Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo biyo yari ku hayso xerada Wadataal ee duleedka Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 12, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol iyo lixdan qoys oo ku nool xerada barakaca Wadataal oo Gaalkacyo waqooyi-bari ka xigta 9 km ayaa ku sugan xaalad biyo-yari muddo bil ah, taasoo sababtay markii ceel-biyood riig ah oo ay biyaha si bilaash ah uga cabbi jireen ay soo wajahday xaalad dhaqaale-xumo.

Dadka xerada ku jira oo ahaa kuwii abaarihii ku cayroobay oo horraantii sannadkii 2017-kii deegaannadoodii ka soo barakacay ayaa dantu ku qasabtay in ay deegaan goob ka durugsan magaalada kolkii ay dhul-banaan ka waayeen gudaha iyo daafaha Gaalkacyo.

Dadkaas waxaa kamid ah Abshiro Diiriye Kulmiye oo ah hooyada siddeed carruur ah, waxay dhabarkeeda uga soo xamaashaa Gaalkacyo toban liitar oo biyo ah oo cabitaan iyo cunno karsiba ay u isticmaashaa.

“Maalin walba xaaladdaas baan ku jirnaa, waxaan soo tagaa siddeed saac waxaana jidka ku soo jira labo saac iyo bar hadba meel baan dhigaa toddoba qaadka iyo saddex qaadka maalin walba lama qaadikaro wadnaha ku go’aya.”

Ragga iyo haweenka mas`uulka ka ah qoysaska xerada ku nool qaar ka mid ah ayaa qabta shaqooyin aan joogto loo helin sida dhagax-jabinta iyo qoryo guridda, balse Abshiro ma shaqaysato waxaana iyada iyo carruurteedu ay ku tiirsan yihiin raashin si toddobaadle ah ay u siiyaan qoys ehelkooda ah oo Gaalkacyo ku nool.

Dadka xerada daggan ayaa adeegsada gadiidka iska-rogayaasha iyo kuwa la mid ah oo ay ku qaataan biyaha waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in fuusta biyo ah loogu keeno $3 doller.

Abshiro iyo dadka la midka ah waxaa ku adag helidda lacag ay ku dalbadaan biyahaas, sidaas bayna tan iyo Gaalkacyo dhabarkooda uga soo dhaamiyaan. Waxay Raadiyo Ergo uga warrantay rajo la`aanta iyo qorsha la`aanta haysata sidii ay uga bixi lahayd dhibaatadan.

“Waan la walaacsanahay noloshayda, qofkii hoy ku lahaa magaaladuu iska dagay, uma awoodo in aan guri u kireeyo, ma awoodo in aan meel uga dhiso jiingad xitaa ama buush, dhulku waa kiro kama bixi karo magaalada” ayay tiri

Waxay Abshiro markeedii hore ka soo barakacday miyiga deegaanka Bitaalle oo Gaalkacyo dhanka waqooyi-bari ka xiga 40 km ayay kala soo barakacday qoyskeeda, markii 180 neef oo ari ah ay uga dhamaadeen abaartii raadaysay.

Jaamac Cabdi Ciise oo aabbe u ah qoys lix qof ah ayaa kamid ah dadka aan biyaha iibsan karin, waxa uu horraantii sannadkii 2017-kii soo dagay xeradan isaga oo ka yimid deegaanka Qaydare oo abaartu ku dhufatay.

“Lacag aan bajaaj ku soo kiraysto baanan hayn, sidaas awggeed ayaan hadda garabka ugu soo aroora.”

Jaamac oo ka shaqeeya dhagax-jabinta 10-kii bariba mar ayuu beec u helaa dhagaxa uu la baxo, waxaana dhaqaalaha yar ee uu ka helo uu ku dabbaraa raashinka qoyska, markaanse culays kale ayaa la soo gudboonaaday oo ah inuu biyaha ka soo dhaamiyo dhul fog.

“$10 weeye waxa aan shaqeeyo, qoys xaas ahna waad garanaysa inta kaafin karto, lacag yaroo 10 bari kaddib soo gasha meeshaas baahi baahsan ayaa ka jirta”

Wuxuu iminka damacasan yahay inuu u wareego magaalda Gaalkacyo, walow uusan weli helin dhul bannaan ee uu iibsado kuna helo beec macquul ah. Waxaa kaloo uu intaas ku daray in haddii uu waayo uu ku talajiro in meelo ka raadsado xeryaha horey u jiray ee magaalda, walow taasina ay u baahan tahay inuu fasax uga helo horjoogayaasha xeryaha.

Madaxa arrimaha bulshad dagmada Gaalkacyo Muxyaddiin Yuusuf Samatar ayaa u xaqiijiyay Raadiyo Ergo xaaladda biyo-yarida ee ka jirta xeradaas, maamulkuna uu iminka uun uu ku baraarugay, haddana uu ku hawljiro sidii wax looga qaban lahaa.

Muxyiddiin ayaa intaas ku daray iney qorsheynayaan sidii ay qoysaskan biyo la`aantu haysataa ay ugu soo rari lahaayeen magaalada gudaheeda iyo daafaheeda hadba halkii ay duruuftu u saamaxdo intaanu sanadkan dhammaan.

 

Previous Post

Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

Next Post

Jubada hoose: Qoysas heli jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ka joogsadeen

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
New health centre opens for refugee returnees in Kismayu

Jubada hoose: Qoysas heli jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ka joogsadeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo