa in la siiyo waqti uu ku guuro, inay diyaar tahay meeshuu degi lahaa, inay leedahay amini, caafimaad, waxabarasho ayna tahay meel ay ka soo shaqo tagi karaan maadama ay yihiin dad soo xamaasha”

Tirada dadka ku barakacay gudaha dalka ayaa lagu qiyaasaa laba milyan iyo lix boqol oo kun oo ka dhasheen dhibaatooyin badan oo isbiirsaday sida dagaalladii sokeeyee ee ka dhacay dalka Soomaaliya kuwaasoo ay wehliyaan abaaro iyo fatahaadaha webiyada iyo roobabka ee waxyeellada u gaystay goobihii wax-soo-saarka ugu badnaa dalka Soomaaliya. Dr. Aamina ayaa si wayn uga codsatay dadka milkiilayaasha ah ee leh dhulalka ay ka deggan yihiin dadkaas barkacayaasha ah iney u turaan oo u naxariistaan dadkaas inta arrimahooda laga xallin doono, iyadoo sheegtay iney ku hawlan yihiin sidii loo maarayn lahaa amuurahooda.

Dr. Cabdirisaaq Aadan oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda NRC ayaa sheegay isagana in dadka barakacay ay si joogta ah ay ula kulmaan barakicin xoog ah, balse hadda ay tagan tahay in barakicintu sababi karto xaalado kale oo halis ah, lana xiriirta COVID19-ka, maadaama marka la barakicyo ay dulsaar ku noqonayaan goobo kale oo ay horay u degganaayeen dad kale.

“Guryo fiican ma deggana, biyihii iyo nadaafad wanaagsan ma laha, waxaa dhici karta in cudurka inuu sii fido ay sabab ku yeelato” ayuu yiri

Sanadkii 2019 ayaa waxaa la diiwaan galiyay 263,500 qof kuwaasoo xoog looga saaray guryihii ay degganayeen, taasina waxay markii dambe keentay iney barkacayaashii la kulmaan caqabado kale oo ka sii daran middii haysatay markii hore. Sidaasi si la mid ahna uu ay dhici karto haddii barkacayaasha looga saaro xoog halkan ay ku sugan yihiin sida Dr. Cabdirisaaq uu u sheegay Raadiyo Ergo.

Previous Post

Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

Next Post

Lo’ Balanballe ugu dhimaneysa cudur laga hortagi karay oo tallaalkiisa ay xoolo-dhaqatadu diidday inay iibsato

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Xoolo u dhinta cudurro aan la xaqiijin

Lo' Balanballe ugu dhimaneysa cudur laga hortagi karay oo tallaalkiisa ay xoolo-dhaqatadu diidday inay iibsato

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo