Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
November 5, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Sawiradda kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxay Soomaaliya uga soo carareen cabsi ay ka qabaan in la bar-tilmaameedsado, iyaga oo u soo aaday dhanka Kenya filashada nolol dhaanta tii ay Muqdisho ku haysteen balse xaaladda xeryaha ay kala kulmeen ayaa noqotay mid ka daran tii Muqdisho.

Qoyska Axmed Mukhtaar Saalax oo ku magac-dheeraa Axmed Dowlo waxay u soo safreen Xeryaha Qaxootiga Dhaadhaab kaddib markii Axmed Dowlo lagu gubay nolasha gudaha magaalada Muqdisho. Axmed oo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ayaa dilkiisa waxaa gundhig u ahaa eedaymo ku aadanaa in wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar ka soo jeeda beel kale.

Howl-gallo iyo baaritaanno ay laamaha ammaanka Soomaaliya sameeyeen kaddib waxaa suurtagashay in la soo xiro toddobo qof oo lagu tuhunsanaa in ay ka dambeeyeen dilka. Kaddib dacwad dhagaysugeedu ay qaatay muddo, ayaa bishii 4aad ee sanadkan Maxkamad ku taalla Muqdisho waxay dil ku xukuntay saddex qof oo ka tirsanaa toddobada qof. Xukunka kaddib ayaa qoyska Axmed waxaa ay la kulmeen hanjabaad la sheegay in ay kaga imaanaysay dad ay isku hayb yihiin shaqsiyaadkii la xukumay.

Farxiya Axmed Qaasim oo ah xaaskii Axmed Mukhaar oo hadda ku sugan xeryaha ayaa Radiyow Ergo u sheegtay in ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay soo maciin-bideen afar bil ka hor.

Safar gaari ah oo qaatey 10-maalmood ah ayay ku yimaadeen Xeryaha qaxootiga. lacagta uga baxdey safarka oo gaareysa kun iyo labo boqol oo dollar ($1200) waxaa u ururiyay deriskoodii Muqdisho, sida ay Farxiyo sheegtey.

Balse qoyskan oo ka kooban 14 ayaa waxay la soo kulmeen iyada oo seddexdii sano ee la soo dhaafay ay hakad ku jireen diiwaangelinta qaxootiga cusub.

Hay’adda qaxootiga ee UNHCR oo ay tageen xafiiskeeda xerada uma diiwaangelin qaxootinimo, balse sida ay Farxiyo sheegtay horjoogayaasha xeryaha oo la kulansiiyay hay’adda ayaa u sheegay in ay diiwaangelin hordhac ah heli doonaan marka la gaaro horraanta bisha December ee inagu soo aaddan.

Farxiya oo sidoo kale ay la joogaan marxuunja aabbihiis oo ah waayeel aragga la’ ah iyo walaashiis oo carruur wadata ayaa sheegtay in raashinka ay hadda karsanayaan ay 10-kii bishii hore u keeneen culimada xerada oo lacag ay masaajidda ka ururiyeen ugu soo iibiyay.

Waxaa hadda gabaabsi ka sii ah raashinkaas oo ka kooban 50-kiilo oo bariis ah, 50 kiilo ah sonkor ah, 20 kiilo oo baasto ah, 48 kiilo oo bur ah, 15-kiilo oo saliidda cuntada ah iyo 6000 oo garaam oo caanaha budada ah.

“Qaxootiga markaan imaaday noloshii ciriiri ayay igu noqotay, waayo meel wax iga soo galo ma lahan wax hadda aan heysano malaha. walaahey anaga waxba ma haysano, wax kale ee caruurta agoonta ah aan siiyo oo ilaahay ila ogyahay malaha oo dal iyo debadba wax naga soo gala ma lahan. Hoy ma haysanyo, cunno ma haysano,” ayay tiri Farxiyo.

Siddeed carruur ah oo afar uu Axmed dhalay oo da’doodu ay u dhexeyso 6-ilaa 15-jir ayaan midkoodna iskuul tegin, sabab ay Farxiyo ku sheegtay in ay tahay in aan loo awoodin, buugaagta, qalimaanta iyo dharka iskuulka.

Mukhtaar Saalax Ooboy oo ah aabaha dhalay Axmed, ahna 75-jir aragga-la’, waxay noloshiisu ku tiirsanayd waxa uu wiilkiisu (Axmed) soo shaqeeyo. Wuxuu sheegay in geeridii wiilkiisa kaddib ay la soo derseen duruufo noocyo badan leh.

“Qaxooti sidaan u nimid koob shaaha kama cabin anagu, muslimkaa ayaanu ku noolahay, mar waa helnaa marna waa weynaa, gaajo iyo dhibaa timid, ninkii gacanta kugu hayay haddi dhinto sow gaajo ma aha,” ayuu abbe Mukhtaar.

Mukhtaar Saalax waxaa sida uu sheegay indhihiisa aragti ugu dambeysay isla maalintii uu dhintay wiilkiisii. isaga oo jooga xaafad ku taalla deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

“Sariirtan ayaan saaranahay waagaa ii berya, hurdo ma leh, hurdo dhan waaye haddee, waaba la waayay ilaahay amarkii hurdadii baaba la waayay ma leh,” ayuu yiri Mukhtaar.

Previous Post

Sool: Boqollaal carruur ah oo ku nool xerada lagu barakacay oo wajahaayo waxbarasho-la’aan

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 5-NOV-2019

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 5-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-APR-2026

IDAACADDA 25-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo