Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 1, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

Mid ka mid ah beeralayda oo guranaya dalag u soo baxay/Sawir/Jibriil Cusmaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiwali Cigalle Faarax iyo toddobaatan iyo labo qof oo deggan deegaanka Ban-geelle ee gobolka Galgaduud oo ku cayrtoobay abaaraha waxay markii ugu horreysay noqdeen beeralay. Cabdiwali oo beer falashada soo waday muddo toddobo bil ah wuxuu 25-kii bishii Maarso goostay dalaygyadii ugu horreeyay ee saddexda bil ku baxa oo isugu jiray qare digir, yaanyo, barbarooni, basbaaska iyo qaar kale.

Dalagga beertiisa ka soo go’ay ayuu u suuq-geeyay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanballe. Waxa uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdiwali in beerta uu ku tacbaday lacag dhan $1200 oo uu ka bixiyay labo halaad oo uga haray xoolihiisii, iyadoo dhinaca farsamada beer-tabcashada iyo biyo galinta beerta ay ka taageertay hay’adda WFP.

“Marka koobaad waxay i tuseen dhulka sidii loo falayay, marka labaad way ii jeex jeexeen, kabacdi dagalka ariga ama hiishiisa bey ii direenoo waxa ay dheheen ku soo rog, marka boqolkiiba boqol si fiican bey ii caawiyeen, lacag fiican baan ka helay anigu qiyaaso ilaa 1,800 1.700 lacag meelahaas ah ayaa ka soo baxday,” ayuu yiri.

Saddex boqol oo neef oo ari ah iyo 20 geel ah ayuu ku waayay abaar ka jirtay muddo 5 sano deegaanka Ban-geelle ee gobolka Galgaduud. Nolosha qoyskiisa oo ka kooban 8 qof ayay wax badan ka badashay beertan oo miraha ka soo go’a ay raashin ahaan u isticmaalan iyadoo lacagta ay ka helaanna noloshooda kale ay ku maareeyaan.

Cabdiwali oo sanadkii 2017-kii deegaankan soo degay ayaa ii sheegay in cunnada mararka qaar ay ku caawin jireen qoysas ehelkiisa oo Ban-geelle daggan, balse inta badan uu heli jiray raashinka hay’aduhu ay ka qaybinayeen xerada uu ku noolaa. Hadda qoyskiisa waxa uu guri alwaax iyo jiingad ka samaysan uga dhisay dacalka beertiisa.

Waxa uu intaa ku daray in caqabado uu kala kulmay beer tabcashada gaar ahaan dabayaaqadii sannadkii 2019 markaas oo uu ku cusbaa tabacashada tiiyoo ay u dheerayd ayax ku habsaday beertiisa oo dalagyadii bilowga ahaa ka baa’bi’iyay. Haseyeeshee wuxuu iminka ku fekeraya in mar kale uu beerto dalag hor leh, isagoo ka faa`iideysanaya xilligan soo socda.

Gudoomiyaha Ban-geelle Xundul Maxamed Cadde ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ilaa lix deegaan oo u dhow deegaanka uu madaxda ka yahay ay xooladhaqatadii soo cayrtowday ka sameysteen beero wax badan ka beddelay noloshoodii hore, qudaarta iyo raashinka laga isticmaalo deegaannadaasna ay ka soo go`aan beerahooda.

“Ban-geelle waxa ay kamid tahay meelaha lagu guuleystay oo sidii la rabay ay wax uga baxeen, marka dadkii qaarna waa ka faa’iideystay oo beero waawayn bey samaysteen,” ayuu yiri.

 Wuxuu kaloo sheegay in qoysas badan oo culays dhaqaale qabay hadda ay heleen fursad cusub oo ay kaga dabaashaan, Waa markii labaad ayuu sheegay in beeralayda miro u soo go’aan taasi oo macaash fiican ay ka heleen

Axmed Cabdulqaadir Cabdulle oo ahaa xoolo dhaqato hore oo abaarta ku cayroobay, wuxuu beer 250 ku leeyahay Ban-geelle taasi oo tacabkeeda bilaabay 8 bil ka hor. Qoyskiisa oo markii hore dulsaar ku ahaa qoys ehelkiisa ah ayaa ka maarmay iney dulsaar ku sii ahaadaan maaddaama hadda isticmaalaa wixii ka soo go`a beertooda, wuuuna kaloo ii sheegay iney WFP ay ka caaintay tababarka sida beeraha loo tacbado, iyagoo sidaas si la mid ahna ay ku dhiirrigeliyeen dad qaraabo la ah tacbashada beerta.

“Saaxiibadayna way igu dhiirigaliyeen oo waxay yiraahdeen nacfi badan baa laga helayaa waxa la daba jooga dhan iyagaa ka wanaagsan, wax baa iga suura galay waxa kalana hammigooda ayaan wali haynaa oo rajo fiican ayaan ka qabna in aannu gaarno,” ayuu yiri Axmed.

Dadka abaaraha xoolaha ay tireen qaar badan oo kamid ah ayaa iskudayaya in nolol ka baddalan tan hadda ay ku ku jiraan ay u digarogtaan, iyaga oo qaarkood bartay xirfadaha gacanta, balse qaybo kamid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud labadii sano ee la soo dhaafay xoolo dhaqatadii hore waxay ku dadaalayeen tabacabka beeraha.

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

Next Post

Muuqaalka 1, Faro-xalka!

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Scene 1, Clean hands!

Muuqaalka 1, Faro-xalka!

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo