Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Lix kun oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceelal riig ah oo laga qoday gobolka Awdal

Radio Ergo by Radio Ergo
October 31, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sanado badan oo ay ku dhamaysteen haraad iyo socod ay ku baadigoobaayeen biyo ay cabbaan, ugu dambayn dadka deegaanka Dilla ee gobolka Awdal waxay heleen ceelal ay biyo nadiif ah ka cabaan kuwaa oo uu hirgeliyay urur samafal ah oo ka dhisan Somaliland.

Inkasta oo dadka ay ka cabi jiray baraagaha dusha furan iyo balliyada ay galaan biyaha roobka haddana waxaa ay ku qasbanaayeen in ay u lugeeyaan tuulooyin masaafo u jira deegaanka si ay biyo helaan. Sidoo kale waxaa ay booyado biyo uga keeni jireen magaalooyinka Gabiley iyo Boorama.

Sahra Cali Obsiiye ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay hadda ka nasatay dhaaminta biyaha aan nadiifka ahayn oo ku jiray bali gurigeeda u jira 1km. Biyaha inta badan ahaa callow u baahan in la kala miiro. Sahra ayaa sidoo kale ka cabsan jirtay in caruurta ay uga qaraqmaan haddii ay u dirto in ay biyo ka soo dhaamiyaan balliga.

“Dhib ayaan ku qabnay inaan biyo helno, anaga iyo xoolaha ayaa meel kaliya ku wada nooleyn, xilliyada aan ka maqanahay iyo habeenkiiba maanu ogeyn waxkasta oo ku dhaca amma cid gasha, dadka ayaa iskaga dabaalanayay meeshaan biyaha ka helaynay wax aanad deyn karin ayay ahayd oo naftaada ugu kalifaysa” ayay tidhi Sahra.

Hadda waxay biyaha si welwel la’aan ah uga dhaansataa ceel rig ah oo looga dhisay deegaanka. Ceelka riigga ah waxaa uu balliga kaga duwan yahay afka oo daboolan iyo biyo nadiif ah oo dadku ka dhaansadaan.

Waxaa sidoo kale iyadana ceel ku nastay, Xaliimo Cabdilaahi Nuur oo hadda howlaha gurigeeda ee dhar dhaqida, nadaafadda iyo qubeyska ku samaysa gurigeeda.

Int aan ceelka la sameyn ka hor  marka ay qoyskeedu dharka dhaqayaan waxay maalinkaasi aadi jireen balliga si ay biyaha badan uga faa’ideystaan.

Hadda ceeelku waxaa uu gurigeeda u jiraa saddex boqol oo Mitir oo wado loo sameeyay ay biyaha la soo maraan marka ay soo dhaansadaan.

“Biyo badan oo wax lagu qabto lama helayn, wixii afka loo cabayay ayuun baan shan jirkaan ku soo dhaansan jiray hadde nadaafada balliga dushiisa ayaan ku qabsan jirnay intaan alaabta qaado,” ayay tidhi Xaliimo oo uu qoyskeeda ka kooba yjhay lix.

Sida uu raadiyo Ergo u sheegay Aadan Cismaan Sicid guddoomiyaha degmada Dilla, ceelashan ayaa waxaa hadda ku tiirsan lix kun qoys oo ku nool deegaanka Dilla. Guddoomiye Aadan ayaa sheegay in labadan ceel ee riiga ah oo muddo sanad ah la sameynayay ay magaalada u jiraan 500 mitir.

“Biyo la’aanta ayaa ahayd mushkilada ugu badan ee haysata dadka, hadda arrintaas waala xaliyay oo qofkasta biyihii dhib yaraan ayuu ku helayaa, waanad garan kartaa wanaaga ay leedahay qof biyaha baliyo laga cabayay oo hadda kuwa nadiif ah helaya,” ayuu yidhi guddoomiyaha.

Ceelashaan oo ay qodday hay’adda Havayoco waxaa ku baxay qarash dhan $200,000, sida uu sheegaayo Maxamed Jibril Cismaan afhayeenka wasaarada biyaha Somaliland.

Havayoco  waa haayad ka shaqeysa barashada xirfada dhalinyarada, waxbarashada iyo arrimaha bini’aadanimada deegaanada Somaliland.

Afhayeenku waxaa uu sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay billowday bishan afarteedii qorshe dhallinyarada wasaaradda lagu barayo sidii ay biyaha u nadiifin lahaayeen. Dhallinyarada oo soddon ah ayaa wax ka baranaya jaamacada Golis ee magaalada Hargeysa.

“Wasaarada kheyraadka biyaha oo ku howlan in dadka magaalooyinku ay helaan biyo qasabadaysan ayaa ka shaqeysay biyo galinta. Wasaarada oo ka faa’ideysanaysa shaqaalaheeda waa in dadka goobahooda jooga ay biyo u heshi si gaabka jira loo buuxiyo,” ayuu yiri Cismaan.

Labadii sano ee u dambeeyay waxaa ay kor u kacay dadka hela biyo nadiif ah taasi oo ka dhigaysa in dadka ku nool Somaliland ku nool 42% ay helaan biyo nadiif ah halka labo sano ka hor qiyaas wasaaraddu sameysay ay ka ahaayeen 29% kuwaasi oo heli jiray biyaha nadiifta ah.

Previous Post

Puntland: Duufaanno looga digay dadka xeebaha ku nool

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 1-NOV-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 1-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-JUL-2026

IDAACADDA 18-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUL-2026
July 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo