Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Radio Ergo by Radio Ergo
April 18, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo weli uma muuqdaan kuwa ku baraarugsan halista looga digayo ee cudurka Korona. Fagaareyaasha iyo xarumaha la isugu yimaado si caadi ah ayaa loo buuxaa iyadoo ay magaaladu ka mid tahay meelaha wacyigelinta xooggan laga wado, si looga hortago faafista cudurka.

Tan iyo markii ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku dhawaaqday in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Kofid 19 laga helay dalka, waxay dhakhaatiirtu bixinayeen talooyin ku aaddan in ay bulshadu ku dedaasho joojinta isu-imaatinka badan iyo ka taxaddaridda nadaafadda gacmaha.

Axmed Nuur Cismaan oo ah agaasimaha wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa dhaliilay sida aysan ardaydii ay iskuullada ka fasaxeen intooda badan guryaha ugu nagaan oo ay ugu milmeen bulsho aan waciyigalinta dheg jalaq u siin oo dhooban makhaayadaha iyo goobaha ganacsiga.

“Waxaad arkaysaa goobaha ganacsiga ama meelaha kaleba bulshadii oo raxan-raxan u dhooban, iyadoo ay dhakhaatiirta iyo dowladdu wadaan wacyigalin, haddana aad mooddo in aysan bulshadu u dhego-nuglaanayn,” ayuu yiri Axmed Nuur

Wuxuu agaasimuhu sheegay in fasaxa ardayda ay ujeeddadiisu ahayd in la joojiyo kulamada si looga gaashaanto bushiga Kofid19, taasoo xataa saamayn ku yeelatay arday badan oo isku diyaarinayay imtixaannaad; waxaase uu nasiib-darro ku tilmaamay in aysan ardaydii guryahooda ku nagaan oo ay suuqyada wareegayaan.

Ururka dhakhaatiirta Galmudug oo magaalooyin ay Gaalkacyo ku jirto ka wada ka wacyigalinta bulshada xanuunka Korona ayaa sheegay in dhego-nuglaan-la’aanta dadka ay keeni karto halis caafimaad oo daran.

Xoghaya ururka dhakhaatiirta Galmudug Dr. Cabdirisaaq Cali Maxamed ayaa ka digay in musiibo uu keeni karo xanuunkan faafaya haddii bulshadu aysan qaadan wacyigalinta iyo farriimaha digniinaha ah.

Goobaha lagu barto aqoonta diiniga wax saamayn ah kuma yeelan ammarka wasaaradda waxbarashada ee lagu xiray iskuullada, waxayna tani ka dhigan tahay in boqollaal xarumood oo kale ay wali duruustu ka socoto. Sidoo kale masaajidyada iyo meel kasta oo bulshadu ay ku kulanto ayaanu wax isbeddel ah ku imaan tan iyo markii laga digay xanuunkan.

“Wax kasta oo looga fursan karo oo badbaado u ah muslimiinta in lagu dhaqmo ayaa fiican oo culimada ay fatwo ka soo saaraan, maaddaama dhibkaan uu aad u daran yahay, si bulshada dhibaatadan aysan ugu sii siyaadin,” ayuu yiri xoghayahu.

Xoghaya ururka dhakhaatiirta ayaa farriin dardaaran ah u diray waaliddiinta carruurtooda iskuullada laga fasaxay, kuwaas oo sii camiray magaalada inkastoo ujeeddada waxbarashada looga xiray ay ahayd in ay guryahooda joogaan. Sidaas si la mid ah ayuu xoghayuhu u diray farriin dhammaan waalidiinta ardayda inay wacygelinta qaataan oo ay carruurtooda ka reeban suuqyadaha iyo makhaayadaha.

Afartan iyo kow kun oo arday oo wax ka baranaayay 200 oo xarumood oo ku yaalla deegaannada Galmudug ayay suurtagal u noqon wayday inay waxbarashadooda dhameystaan sanadkan 2020. Wasaaradda waxbarashada Galmudug waxay sheegtay in 38,000 oo ah ardayda ka yar da’da 18 jirka oo dhiganayay iskuulladaas ay halis ugu jiraan inay la qabsan waayaan waxbarashada, haddii ay sii socoto xaaladdan cabsida badan ee Koronaha.

Previous Post

Galgaduud: Beeralayda oo u diyaargaroobaya ka hortagga Ayaxa

Next Post

Boorame: Nadaafad xumo ka jirta xaafadaha qaar oo xanuuno sababtay.

Related Posts

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Next Post
DADWEYNAHA XAGARDHEER OO KA CABANAYA QASHIN BUUX DHAAFIYAY WADDOOYINKA XERADAASI

Boorame: Nadaafad xumo ka jirta xaafadaha qaar oo xanuuno sababtay.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-AUG-2026

IDAACADDA 03-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-AUG-2026
August 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-AUG-2026
August 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JUL-2026
July 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo