Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

Radio Ergo by Radio Ergo
June 9, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

Macallin Cabdirashiid oo bare ka ah dugsiga Al-amiin/ Axmed Dheere/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo ah macallimiinta wax ka dhigi jiray dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayay soo foodsaartay duruufo dhaqaale oo adag kaddib markii ay waayeeen mushaharooyinkooda ka soo xeroon jiray lacagta laga qaado waalidiinta dhalay ardayda, iyadoo ay tani ugu wacan tahay xakamaynta cudurkan Karonaha.

Kaalmada ay macallimiintaan qaxootiga ah ka helaan hay`adaha ayaanan marnaba ku fillayn waxyaabaha ay ka helaan, waxayna qoysaskooda ku kabi jireen lacagta ay ka helaan ardayda ay wax u dhigaan.

Faadumo Cabdi Aadan oo ka mid ahayd macalimiinta iskuulka hoose/dhexe ee Al-ma’muun, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in lacagta mushaarkeeda oo ahaa 15000-ksh oo dhiganta 150$ uu waxtar weyn u ahaa nolosha qoyskeeda ka kooban lixda qof, afarteeda carruurta ah iyo aabbahood.

“Hadda nolol maalmeedku sidii hore maahan waa sii diciifayaa, bil Ramadaan baa laga soo baxay,  deymankii labadii bilood iyo barkii aanu isticmaalaynay ayaa nalaku leeyahay”

Faadumo oo ah qofka keliya ee qoyskeeda u shaqaynaysay waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay welwel ku hayso inta shaqo la’aantu jirayso iyo sida ay muddadaas u maarayn doonto nolosha qoyskeeda oo iyada uun sugaya.

Cabdullaahi Maxamuud Cali waxaa uu macalin ka ahaa dugsiga hoose dhexe ee Imamu-shaafici oo ku yaalla Xerada Xagardheer ee Dhadhaab, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay in shaqadiisa ay ku tiirsanaayeen hooyadii iyo saddex walaaladii ah, haddana ay aad xaaladu ugu adag tahay haddii ay arrintu sidaan ku sii socoto.

Macalimiinta ay sida gaarka ah u saameysay dugsiyada la xirey waa kuwa dhigayay dugsiyada gaarka loo leeyahay, halka macallimiintii wax ka dhigayay dugsiyada ay maamulaan hay’adaha samafalku ay si caadi ah u helayaan mushaharaadkooda weliba iyagoo ay xiran yihiin dugsiyadii.

Cabdirashiid Cabdi Xuseen waxaa uu macallin ka ahaa dugsiga sare ee Al-amiin ee Xagardheer waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in uu wajahayo saamaeyn dhaqaale middii ugu adkayd ee uu la kulmo intii xeryahan uu joogey.

“Waxaan ahaa nin reer leh ciyaal baan dhalay, waxaan meeshaa ka soo qaado uun baan naftayda iyo reerkayga ku maareynayay,  hooyadey iyo dad aan mas`uul ka ahay ayaa ku tiirasanaa waxaan soo qaado, biil kale ma qaadanno meel kale oo wax naga soo galaana ma jirto”

Iskuulaadda dalka kenya oo ay ku jiraan kuwa xeryaha qaxootigu waxaa sida caadiga la xiraa saddex xili oo isku darkoodu yahay  afar bilood sanadkiiba oo ah bilaha fasaxa waxaana ay fasaxyadaasi yihiin kuwo aan wax saamayn ah ku lahayn macalliinta dugsiyada.

“Arintan si kadis ah ayay u dhacday oo qof kasta muusan filanayn, shaqadii annaga oo joogna ayaa la dhahay maanta war baa soo baxay, madaxweyihii wuxuu ku dhawaaqay in iskuullada la xiro, nin kastaa meel buu ka boodey cid isu soo laabatay na maanaan arkin”

Shaqo la’aanta ka dhalatay iskuuladda la xiray ee ay ka hawl-geli jireen boqollaal macallin wuxuu sii kordhiyay culaysyada dhinacyada badan ee awalba iska haystay dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha, waxayna iminka si aada u sii dareemeen culayskaas markii la soo rogay xakamaynta Koronaha, hawlo badanna ay xireen kuwaasoo ay ka mid yihiin dugsiyada xayiran oo ay macallimiintii wax ka dhigeysay ee ku noolayd ay dhibaato mushar la`aan ah wajaheen.

Dadka ku nool xeryaha Dhadhaab oo intooda badan gargarka ay ka helaan hay`adaha qaxootiyada oo aanan ku fillayn waxay dadaalkooda gaarka ah sida ganacsiyo yaryar, shaqooyinka xafiisyada iyo macallinnimaba ku kabaan maciishaddooda, haddiise iminka ay sii socoto xakamayntaan waxaan shaki ku jirin iney dadkaas ku sii adkaan doonto durufaha ay hadda ku jiraan.

Previous Post

Kismaayo: Qaxootigii ka soo noqday Dhadhaab oo ka faa’iidaystay birjikooyin dhuxusha tashiilaya

Next Post

Boqollaal qoys oo biyo yari ku hayso xerada Wadataal ee duleedka Gaalkacyo

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Boqollaal qoys oo biyo yari ku hayso xerada Wadataal ee duleedka Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo