Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

Radio Ergo by Radio Ergo
April 30, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

Sheekh Cabdulxayi Aaden Sheekh Xasan, caalim iyo imaamka masjidka Cumar Bin Khadaab ee KM5, Muqdisho

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sheekh Cabdulxayi Aadan Sheekh Xasan oo caan ka ah Soomaaliya, waxa uu dhowaan Raadiyo Ergo ka billaabay tebinta xubin lagu magacaabo Raadiyaha iyo Sheekha oo uu dhegeysteyaasha talooyin ugu gudbiyo. Mowduucyada uu ka hadlo oo ah kuwa gaar ah waxay la xiriiraan cudurka Koroona iyo sida ay diinta Islaamka fareyso dadka in ay uga taxaddaraan caafimaadkooda.

Xubinta oo shan daqiiqo ah wuxuu Sheekha dadka kula taliyaa inay qaataan talooyinka caafimaadka ee dhaqaatiirta, isagoo nadaafadda gaar ahaan gacmo-dhaqashada, kala fogaanshaha iyo guri-joogista ka tusa dhanka diinta, una sheega in badbaadada nafta iyo tan bulshada ay yihiin waajib diini ah.

Halkan ka dhegeyso xubinta Sheekha Raadiyaha

Dadka qaar ayaa ku dooda in muslimiinta uusan ku dhici doonin Korona, islamarkaana ducadu ay tahay jawaabta cudurka.

“Waa tallaabo fiican oo Raadiyo Ergo uu qaaday si uu dhegeystayaashiisa ula wadaago duruus diini ah oo xaalada lagu jiro ka hadleysa,” ayuu yiri Sheekh Cabdulxayi. Wuxuu intaa ku daray “bulshadana waxaan filayaa in ay ka faa`iideysan doonaan waxna ay ka beddeli doonto hab-dhaqankooda taxaddar-la’aanta ah, Allaahna ay talo-saaran doonaan, taxaddarkoodana ay qabi doonaan.”

Wuxuu uga mahadceliyay Raadiyo Ergo fursadda uu u siiyay inuu bulshada arrimahan kala hadlo oo uu u arko inay xilligan muhiim yihiin. Wuxuu aaminsan yahay in saameyn dhinac walba leh oo aad u sarreysa ay idaacaduhu ku leeyihiin nolosha bulshada Soomaaliyeed oo ay ka helaan xog iyo farriimo wacyigelin ah, waxna ay ka bartaan.

Sheekh Cabsulxayi wuxuu imaamka ka yahay Masjidka Cumar Binu Khadab oo ku yaalla KM5 oo uu sidoo kale ka billaabay wacyigelin guud oo uu uga hadlo halista Koofid 19. Wuxuu xusay in isagu xitaa uu ku dhaqmo talooyinka dhaqaatiirta ee looga hortagayo faafista cudurka Korona, maaddaama uu u arko inay muhiim yihiin. Waxyaabaha uusan markii hore sameyn jirin ee hadda uu billaabay inuu dhaqan-geliyo waxaa ka mid ah kala fogaanshaha iyo guri-joogista.

Sheekh Cabdulxayi wuxuu khudbada uu masaajidka ka akhriyo uga hadlaa arrimaha bulshada ee markaas taagan, sida ku dhiirrigelinta wanaagga, toosinta dhaliilaha, ka digista qabyaaladda iyo sidaasad xumada, ka digista xumaanta, dib-u-heshiisiinta iyo dhallinyarada oo uu ku dhiirrigeliyo guurka.

Dhallinyaradu aad bay u jecel yihiin khudbadaha Sheekha, taas oo uu ku macneeyay inay u sabab tahay in dareenkooda uu ka jawaabo, mowduucyo ay xiiseeyaanna uu kala hadlo, isagoo luqadda dhallinyarada adeegsanaya, tusaalooyin ay ku jiraan maahmaahyo iyo sheekooyin qosol lehna wax ku fahamsiiya.

Wuxuu sidoo kale muuqaaladiisa ku baahiyaa baratiisa Youtube-ka oo ay xiran yihiin in ku dhow 100,000 oo qof oo u badan dhallinyaro.

Sheekh Cabdulxayi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah, wuxuu sidoo kale bare ka yahay kulliyadda shareecada iyo qaanuunka ee jaamacadda Muqdisho.

Waa nin u dhaqdhaqaaqa bulshada. Wuxuu 20-kii Febraayo ee sanadkan ka qeyb qaatay guur-wadareed loo sameeyay dhallinyaro baahiyo gaar ah qaba. Waxay aasaaseen shan qoys oo cusub, kaddib markii ay isu guuriyeen afar wiil oo aragga naafo ka ah iyo afar gabdhood oo wax arka, gabar aragga la’ iyo wiil wax arka.

“Iyaga ayaa is-doortay, annagana waxaan u sameynay guriga iyo kharashka arooska,” ayuu yiri Sheekh Cabdulxayi. Wuxuu intaa ku daray in qoys kasta ay ku baxday $5,000, dhaqaalahaas oo ay ka soo ururiyeen shirkado ganacsi oo gudaha ka shaqeeya.

Wuxuu sheegay inay hadda wadaan qorshe ay isugu guurinayaan lammaaneyaal maqalka naafo ka ah. Waxaa howshan kala qeyb qaadanaya dhallinyaro mutadaciwiin ah oo dhaqaale ururinta iyo abaabulka qeyb ka ah.

Wuxuu xubin ka yahay guddiga dhismaha waddooyinka oo muddo shan sano ah si iskaa-wax-u-qabso ah uga shaqeynaya dhismaha waddooyinka Muqdisho. Guddiga oo ka kooban culimo, ganacsato iyo dadka deegaanka, wuxuu ku guuleystay dayactirka waddooyinka Wadnaha, Soddonka, Howlwadaag, Buulo-xuubey iyo Jeneraal Daa’uud.

“Waa caddeyn in ay bulshadu wax qabsan karto ah haddii la abaabulo,” ayuu yiri, isagoo xusay inay tahay howl uu ku faraxsan yahay. Waxay dhaqaalaha ku baxa dhismaha iyo dayactirka waddooyinka ka soo ururiyaan ganacsatada, iyagoo haddana ku howlan ka shaqeynta waddooyin kale.

Sheekh Cabdulxayi oo ah aabbaha 18 carruur ah, wuxuu sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada Baydhabo, halkaas ayuuna waxbarashada hoose ilaa sare ku soo qaatay. Wuxuu shahaadada heerka koowaad ee sharciga iyo qaanuunka ka qaatay Jaamactul Qur’aanul-Kariim oo ku taalla Sudan, sanadkii 1998.

Heerka labaad wuxuu takhasuska usuul al fiqhi ka qaatay Umdurman Islamic University oo isla Sudan ah sanadkii 2017, halkaas oo uu sidoo kale ka haysto diblooma sare oo waxbarashada ah oo uu qaatay 2003. Waxa uu hadda tan iyo 2018 wadaa diyaarinta PhD oo uu ka sameynayo usuul al fiqhi.

Previous Post

Puntland: Maxaabiis hore oo ku shaqaysta xirfado ay barteen intii ay xabsiga ku jireen

Next Post

Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo