Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Seerayaal ku yaalla Degmada Oog oo loo furay xoolo dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
October 3, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix iyo tobad goobood oo dhul daaqsimeed la xirmaystay iyo laba iyo tobad god barkadeed  ayaa maamulka magaalada Oog  ee gobolka Sool oo kaashanaya odayaasha deegaankaasi tobankii maalmood ee la soo dhaafay burburiyeen.

Bishii Julaay ee sanadkan ayaa waxgaradka deegaankaasi ku heshiiyay in dhamaan la baabi’iyo dhul-xirmooyin seerayaal ah oo dad si gaar ah uga oodanayaan dhul daaqsimeedkii xoolaha, iyo sidoo kale deegaamaynta cusub oo laga hirgelinayo dooxooyinka xoola daaqeen ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii uu muranno dhexmaray dadka seeraha iyo degamaynta samaynaya iyo xoolodhaqatada.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Oog, Cabdi Iidaan Jaamac ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dhibaatadu seeraysigu labadii sano ee ugu danbaysay ay ka taagnayd afar dooxo oo waaweyn oo ah dhulkii xoolaha daaqayeen.

“Dadka xidhay, mid waliba wuxuu odoonayaa meel uu gaar oo boqolaal mitir ah, beerana ma aha, wax la aqbali karna ma ahan arrintaani,” ayuu yiri Cabdi.

Dooxooyinka la xidhay waxaa ka mid ah Bali-qoribad oo koonfur ka xigta Oog.

Dooxadani ayaa ah mid wayn oo ilaa 60km oo isku wareeg ah, dhamaanna waa lagu xidhay ood, silig iyo dhagxaan.

“Dadka dooxooyinka xidhay waa ilaa 25 qof  oo qaarkood qurbajoog yihiin, Waxayna doonayaan in ay seeerayaal ay geel ku xeraystaan ka samaystaan, hadda wixii oo dhan waan ka qaadnay,”ayuu yiri  Cabdi Iidaan

Sidoo kale dooxooyinka la xidhay waxaa ka mid ah Mareer-joog, Kala go’da, Buta-wayne, iyagana waa laga qaaday hadda seerayntii.

Go’aamada laga soo saaray ayaa waxaa ku jira in 3 km wixii ka baxsay magaaladda Oog ay tahay xooladaaqeen oo aan wax xidhmo ah laga samayn Karin.

Oday Aadan Cabdi Maacuun oo ka mid ah odayaasha deegaanka Oog,ee go’aankaasi soo saaray ayaa sheegay in xoolodhaqatadu daaqsinkay helaan uu ku tiirsan yahay dooxooyinkaan oo marka roobabku da’ana ah meelaha biyaha ay ku hakadaan xooluhuna ku baxsaan xilliga jiilaalka,

“ Qofkii reer miyiga ahaa markuu waayo meel uu neefkii u daaqo waxaa khasab ah in gacan ka hadal imaanayo,  arintaasi si aanu uga hortagno ayaanu go’aamadan u gaarnay,” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale odayaasha iyo maamulka ayaa isku raacay in meel aan ahayn deegaanka aan laga qodi karin barkad, waxaana la baa’bi iyay ilaa 12 god oo laga qoday oo la doonayay in laga dhigo berkado.

Cabdi Muuse Axmed oo ka mid ah dadka xooladhaqatada ah ee deggan Oog ayaa sheegay in dhul ahaan degaanka oog uu yahay buuro iyo dooxooyin, oo ay buuraha wax daaq ahi lahayn, laakiin dooxoyinka ay yihiin halka xoolihiisu daaqaan.

“Durba markii  dhulkii laga qaaday xidhmooyinkii xoolihii waxay heleen meel ay daaqaan. Meel ay ceelkii uga arooraan, markii hore dhibka buurtaan ku celinaynay xoolaha,” ayuu yiri Cabdi.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 3–OCT–2019

Next Post

Beeralay isu kaashanaayo in ay xiraan meelaha uu webigu ka fataho

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Reer Jowhar oo ugu dambeyntii ku guulestay iney xiraan buqda webiga

Beeralay isu kaashanaayo in ay xiraan meelaha uu webigu ka fataho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo