Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Gaalkacyo: Reer guuraa gadaya xoolaha yar ee uga haray abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
January 14, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Reer guuraa gadaya xoolaha yar ee uga haray abaarta

Xoolo-dhaqato neefafkii u haray u iib keenay seyladda Gaalkacyo/Jabriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobey abaaraha soo noqnoqday ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa bilaabay inay iibiyaan wixii uga soo haray xoolihii ay dhaqan jireen oo intoodii badnayd uga dhamaadeen abaaraha, qoysaska xoolaha gadaya ayaa bilaabay inay ka guuraan baadiyaha iyagoo ku biiraya nolosha magaalooyinka.

Cabdi Daahir Xuseen oo kamid ah xoola dhaqatada iska iibinayey wixii uga harsana xoolaha uu dhaqanayey ayaa sadex maalmood ka hor saylada xoolaha ee magalada Gaalkacyo keenay sideed neef oo ari ah kuuwaasoo kamid ah 20 neef oo uga harsanaa xoolihii uu dhaqan jirey ee abaarhaa kaga dhamaaday. Cabdi ayaa Radio Ergo u sheegay in qorshihiisu yahay inuu ka dhamaado nolosha baadiyaha iyo xoola dhaqato nimada.

“Noloshayda ma anfici karaan baahidayna ma dabooli karaan 20 ka neef ee ii haray sidaas darteed ayaan suuqa u keenay ilaa 10 kale ayaa iisii harsan iyagana waa keenayaa inaan hadba qaar keeno maahee hal mar inaan wada xaraasho iima suurtoobayso oo xoolo badan ayaa suuqa la keenayaa.” ayuu yiri.

Cabdi Daahir waa aabaha sideed caruur ah, wuxuu baadiyaha ku dhaqan jirey ari laba boqol oo neef ah isagoo intii badnayd xoolihiisa uu ku waayey abaarihii u danbeeyey . sanadkii hore ayuu soo degey deegaanka Ceel-Aqwaan oo u dhow magaalada Gaalkacyo isagoo xiligaas go’aansaday inuu xoolaha iska iibiyo balse uu dib ugu dhigtay marka ay daaqaan geedaha uu soo saaro roobka dayrta si ay qiimo fiican ugu gadmaan xoolihiisu.

Xoolahan uu iibiyey Cabdi kama rajo qabo in wax badan ay ka bedelaan nolosha qoyskiisa balse waxaa u qorshaysan inuu iska bixiyo dayn lagu leeyahay inta kale na biishaan mudo, isagoo qorshihiisa koobaad yahay inuu xoogiisa ku xamaasho.

“Ganaci kuma galikaro lacagta aan ka helayo, waxaan iskudayaya in aan xoogayga ku xamaasho oo aan dhagaxaas u xoogsi tago, Lacag aan kayarayn $1,000 ayaa laygu leeyahay waxaan ku isticmaalay raashinkii aan ku soo noolayn maadama xoolaha xiligaas wax laga cuno iyo wax laga gato uusan lahayn, Intabadan lacagta daynta syaan iskaga bixinaya inta isoo harta waan sii biilandoona inta aan ka helayo meel aan ka shaqaysto ama aan ka xoogsado.” ayuu yiri.

In kastoo aysan xirfado lahayn misna xoola-dhaqatadan lacagaha yar yar ee ay ka helayaan xoolaha ayay ku abuuranayaan nolol cusub, sida in ay guryo ka kiraystaan magaalada Gaalkacyo iyo tuulooyinka hoostaga oo iminka ay deegaamaysanayaan, ganacsiyo aad u yar yar ayay galaan, halka qaarkood caruurtooda Iskuulo ku darsadeen.
Talaabadan ay qaadeen qaar kamid ah xoola dhaqatadan magaalooyinka ku xaroonaya ayaa hoos u dhac ku keentay qiimaha xoolaha ee sayladaha magaalada Gaalkacyo lagu kala gato, neefka ugu sareeya ee lagu iibsado sayladaha ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa lagu gataa lixdan dollar sida uu Radio Ergo u sheegay Cabdi Salaad Axmed oo ah gudoomiyaha guddiga dullaaliinta ee sayladda koonfurta Gaalkacyo.

“Inta aan aqaan oo aan xasuusanahay waa Afartameeyo qof oo xoolahoodii iskawareejiyay magaaladana galay, Qofkii dhowr boqol oo neef ku dhaqmi jiray hadana qoyskiisa iyo xoolihii isla ekaadeen wuu iska iibiyey illeen waxa ay arkeen in aysan baadiye waxba ka anficikarin.”ayuu yiri.

Dadka degan magaalooyinka ayaa ka welwelsan go’aanka ay ku dhaqaaqeen qaar kamid ah reer guuraaga iska iibinaya xoolaha, Cabdi Cali Xaashi oo ilaa 50 sano geel iyo ari dhaqanayey balse 3 dii sano ee u danbeeyey dilaal ka ahaa sayladaha Gaalkacyo ayaa Radio Ergo u sheegay in dhibaato ka dhalan karto in xoolaha la wada gado oo dadku magaalooyinka ku wada xaroodaan.

Aqoon yahanada dhinaca dhaqaalaha ayaa marar badan u jeediya xoola-dhaqatada in ay xilliyada barwaaqadda ah ee nacfigu jiro xooluhuna sarar leeyihiin in ay qayb iibsadaan xoolahooda, si dakhliga ka soo baxa ay ugu baxsadaan xilliyada jiilaalka ah.

Previous Post

Galdogob: Isbitaal laga hirgeliyey dhiig bixinta degdega ah oo ah nooc ku cusub dalka

Next Post

Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Related Posts

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
Next Post
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-JUN-2026

IDAACADDA 02-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo