Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Maxaabiis hore oo ku shaqaysta xirfado ay barteen intii ay xabsiga ku jireen

admin by admin
April 30, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Maxaabiis hore oo ku shaqaysta xirfado ay barteen intii ay xabsiga ku jireen

Trained prisoners given tool kits, ladders, uniforms and protective gear to use for their work/Mohamud Nadif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faarax Cabdillaahi Xiddig oo saddex toddobaad kahor laga sii daayay xabsiga dhexe ee Qardho wuxuu ku shaqaystaa farsamada cillad-bixinta moobayllada iyo gelinta korontada oo ah xirfad uu bartay intii uu ku jiray xabsiga. Shaqadaan waxay ka caawisay inuu dhaqaale ahaan taageero qoyskiisa oo sabool ah kana kooban saddex gabdhood oo isaga ka yar iyo hooyadiis.

” Alxamdulilaahi Rabil caalamiin waxyaabo badan buu iga baddalay noloshaydii ma garatay , baagamuundadii, kursigii fadhi-ku-dirirka ahaa waan ka raystay; nolol maalmedkaygaan la soo baxaa, waan shaqaystaa ” ayuu yiri

Faarax iyo 40 maxbuus oo kale oo ay xabsiga ku wada xirnaayeen waxay ka faa`iideysteen xirfado ay ku shaqaystaan oo lagu barayo maxaabiista xabsiga ku jirta, sii markii xabsiga laga sii daayo ay ugu shaqaystaan bulshadana ay kula dhex noolaadaan, waxay qaateen tababarro socday muddo labo bil ah oo ay fulinaysay hay’adda maxalliga ah ee KAALO oo kaalmo ka helaysa Midawga Yurub.

kawdii bishaan Abriil ayaa Faarax iyo lix maxbuus oo kale laga sii daayay xabsiga, waxaana xaflad isla maalintaas la qabtay oo lagu soo gabagabaynayay tababbarkooda lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan, kaas oo ka kooban qalabka loo isticmaalo cillad- bixinta iyo koronta-gelinta oo ay ku jiraan jaran-jaro, lebiska farsamada korontada oo loogu talagalay badbaadada qofka. Xirfaddaan waxay fursad u siisay Faarax in uu si iskiis ah uga shaqaysto gudaha magaalada, wuxuuna noo sheegay in toddobaadkii uu ugu yaraan afar jeer uu helo macaamiil uu u shaqeeyo.

Mashruucaan waxaa ka faaidaysanaya dadka ay xabsiyadooda ka yar yihiin hal sano iyo bar, kuwaas oo markiiba ku laaban kara la noolaanshaha bulshada. Cabdijaliil Saciid Xaashi oo ah madaxa xafiiska Hay’adda KAALO ee Qardho waxa uu tilmaamey in mashruucaan uu xallinayo sidii dhallinyarada xabsiga ku jirta kor loogu qaadi lahaa kalsoonidooda loona bari lahaa xirfado si marka ay ku laabtaan magaalada ay ugu shaqaystaan.

” Mashruucaan wuxuu xallinayaa caqabad taagnayd oo ahayd in qofkii meesha lagu xiray uusan noqon qof meesha bilaa macne u fadhiya laakiin loo sameeyo xirfad uu ku shaqaysto berri ka maalin marka uu soo baxo. Si loo dhiirigeliyo in xirfadda loogu sii shaqaysto waxaan kala hadalnay in iyagu midoobaan intii isku magaalo joogtaba ay meel furtaan ka bacdina ku shaqaystaan.”ayuu yiri Cabdijaliil.

Ismaacil Cumar ayaa ka mid ah dadka ka faaidaystay Mashruucan, hadda wuxuu ku shaqaystaa xirfadda harqaanka, wuxuuna raadiyo Ergo u sheegay inuusan marna is dhihin weligiis xirfadd aad xabsi ka baratay baad intifaacsan doontaa oo aad ku shaqaysan doontaa.

” Aniga xirfaddan wax baa iga billawnaa aad baana ugu faraxsanahay, waxay ii socotay muddo laba bilood ah, markaan ka soo baxay hay’addu waxay i guddoonsiiy qalbkii aan ku shaqaysan lahaa iyo harqaankii,” ayuu yiri isagoo ku faraxsan sii dayntiisa iyo qalabka la siiyay siduu ugu shaqaysto.

Cabdijaliil Saciid wuxuu raadio Ergo u sheegay in xirfadahan oo kale ay ha`yadda KAALO ka waddo dhammaan xabsiyada waawayn ee Punland sida Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacayo. Wuxuuna intaas ku daray in mashruucan hay’adda uu gacan ka gaysanayo in maxaabiista xabsigooda dhamaysta ay helaan xirfado ay bulshada kula laabtaan markii xabsiga laga sii daayo.

Previous Post

Islam teaches Muslims not to stigmatise people with diseases like COVID19

Next Post

Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo