Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Somaliland: Kalkaaliyeyaal sharci oo dad danyar ah ka caawiya kiisaska maxkamadaha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: Kalkaaliyeyaal sharci oo dad danyar ah ka caawiya kiisaska maxkamadaha

Kalkaaliye sharci oo la talinayo qaar ka mid shacab ku sugan xafiisyada Horizon Institute ee ku yaalla xeryaha Aayaha iyo Dami ee magaalada Hargeisa/Petterick Wiggers/sawirka xuquuqdiisa waxaa leh Horizon Institute

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Koox kalkaaliyeyaal sharci ah ayaa dadka danyarta ah ee ku nool Somaliland ka caawinaysa in ay helaan gargaar dhanka sharciga ah.

Kooxdan oo uu madax u yahay Idiris Cabdi Maxamed oo ka tirsan machadka Horizon oo ah urur maxaliya oo ka shaqeeya deegaannada Somaliland, ayaa labo boqol oo kiis oo ka socda maxkamadaha Somaliland ka difaacaya dad barakacy, kuwa reer miyi ah iyo carruur aan haysan  haqaale ay ku qabsadaan qareeno u dooda.

Ururkan ayaa u dooda bulshada danyarta ah ee lagu xidho sifo sharci daro ah. Dadkan ayaa ku kala nool magaalooyinka Hargeysa, Wajaale, Ballugubadle, Boorama, Burco, Gar-adag iyo Caynabo.

Sida uu Idiris Raadiyow Ergo u sheegay, toban kalkaaliyeyaal ayaa dadkan u fududaynaayo in ay xog dhamaystiran ka helaan dambiyada lagu haysto iyo waxa ay u baahan yihiin. Dadkan ayaa intooda badan waxaa lagu soo eedeyay kiisas kala ah, khalkhal amni, tuugonimo, kufsi, dhac iyo lacago deymo ah oo ay bixin waayeen.

Qareennada oo adeeggan u qabta si bilaash ah ayaa sidoo kale dadkan ka caawiya in u sheegaan qaabka ay iskaga difaacaan dambiyada, xuquuqda ay u leeyihiin garsoorka, damaanadda eedeysanayaasha iyo rafcaan qaadashada xukunnada ku dhaca dadka la eedeeyo iyo sida ay u heli lahaayeen adeegyada sharciga waqiga ay ku jiraan maxkamadaha.

“Dadkeennu inta badan sharcigii ma garanayaan, waxa ay xaq u leeyihiin ma garanayaan, wixii ay isku difaaci lahaayeena ma yaqaannaan, u jeedka ugu weyni waa in aanu qofkii dacwadii u dhameyno, haddii dambi uu galeyna la xukumo oo hore ugu dhamaato dacwaddii,”ayuu yiri Idris.

Ururka ayaa ku guulaystay in 126 qof inay bishii u dambeysay kasii daayaan xabsiyada iyo saldhigyada Somaliland. Sodon iyo toddobo ka mid ah dadkaas ayaa ahaa carruur da’doodu ka yar tahay shan iyo toban jir. Daraasad ururku sameeyay laba sano ka hor ayay ku ogaadeen in dadka barakacay, reer miyiga iyo carruur yaryar  in aysan kala fahamsanayn maxkamadaha, booliiska iyo xeer ilaalinta. Idiris ayaa sheegay in taa ay ururku ku qasabtay in ay bilaabaan howshaan.

“Kooxdu boqolaal kiis ayay gacanta ku hayaan, qaar baa gar suge ah, qaar baa racfaan qaadanaya, qaar baa xukun sugo ah ama in la fasaxo doonaya, labada xafiis ee Hargeysa iyo Burco ayaa bari iyo galbeed ka shaqeysa,” ayuu yiri Idris.

Dadkii kooxdani ay u doodeen bishii Julaay waxaa ku jira Sakariye Cali Muuse oo xukun la’aan u xidhnaa muddo laba bilood ah. Wiilkan oo ku nool xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa ayaa loo haystay eedeyn la xidhiidha in uu jabiyay gaadhi wadada marayay.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAAD 19-NOV-2019

Next Post

Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo dib u howlgelisay 80 dugsi

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Next Post
Baydhabo: Carruur iskuullada looga saaray beero falasho

Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo dib u howlgelisay 80 dugsi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-SEP-2026

IDAACADDA 27-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2026
September 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo