Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
January 29, 2020
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Dad ciid ka qodaya toga Dur-durka Laascaanood/Faarax Dubbad/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqolaal qoys oo isugu jira beeraley iyo xoola dhaqato ayaa ka barakacay deegaanka Oodagooye ee koonfurta gobolka Sool, kadib markii ay soo wajahday biyo yaraan aad u daran oo ka dhalatay ceelashii biyaha laga heli jirey oo qalalay. Xaawo Maxamed wa hooyo leh lix carruur ah, muddo lix sano ah ayaa sheegtay inay degenayd oo beer ku lahayd togga loo yaqaano Dur-Durka Laascaanood, Beerteeda oo hal higtar iyo badh cabirka dhul beereedka ah ayay sheegtay inay qalashay kadib markii ay u waydey wax ay ku waraabiso.

“kun dollar oo dayn ah ayaa beerta iga gashay xilligaan dayrta, waxaan ku beeray basal iyo basbaas, booyad xitaa hadaan ku waqaraabin lahaa meel ay soo marto malaha oo tog iyo gebi weeye.” ayay tiri Xaawo.

Beerteeda ma imaan karto booyad biyaha usoo qaada maadaama togag badan kaso keeyaan oo booyaduhu soo mari karin, beeraleyda deegaanka ayaa sheegay in dhibaatadu ay bilaabatay bishii Maarso ee sanadkii hore xiligaas oo la bilaabay in ciida lagu dhiso guryaha laga qaado toga Dur-Durka ah ee magaalada. ciida la guray ee guryaha lagu dhisto ayaa muhiim u ahayd ceelasha oo ay biyaha u qaban jirtey.

Sidoo kale dadka xoola dhaqatada ah ayay saamayn ku yeelatay biyo la’aanta. Cabdiraxmaan Cali Jaamac, wuxuu ceelasha Dur-Durka ka waraabin jirey xoolihiisa oo kala ah 130 Ari ah iyo 7 Geel ah. markii ay qalaleen ceelashii wuxuu u ka guurey meeshii uu deganaa isagoo u guurey deegaanka Dhuxun oo 20KM dhanka waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood halkaas oo uu ka helay biyo laga iibiyo.

“biyaha dur durka ma ahayn kuwo lacag cidi kaa siinayso, waa biyo markasta diyaar ahaa, hadda wax biyoba ma lahan, meeshaan u guuray biyaha waa iib oo ceelal ku yaal foostadii 2 doolar ayaa lagaa siinayaa.” ayuu yiri Cabdixmaan.

Jaamac Maxamuud Saalax oo ah Isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland u qaabilsan gobolka Sool ayaa Radio Ergo u sheegay inay sharci darro tahay ciida laga gurayo Dur-Durka.

“Waxaan soo saaray digniin ilaa 10 goor laakiin dadku weli ma joojin arintaasi, waa xiraynaa, qofkasta oo arintaas lagu qabto wuxuu mudaysan karaa ilaa 2 sano oo xabsi ah laga bilaabo hadda.” ayuu yiri.

Wasaaradda deegaanku waxay sheegtay inay qorsheyneyso in ciida laga soo guro meel aan saamayn ku yeelanayn dadka beeraleyda ah iyo xoola dhaqatada. hase ahaatee wariyaha Radio Ergo oo booqday meelaha ciida laga soo qodo ayaa sheegay in gurista ciidu wali ka socoto deegaankaasi aysana jirin cid dabagal ku samaysa go’aamada ay wasaaradu sheegtay.

Cabdixakiin Maxamed oo kamid ah dadka ciida ka gura Toga Dur-Durka ee Laascaanood ayaa sheegay inaysan iyagu ka war qabin wax dhibaato ah oo deegaanka ay ku hayaan.

“Annaga halkaas inaan ka gurro waxaan u dooranay waxay u dhowdahay magaalada, horay meel fog oo 8 km jirta ayaan u dooni jiray cidda, hadda markii laga soo cawday inaan iska dayno ayey noqonaysaa, oo meeshii hore u wareegno.” ayuu yiri Cabdixakiim.

Previous Post

Gedo: Ayax burburiyey wax soosaarka beeraleyda degmada Baardheere

Next Post

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

Related Posts

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
Next Post
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-19-DEC-2025

IDAACADDA-19-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA-19-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA-19-DEC-2025
December 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-18-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-DEC-2025
December 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-DEC-2025
December 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo