Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Ganacsiyo yaryar oo u xirmay xannibaadda Korona ee socdaalka

Radio Ergo by Radio Ergo
April 29, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Ganacsiyo yaryar oo u xirmay xannibaadda Korona ee socdaalka

Faarax Cabdi Ciise oo jooga maqaayaddiisa xerada Xagardheer/Axmed Cabdullaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan goobaha ganacsiga ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay u xirmay hoos-u-dhac dhaqaale oo ka dhashay mamnuucista isu-socodka dadka uu kala safra gobolada Kenya, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafista cudurka Koroona.

Sahro Cali Xasan waa 46 jir ku nool xeryaha Dhadhaab, ahna hooyo lix carruur ah leh oo ay aabbahood kala tageen, waxay ka mid tahay dadka uu ganacsigu ka xirmay oo iminka ay la soo gudboonaatay duruuf adag. Sahro waxay dukaan lagu iibiyo dharka ku lahayd xerada qaxootiga ee Xagardheer, waxayna inta badan dharka ay iibiso ka soo qaadan jirtay macaamiil dharka jumlada ah oo markii ay iibiso dib ugu celin jiray dayntii ay ku lahaayeen, haddase xaalku waa uu ku xun yahay.

“Carruur baan ka biilanaayay, madariso ayaan uga bixinayay, laakiin hadda lama heli karo, waayo dee meeshii haddii la xiray xaggee biil laga keeni, waa inaad xaafadda iska joogto oo Ilaahay iska sugto, ilmo qado, quraac iyo cashaba loo karin jirey, hadda si ay u helaan qado, quraac iyo casho aad bay u adag tahay,” ayay tiri

Sahro waxay shaqadan ganacsi ku soo jirtay muddo 10 sano ah, iyadoo bil walba ka faa`iidi jirtay in u dhexeeya 25,000 ilaa 30,000 Ksh ah markii laga reebo lafaha oo ay u celin jirtay qofkii ay ka soo qaadday dharka. Haddase waxay Sahro sheegtay inay xirtay goobteedii ganacsiga iyadoo lagu leeyahay dayn dharkii ay soo qaadatay ah oo gaareysa 300,000 oo Ksh, lacag taasoo intooda badan ay ku maqan tahay dadka kale oo macaamiisha u ahaa.

“Wallaahay welwel saa’id ah ayay igu haysaa lacag oo aanaan awood u hayn in aan bixiyo, cid Ilaahay abuurtey oo iga bixinaysana aanay jirin, dadkii dharka lahaa waa i weydiiyeen lacagta waa rabaan,” ayay tiri iyadoo calaacalaysa

Maxamed Faarax Cigaal ah oo ah 24-jir ku nool xerada Xagardheer waxay shaqadiisu ahayd dharka lagu dhex-wareejiyo suuqa xerada, wuxuuna sheegay in muddo dhowr toddobaad ah uusan wax shaqo ah qabanin, kaddib markii uu suuqii xirmay, waayayna cid uu dharka u soo wareejiyo khidmaddiisana uu ka qaato.

“Horta markii aan anigu shaqeysanayay, nin isku filan oo taam ah baan ahaa oo isaga loo soo shaxaad tago, saddexda waqti hoteel baan wax ka cunaayay, doobbi baan dharkayga gaysanayay oo ii dhaqaayay laakiin hadda waxay noqotay in aan qaraabo dib u raadiyo iyaga ayaan hadda la cunteeyaa” ayuu yiri

Dadka ay ganacsiyadoodu weli furan yihiin ayaa dhankooda dareemaya saamaynta, maadaama aysan jirin wax badeeco ah oo la keeno suuqyada xeryaha qaxootiga marka laga reebo waxyaabaha quutal daruuriga ah.

Faarax Cabdi Ciise waa milkiilaha maqaayad lagu iibiyo cuntooyinka fudud oo ku taalla xerada Xagardheer, waxayna ka mid ahayd meelaha ugu mashquulka badan, iyadoo weliba ahayd meesha

kaliya ee lagu iibiyo hilibka digaagga iyo kalluunka oo uga iman jiray magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, haseyeeshee iminka waxay qarka u saaran tahay in la xiro sida uu sheegay Faarax.

Faarax oo ah aabbaha 12 carruur ah, waxay noloshoodu si toos ah ugu tiirsanayd dhaqaalaha ka soo gala makhaayaddaas. Waxaa kaloo xusid mudan in makhaayaddan ay ka shaqayn jireen shaqaale gaaraya 12 qof oo ka qaadan jiray mushar ay ku maareeyaan qoysaskooda, haddase waxaa lagu soo reebay shan shaqaale ah oo keliya dakhligii makhaayadda oo si wayn hoos ugu dhacay darteed.

“Meheraddu waxay ku taallaa meel daraf ah oo magaalada ka baxsan, galabtii baa lagu soo rogman jirey oo laga cabbi jirey shaah, Kafeyga ama digaagga, haddase wax dhaqaale ah oo ka soo baxa maba jiro” ayuu yiri

Dadka xeryaha qaxootiga ayaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka Kofid19 la qaba dad badan oo ku nool dunida inteeda kale, laakiin waxaa iyaga u sii dheer nolol qaxootinimo oo markeedii hore ay ku xeernaayeen duruufo nololeed oo adag.

Previous Post

Islam encourages good hygiene during Coronavirus pandemic in Somalia

Next Post

Radio Sheikh: ‘Don’t ignore Coronavirus health advice, Muslims need to act’

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Radio Sheikh: ‘Don’t ignore Coronavirus health advice, Muslims need to act’

Radio Sheikh: ‘Don’t ignore Coronavirus health advice, Muslims need to act’

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo