Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baardheere: Boqollaal qoys oo ku barakacay roobab daadad watay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 22, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Boqollaal qoys oo ku barakacay roobab daadad watay

Qaar ka mid ah dadka ku baracay daadadka ku dhuftay magaalada Baardheere/Axmed Cumar Salihi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo deganaa xaafado uu maro togga weyn ee kala qeybiya qaar ka mid ah xaafadaha magaalda Baardheere gobolka Gedo ayaa ku barakacay roobab culus oo daadad watay oo oo ka da’ay magaalada iyo hareeraheeda.

Qoyska Xabiibo Nuurow Maxamed  oo ka kooban 10 ruux waxa uu ka barakacay xafadda Xabaal-caday kaddib markii roobab daadad xoogan wata ay ku dhufteen gurigooda labo habeen ka hor. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay guriga kala soo baxsadeen naftooda.

“Annagoo hurdayno, ayaa biyo nasoo galay ka war helnay, taleefono ayaan dirsanay, si caruurta noogu la badbaadiyo,” ayay tiri Xabiibo.

Waxaa sidoo kale qoyskeedu uu dulsaar yahay reero kale Nadiifo Salaad oo roob socday 12 saacadood uu ka barakiciyay gurigeeda. Nadiifo ayaa sheegtay in hadda caqabad ka haysato dhanka nolosha oo reerkeeda hal wakhti haddii ay helaan dabka shitaan.

“Aniga gurigayga wuu maran yahay, wixii dhan daadka la tagay, masiibo tii ugu weynayd ayaa nagu dhacday, tanoo kale biyo baxidii 1997 ayaa noogu dambeysay,” ayey tiri Nadiifo.

Muxumed Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyaha xaafada Buulo-geediyo ee degmada Baardheere ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xafada ay ka barakaceen ilaa 350 qoys labadii maalin ee la soo dhaafay.

“Dadkii deganaa xaafada oo u badan dad danyar ah ayey biyuhu barakiceen, biyaha daadka waxay dumiyeen musqulihii xaafadda, waxaa dumay ilaa 10 guri oo mundulo iyo baraakooyin ahaa. Ilaa 20 neef oo ari ah biyaha ayaa qaaday,” ayuu yiri Muxumed.

Cali Maxamed iyo qoyskiisa oo ka 11 qof waxay barakac ku yihiin xerada Liibaan ee ku taalla duleedka Baardheere. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in cunno iyo hoy midna aysan haysan qoyskiisa.

“Waxaan ahaa xoogsade noloshiisa ay ku tiirsan tahay suuqa xoolaha, suuqii iyo magaaladana way kala go’an yahiin, guryahiina kuma laaban, dhiiqo ayaa dhex fadhida, guryaha kharash aan ku hagaagsadana ma qabi,” ayuu yiri Cali.

Roobabk daadad wata ayaa sidan oo kale bishii hore barakiciyay dad ka badan ilaa kun qoys oo deganaa xeryaha Xabaal-cadeey,Musawa, Buulo-geed iyo Horseed.

Raage Axmed Maxamed waa Madaxa Mashaariicda iyo Horomarinta maamulka degmada Baardheere waxaana uu Raadiyow Ergo u sheegay ilaa 4,700 oo qoys ay ku barakaceen fatahada uu sameeyay Webiga Jubba iyo daadadka roobabkii da’ayay tan iyo Octobar.

Previous Post

Qoysas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle oo gargaar la gaarsiiyay

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 23-NOV-2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 23-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo