Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo dib u howlgelisay 80 dugsi

Radio Ergo by Radio Ergo
November 20, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Carruur iskuullada looga saaray beero falasho

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo ka mid ah carruurta Maxamed Faarax Aadan ayaa hadda waxaa u iftiimaya mustaqbal wanaaagsan kaddib markii tuulada Mandheera laga hirgeliyay iskuul cusub oo ah hoose iyo dhexe. Maxamed wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu ku faraxsan yahay in carruurtiisa ay waxbarasho bilaash ka helaan tuulada. Carruurta oo ay da’doodu tahay kow iyo toban sano jir iyo toban sano jir ayaa waxaa hadda laga diiwaan geliyay iskuulka oo ku yaalla tuulada. Maxamed waxaa marki hore iskuul ku yaalla tuulada Abdaal u dhigan jiray carruur kale.

“Kuwa kale  malcaamad ayuun bay dhiganayeen oo geed hoosteed ah, kuwan waxaan qoray fasalka koowaad, waxbay iska baran doonaan markii haddii xaafadda agteedii dhismaha dugsiga looga sameeyay,” ayuu yiri Maxamed.

Waalidiinta ku nool goobaha dugsiyada laga furay ayaa aaminsan in waxbarashada caruurtoodku kor u kacayso haddii markasta laga caawiyo dhismayaasha, dayactirka dugsiyada, iyo bixinta mushaharka macalimiinta, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xasan Ducaale oo ku nool tuullada Sabawanaag.

“Carruurtii dugsiga ayay dhiganayaan, anna xoolihii ayaan eegayaa, markii wax dugsi ah ma jirin oo kolba meeshaan xoolaha u raro ayaan u kaxayn jiray laakiin hadda tuulada ayaan kaga tagaa si ay waxbarashada u dhigtaan,” ayuu yiri Xasan.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa furtay tobankii bishan sideetan dusgi oo ku yaalla dhamaan gobolada Somaliland, kuwaa oo toban ka mid ah ay cusub yihiin halka toddobaatanka ay yihiin dugsiyo ay wasaaraddu ku kordhisay fasalo cusub. Dugsiyada cusub ayaa laga hirgeliyay Mandheera, Abdaal, Sabawanaag, Hadeyta iyo Huluul. Axmed Abokor, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in wasaaradda ay dayactirtay fasallo ku burburay dabeylaha roobabkii Deyrta ee sanadkan ka da’ay Somaliland.

“Mashruucan dhismayaal badan ayaa laga dhisay, dugsiyo hoose dhexe ayaa laga dhisay, waxaa laga dhisay deegaanada Somaliland oo dhan, carruurtu waa inay ka faa’ideystaan goobaha waxbarashada ee deegaanadooda looga sameeyay,” ayuu yiri Axmed

Sida uu Raadiyow Ergo u xaqiijiyay, Axmed, mashruuca dugsiyadan lagu dhisay oo ay ku baxday $900,00 waxaa lacagta ka caawiyay midowga Yurub.

Guddoomiya waxbarashada gobolka Saaxil, Ibraahim Xasan Digaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bulshada degmada Mandheera ee loo sameeyay dugsigan ay baahi weyn u qabeen waxbarashada. Ibraahim sheegay in gobolku laga hirgeliyay seddex dugsi oo cusub oo deegaanada xeebta u dhow ah maaddaama ay kululyihiin oo caruurtu aanay socon Karin duhurkii marka la fasaxo dugsiga.

“Hadda waxaan rajeynayaa in ardaydii dugsigii loo bedelo oo ay halkaas macalimiin aan ugu diyaarinay iyo maamulkii waxbarasho ugu bilaabaan, runtii carruur badan ayaa dugsiga looga kaxeeyay fogaanshaha markaa dhibtaas inay xalinayso ayaan filaynaa sidoo kalena ay carruurta waalidiintu keenaan,” ayuu yiri Ibraahim.

Previous Post

Somaliland: Kalkaaliyeyaal sharci oo dad danyar ah ka caawiya kiisaska maxkamadaha

Next Post

Qoysas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle oo gargaar la gaarsiiyay

Related Posts

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
Next Post
Qoysas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle oo gargaar la gaarsiiyay

Qoysas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle oo gargaar la gaarsiiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-JUN-2026

IDAACADDA 01-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo