Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sool: Boqollaal carruur ah oo ku nool xerada lagu barakacay oo wajahaayo waxbarasho-la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 4, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal carruur ah oo ku nool xerada lagu barakacay oo ku taalla deegaanka Darya-geesa, kana tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa wajahaayo waxbarasho-la’aan. Deegaanka ay dadkan soo degeen dhammaadkii sannadkii 2016-kii kuma yaallaan xarumo waxbarasho. Waxaa xarun waxbarasho ugu dhow oo dadka deegaanka ee awooda ay carruurtooda u dirsadaan magaalooyinka Xuddun oo 40km u jirta iyo Laascaanood.

Qoysaskan oo ah xoolo-dhaqato ku cayrtoobay abaarihii isxig-xigay ee dalka ku dhuftay ayaa waxay ka soo barakaceen miyiga Shimbiraaley, Hidhaanshiile iyo Dob-shabeel oo hoostaga Xuddun.

Yaxye Maxamed oo aabbe u ah sagaal carruur ah oo dhamaantood gaaray da’da waxbarasho ayaa Raadiyow Ergo in ay carruurtu iska joogaan guriga oo aysan wax barasho aadin. Waxaa Yaxye iyo waaliddiinka kale welwelkooda ugu wayn waxaa uu yahay in ay carruurta uga dhacaan ceelal dhaadheer oo ay ku ag ciyaaraan marka ay fasaxaan. Wuxuu xusay in dhowr carruur ah ay sanadkaan ceelal ku dhaceen.

“Intaa ogahay ilaa laba caruur ah ayaa bishii hore keliya ku dhacay oo mid ka mid ah dirqi lagaga soo saaray waa ku dhaawacmeen kuwaa ku jajabay, qaar waxay keeneen inay balwada bartaan. hadday buuri helaan, xashiishad, iyo kuwo cuna garaabada qaadka intay tagaan meelaha lagu qayilo,”ayuu yiri Yaxye oo sheegay in ay ku baraarugsan yihiin waalidiintu muhiimadda ay waxbarashadu ubadka u leedahay. Nolosha qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan taageero raashin oo aan joogto ahayn oo uu ka helo dad ay qaraabo yihiin oo deggen Xuddun, kuwaas oo saddexdii maalinba uu mar u tago.

Safiya Barre Geelle oo dhashay toddobo carruur ah oo lix ay gaartay da’da waxbarashada ayaa ka mid ah waaliddiinta xerada deegaanka Darya-geesa-wayn ee gobolka Sool. Wiil ay dhashay oo jira 10 sano ayaa bil ka hor ka jabay inta u dhaxaysa suxulka gacanta midig ilaa cududda faraha agtooda, kaa oo hadda lagu kabay lacag gaaraysa kun doollar oo ay daymiyeen dad ay qaraabo yihiin.

“Carruurtii hawshoodii waa badatay oo waxbarasho ma haystaan caqabadaha naga haysata waxaa ka mid ah ceelasha ay ku dhacayaan, waa is laynayaan, waxay ahaayeen markii hore caruuur aduun miyi ku haysata oo xoolaha raaci jiray,” ayay tiri Safiyo.

Safiya Barre waxay sanadkii 2017 ka hor, lahayd 300 oo neef oo ari ah oo dooxada Shimbiraalay oo 15 km Xuddun u jirta ku dhaqan jirtay. Siddeed neef oo ido ah oo xoolihii uga haray ayay ku darsatay reer ay qaraabo yihiin.

Hay’ado aysan dadku magacooda saxda ah noo sheegin ayaa mararka qaar gargaar ka bixiya xerada. Safiyo waxay sheegtay in bishii Oktoobar ay hay’ad ka mid ah kuwaas siisay $70 oo gargaar ah. Deegaanka waxaa ku yaalla afar ceel oo lacag la’aan ay dadku biyaha uga cabaan, taas oo ah sababta ugu weyn ee ay halkaas ugu barakaceen. Xerada Darya-geesa-wayn oo ah tan keliya ee deegaanka ku taalla ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin 200 oo qoys.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 4-NOV-2019

Next Post

Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo