Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland oo mamnuucday foostooyinka caagga ka samaysan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 6, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland oo mamnuucday foostooyinka caagga ka samaysan

Qaar ka mid ah xarumaha lagu iibsho fuustooyinka caagga ah/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maamulka Puntland ayaa foostooyinka caagga ka samaysan ee biyaha lagu shubto ka mamnuucay deegaannada Puntland. Mamnuucistan  oo lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu ku yimid kaddib codsi ay soo jeedisay Wasaaradda caafimaadka Puntland.

Waxaa ay wasaaraddu sheegtay in ay khatar caafimaad ku yihiin caaggagu nolosha dadka iyo tan duunyada maaddaama lagu keeno waxyaabo kiimikooyin ah sida uu tilmaamayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji.

“Maaddaama aan foostooyinkan aan loo samayn in biyo lagu shubto oo aashitooyin iyo waxyaabo lagu shubaa badanaa, ganacsatadii inta ay soo qaadaan ayay ka iibinayaan dadkii, waxaa dhacda iyadoo aan sifiican lo nadiifin, ama kiimikadiiba ay dhexgashay ayay dadku biyaha ku shubtaan, arintan waa amar madaxweyne laga ma ganacsan karo lagu mana shuban karo biyo lacabbo,” ayuu yiri wasiirka.

Foostooyin caagaga ah ee biyaha lagu shubto waxaa markooda hore dalalka khaliijka laga keena iyaga oo madhan balse leh qoyaan milan kiimiko ah, qaar kale ayaa lagu keenaa waxyaabo udug ah halka kuwo kalena lagu keeno waxyaabo dareere ah oo ay dadku isticmaalaan sida shambooyinka.

Cabdinuur Sheekh Axmed oo ka mid ah ganacsatada magaalada Garoowe ayaa qaba in la hirgeliyo warshado yaryar si looga maarmo waxyaabaha dhibgta keenaya in la soo dhoofsado.

“Dadka ugu badan ee ay saameynta ku keenayso waa reermiyaga isticmalai jiray, ganacsatadana sidoo kale waa samaeynaysaa, dhib sahlan ma aha, shacabka iyo dowladdu waa isku dan, wadanku warshado ma leh dadkna wax uma keenin waa dhib, foostadu ma beddeli karto waaxaa lagu keenaa shidaal,“ ayuu yiri Cabdinuur

Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dowladdan ay ka go’an tahay joojinta waxa kasta dhib ku ah shacabka.

“Dadku waxay isticmaali karaan waxkasta oo biyo lagu keydin karo sida birta macdanta ah oo aan khatar caafimaad keeni Karin,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Maxamuud Cali Samatar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha deegaanka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in caaggagu waxyaabo sun ah oo laga sameeyay qashin ka soo hadhay warshado.

“Waa waxyaabo aan burburi karin oo ciidda ku milmi karin, waxaa ka mid ah bacaha, jirkaamada,  waxayna ka samaysan yihiin sun, waxay saamayn toos ah ku leeyihiin deegaanka dhulka, biyaha, dhirta xoolaha iyo bini’aadankaba, Waxay caagagu si toos ah u dilaan noolaha badda iyo berriga ku nool, sannad kasta nolayaal ayaa la sheegaa in ay u dhintaan waxyaabo suna oo ay cunaan,” ayuu Maxamuud.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA 6-NOV-2019

Next Post

Webiga Shabeelle oo ku fatahay 43 tuulo ka tirsan golbolka Shabeellada-Dhexe

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
SWALIM oo ka digaysa fatahaado ka dhaca gobollada labada Shabelle

Webiga Shabeelle oo ku fatahay 43 tuulo ka tirsan golbolka Shabeellada-Dhexe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo