Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Beeralayda oo u diyaargaroobaya ka hortagga Ayaxa

Radio Ergo by Radio Ergo
April 16, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralayda gobolka Galgaduud ayaa waxay diyaargarow xoog leh ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen koronkorradii uu reebay ayaxii ku habsaday dayrtii la soo dhaafay beeraha. Beeralayda oo iminka diyaarinaya tacabkooda ayaa waxay cabsi wayn ka qabaan iney dillacdo koronkorrada.

Yoolax Cali Xaashi oo degaanka Labixaluul ee duleedka Guriceel ku leh beer afar higtar ah ayaa idaacadda Ergo u sheegay inuu u diyaar garoobayo sidii uu kaga hortagi lahaa ayax koronkorradiisu ay ku jirto beertiisa hareeraheeda, kaasoo dayrtii dhowaa ka laystay dalagga beeritiisa sida yaanyo, digir, qare, seytuun iyo liin. Yoolax wuxuu sheegay inuu haada leeyahay waaya-aragnimo uu isaga celiyo ayaxa, kana faa`iidaystay markii hore ee uu dhibaatada wayn u geystay.

“ waxaan adeegsaneynay hoon-baabuur, koonbooyin la garacayo iyo taayarro la gubayo oo qiic ah ayaan isticmaaleeynay, balse hadda waxaa nagu soo kordhay firinbiga ilmuhu qataan ama kan ciyaaraha, taayarrada lagu shido,” ayuu yiri Yoolax

Yoolax oo beertan ka masaruufa qoys ballaaran oo ka kooban oo 12 qof waxna ka bara ayaa sheegay in dhaqaalihii beerta ka soo geli jiray uu hoos u dhigay ayaxii hore u dhibaateeyay dalaggiisii.

Cali Daahir Carrabey oo beer labo higtar ah ku leh duleedka Dhuusamareeb ayaa raadiyaha Ergo u sheegay inuu u diyaarsan yahay dagaalka ka dhanka ah ayaxa, kaasoo dayrti dhowayd ka laystay dhammaan wixii tacab ahaa ee kuu daalay sida digir, galley, masaggo, qarre iyo yaanyo, wuxuuna sheegay inuusan hal qof ka bixi karin dagaalkaas ayaxa, dadka beeralayda ahna ay is wada caawiyaan.

“ waa la is caawinayaa haddii aad kaligaa tahay waad ku wareereysaa wax aad ka qaban karto ma lahan, dad ehelka ayaa loo soo wacdaa oo aad ledahay i caawiya markaasaa dad taayarro ku shidayaan dadna janaxa ku yeerinayaan” ayuu yiri Cali

Waxaa magalooyinka Galgaduud sida Guriceel ka bilowday in la iibsado taayarrada duugga ah ee ayan gawaaridu isticmaalayn kuwaaso markii hore si bilaash ah lagu heli jiray balse qiimo yeeshay marka la ogaday waxtarka ay u leeyihiin la dagaallanka ayaxa, waxaa la siistaa labo ila saddex dollar.

Dagaalkii hore ee iska caabintan ayaxa waxaa Cali Daahir kaga summowday saddex qof oo qoyskiisa ah kuwaaso daawada xoolaha oo ay qaseen ku seyray ayaxa kaddibna ku neef qabatimay, inkasto ay ka bogsadeen markii danbe, wuxuuna go’aansaday Cali inaanu mar dambe u siticmaalin dawada xoolaha inuu kula diriro ayaxa.

“dalaggii bahalku naga dhacayay ayaan u jeednay mahane suntan dhibkeda ma aragno marka wax dhaceen ayaan kuso baraarugnay” ayuu yiri Cali

Cabdulqaadir Jimacaale Maxamuud oo ah khabiir dhanka beeraha ah ayaa idaacadda Ergo u sheegay in dagaalka ay beeraleydu kula jiraan anyaxa uusan u muuqan mid ay kaga guuleysan karaan haddii aan la helin qaab caalami ah oo loola dagallamo, sida in diyaarad lagu buufiyo taaso aysan awoodin beeraleydu, balse wuxuu u jeediyay beeraleyda talo ay tahay in ay qataan si ay u yareyaan khasaaraha uu dalaggooda u geysan ayaxa.

“ waxaa dhibka ugu badan sameynaya waa koronkorta, caawa oo kale markuu degaayo in degidda loo diido oo dadka oo dhan inta isku tagaan ay jaqafyo iyo wax ku garacaan oo loo diido meel nabad ah oo ukumaha uu dhigto, oo xaafadba xaafad u dhiibto sidaasna waxaa sameyn kara dadweyne badan” ayuu yiri khabiirku

Khabiir Cabdulqaadir wuxuu beeralayda uga digay ayaxa ballaaran ee ka dhallan kara markii ay koronkortu dillaacdo oo ay isu beddesho ayax, oo ay ka iman karto waxyeello weyn, sidaas darteed wuxuu ku adkeeyay iney si weyn ula diriraan koronkorta.

 

 

 

Previous Post

Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Next Post

Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo