Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Boorame: Nadaafad xumo ka jirta xaafadaha qaar oo xanuuno sababtay.

Radio Ergo by Radio Ergo
April 20, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
DADWEYNAHA XAGARDHEER OO KA CABANAYA QASHIN BUUX DHAAFIYAY WADDOOYINKA XERADAASI

Kayd Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xasan Xuseen Cali waa aabe lixdan iyo laba jir ah oo qoyskiisu ka kooban yahay 8 ruuxu kaasoo  degan xaafada Faaraxyood oo kutaala waqooyiga magaalada Boorame ee gobolka Awdal, wuxuu kamid yahay ilaa 200 oo qoys oo xaafadaasi degan, Xasan iyo qoysaska kale ee la degan faaxadu waxay caqabad kala kulmayaan qashinka lagu daadiyo godka qashinka Boorame oo xaafadooda u dhow, godka ayaa buuxsamey waxaana dabayshu banaanka usoo saartaa qaar kamid ah qashinka godku ka buuxsamey taasoo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadka degan xaafadaasi.

Xanuuno loo sababayno qashinka oo uu kamid yahay shuban caruurta ku dhacaya, dadka waaweyn oo samboor ka qaadaya, wasakhowga hawada xaafadaasi oo uu sababay qaac ka baxa dad mararka qaar lagu shido godkaasi qashinku buuxiyey iyo xoolaha oo cuna bacaha iyo waxyaabaha kale ee halkaasi lagu daadiyo ayaa kamid ah caqabadaha ay qoysaska halkaasi degan kala kulmaan godkan sida uu Radio Ergo u sheegay Xasan Xuseen oo 3 da ilmood ee ugu yar caruurtiisu hadda la xanuunsan yihiin shuban uu aaminsan yahay in qashinku sababay.

“ Saddex qof oo ciyaalka kuwii ugu yaryaraa ah waa xanuunsan yihiin, quf iyo shuban iyo indho xanuun saddexdaasi baa ugu daran,waxeyna ka qaadeen qiiqa iyo qashinka goobta yaala, Gobolka iyo degmada waan ka qayliney ,odayaal baan ku tagney ,haween baa tagey cabasho badan baan bixiney  cid wax ka qabatayna ma jirto.” ayuu yiri Xuseen.

Xuseen iyo dadka degan xaafada ayaa ka walaacsan qashinkan iyo inaan cidi waxba ka qaban, bulshada xaafada oo is abaabuley ayaa hor istaagey baabuurta qashinka soo qaada ee godka ku shuba taasoo sababtay in ciidamo ka socda Dowlada Hoose ay tageen xaafada 10 kii bishan April.

“Markaan wax badan qaylinay cid wax noo qabata ma arag, markaan is aabaabulayna ciidan baa naloosoo diray, wax aan samayno ma naqaan hada,  ilaahey iyo dawlada dhexe ayaanu u cabanaynaa in qashinkaas nalaga maareeyo, oo meel kale la geeyo ,Xanuun baan ka qaadney mid labaad xanuunka imka na haya waxa nagaga daran xanuunka iminka aduunka sameeyey ee dhibta adag ku haya ayaaba hogaan u yahey,hadiiba aan anagu qaadno magaalada waa wada saameynayaa cabashadana cid hoos u eegeysa oo ka mida gobolkana waan laanahey “ , ayuu yidhi.

Caasha Muxumed Axmed ayaa sidoo kale kamid ah dadka caqabadaha ku qaba godkan qashinku buuxiyey, nadaafad xumo joogto ah ayay sheegtay inay kala kulmaan godkan iyo qashinkiisa taasoo sababtay in cunada ay karsan kari waayaan maalinkii.

“ Waxaanu ku qabnaa dhibaato weyn oo  weyn oo aan la soo koobi karin ayaan u qabnaa goobta qashin qubka  waxa weeyaan wax alla waxa qashina bari iyo galbeed joogta magaalada Qudhunkeeda ayaa la keena, wax kale ba ha joogeene bahal diqsi ah oo qashinkan sababay ayaanu cuntadii la karsan wayney, hadaad jikada gasho malaayiin doqsi baa weelkii kaa qarinaya.” ayay tidhi.

Caasha ayaa ka digeysey halista caafimaad daro ee ay dareemayaan xiligan iyadoo codsatay in Dowlada Hoose wax ka qabato qashinkan buux dhaafiyey xaafada Faaraxyood ee magaalada Boorame.

“Waxa u horeeya ee aan ka cabaneyno waa Shuban,Cabudh joogta ah ,Hargab ,Dikhsi,qashin caruurtii oo naga shubanta iyo hargab aan ka baxeyn baan ka cabaneynaa.” ayay tidhi.

Bahda caafimaadka ayaa walaac daran ka muujinaya halista caafimaad ee ka dhalankarta godka qashinka oo dad badani dhex degan yihiin. Dr Mustafe Xuseen Xoogsade oo la Hadley Radio ergo waxa uu bulshada iyo maamulka degmada Boorama ee khusayso u soo jeediyey talooyin lagu xakameyn karo loogana hortagi karo xanuunada kala duwan ee ka dhasha goobta qashin qubka

“ waxa jira dad masaakiina oo  taga goobta qashinka oo waxyaabaha hadhaagee anfacaya ka soo gurta ,kolkaa dawlada waxaan odhan lahaa dadkaasi waa in la kaantaroolo Waayo dadkaasi waxa meeshii jira irbado dad lagu soo mudey dadkaasi xanuuno kala duwan bay qabi karaan oo xanuunadaasi irbadahaasi hadii ay mudaan ka qaadi karaan waana halis in iribadaha iyo cusbitaalada Privateka  la controlo meeshay ku ridaan la controlo oo ay dawladu la socoto goob gaarana lagu rido ,Hadii ay dadkii tagaan waxaad arkeysaan caruurihii jaarka lahaa oo afuufeysa oo gloveskii ama shan faroodkii afuufeysa waxa laga yaabaa in qof lagaga dhaliyey ama qof gaara loogu shaqeeyey qofkaasina xanuun gaara qabey , xanuunkaasi ilmihii yaraa ama hooyadii ay qaadeysaa in markaa arrinkaana aad looga digtoonaado ,caruuraha ku ag ciyaarayana aad looga ilaaliyo goobta qashinka “

Radio Ergo ayaa wax ka wadyiiyey Duqa degmada Saleebaan Xasan Xadi dhibaatada ka dhalatey godka qashinka Boorama.

“ Gudi bay leedahey xaafadu gudidiina saaka si fiican baan isku aragney laakiin saaka oo dambeysay gudida waan is aragney wanan ka wada hadalney godka qashinkana dhib kale  maahinee magaalada gaadhey ,kol hadey magaaladii gaadhey in badana la isticmaalayey hadana mar labaad sidii kanba hada loo soo rarey godka qashinkana loo sii raraa waa wax waajiba oo anaga na saraan ,Shirkadaha Qashinka waxaan ku wacyigalineynaa godka qashinkaa qashinka garab dhigine gaadiidka qashinku halkeeda dhigaan ,markaa cabashadooda dacwadahooga iyo Umuurahooga balamahaga aan u qaadney way kala duwanyihiin ,Qaarkood waxaan u balan qaadney in qashinka godka lagu rido oo meel soke aan la dhigin ,qaakood waxaan u balan qaadney oo ay leeyihiin waar godkii haba nagala rarao gabigiisaba ,godkana waxaan uugu talo galney in aan meesha ka rarno .”

Previous Post

Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Next Post

Haweenay gaari dhexdiis ku umushay markii iyada iyo qoysas kale ay Janaale dagaal uga soo carareen

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Haweenay gaari dhexdiis ku umushay markii iyada iyo qoysas kale ay Janaale dagaal uga soo carareen

Haweenay gaari dhexdiis ku umushay markii iyada iyo qoysas kale ay Janaale dagaal uga soo carareen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo