Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hooyo iyo gabadheeda oo jaamacad wada dhameeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada, Xaaladda Xeryaha
0
Haween ka faa’iiday ganacsiyo looga hirgeliyay Kismaayo

Sabaad (bartamaha), gabadheeda Xafso, Wiilka ay sodohda u tahay ee Maxamed oo shahaadooyin ka guddoomaya madaxa kulliyadda, Prof Saleebaan Dirir Cabdi/Burao University

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sabaad Cabdullaahi Madar, 18 sano ka hor ayay miyiga ka timid oo ay u soo guurtay magaalda Burco iyadoo hadda ku guulaysatay inay noqoto qof waxbaratay, iyadoo labo seddex ka hor ka qalinjebisay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Burco. Waxay dugsiga hoose wada billaabeen oo haddana ay jaamacadda wada dhameeyeen gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Xafsa Cabdullaahi Xuseen oo 21 jir ah.

Sabaad oo 49 jir ah, waa hooyada saddex wiil iyo labo gabdhood. Waxay aad u jeceshahay waxbarashada oo ay ugu dadaasho si ay horumar uga gaarto nolosha, waxayna aaminsan tahay in aysan waxbarashadu da’ ku xirneyn. Sabaad, waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay miyiga degaanka Duruqsi. Carruurteeda marka laga reebo Xafso inta kale waxay ku dhashay miyiga.

Xafsa oo afar jir ah ayuu qoysku miyiga ka soo guuray, waxayna iyada iyo carruurteeda halkaas ka wada billaabeen waxbarashada aasaasiga ah iyo barashada Qur’aanka.

“Markii hore carruurta baaddiye ayaan ku soo dhalay oo aan ku soo barbaaray. Xafsa oo keliya ayaa Hargeysa iigu dhalatay mar aan yara degay Hargeysa. Ka bacdina carruurta 2001 ayaan miyi kala soo xarooday, way ugu yareyd oo ilmihii aan gacanta haystay ayay ahayd markaa carruurtii kale oo aan malcaamad geeyay baan ku daray. Kuma aamini jirin markaan shaqadooda iyo howlahooda u dhameeyo, anigoo waxbarasho tagaya ayaan gacanta sii qabsan jiray” ayay tira Sabaab oo ka sheekaynaysa sida ay iyada iyo carruurteeda wax-u-baranjireen.

Sabaad ayaa markii horeba miyga uga soo guurtay inay wax barato, iyadoo sheegtay inaanay jeclayn jahliga. Waxay Radio Ergo u sheegtay in hamigeedii iyo higsigeedii u u rumoobay caruurtana qaar ka mid ah iyo iyaduba ay wax barteen.

Xafsa Cabdullaahi Xuseen, 21 sano jir ah waxay ku faraxsan tahay inay iyada iyo hooyadeed iyo seygeeda ka wada qalinjebiyeen jaamacadda Burco 15-kii hore. Waxay guursatay sanadkii hore iyadoo weli jaamacadda dhiganaysa, waxayna difaacatay buugga qalinjebinta jaamacadda iyadoo isbuuc umulan. Waxaa dhiirrigelin u ahayd in hooyadeed iyo seygeeda ay wax la baranayeen, sidaas daraaddeed guurka iyo hooyannimada ma aysan ku noqon caqabad ka joojisa sii wadista waxbarashada.

“Kolley qofka waxaa siiya jaaniska hadba hiigsiga uu leeyahay iyo xiisaha uu sheygan u qabo oo howshaa ma qaban kareysid haddii aadan xiiso u qabin. Marka xiisaha aan u hayay ayaa wuxuu ahaa inaan waxbarasho wado oo weliba xagga caafimaadka aan ku sii jecleystay oo aan jeclaa secondary [dugsi sare] markaan dhameysto aan u beyro xaggaa iyo caafimaadka oo medicine [aqoonta dawooyinka] aan aad u xiiseyn jiray. Marka taas ayaa daraasaad badan oo aan sameeyay waxaan is oran jiray markii hore dhallinyaronimadaada haddii aad guursato waxbarasho ma wadi kartid laakiin daraasad badan oo aan sameeyay ayaan arkay dumar badan iyo hooyooyin badan oo waxbarta ubadkoodana waxbara, sidaas daraaddeed ayaan ku dhiirraday in aan waxbarashada iyo isku wadi karo xaasnimadii oo aan sameysto reer oo aanay waxba ii dhimeyn inaan ka sii helo darajo fiican mooyee,” ayay tiri Xafsso

Seygeeda oo lagu magacaabo Maxamed Rooble Xade oo 26 jir ah, wuxuu ka baxay kulliyadda culuumta teknoolajiyada ee jaamacadda Burco. Waxay sheegtay inuu kaalin fiican ka qaatay heerka ay maanta ka joogto waxbarashada.

“Ragga Soomaaliyeed waxaa lagu xantaa oo la dhahaa waxbarasho gabadhu haddii ay waddo ama ay shaqo waddo, raggu marka ay saa u guursaday ayay yiraahdaan xaggeed aadaysaa? Ha tagin meel ha qaban waxba ma baran kartid, waxan ma gaari kartid, waxan rag baa ku shaqo lehe maxaa adiga ku daba dhigay, rag un baa waxbarashada heer ka gaara. Laakiin maya, anigu taas iguma ay dhicin, jaanis buu i siin jiray, yididdiillo fiican buu i sii galin jiray oo wuxuu igu oran jiray haka caajisin, hal mar haddii uu madaxa i yara xanuuno oo aan isku dayo jaamacadda inaan jaro wuxuu igu oran jiray, maya haka caajisin jaamacadda tag,” ayay tir Xafsa.

Maxamed wuxuu sheegay in waxbarashada iyo maareynta nolosha qoyskooda ay ka caawiyaan waaliddiintiis, gaar ahaan aabbihiis oo meherado ganacsi ku leh Burco. Wuxuu xusay inay riyadiisa ahayd inuu guursado qof la aqoon ah oo isku waqti ay guriga ka wada baxaan si ay u tagaan goob waxbarasho ama shaqo.

“Kolley shuruuddeyda koowaad baa ahaydba markaan haasaawaha ku jiray inaan ku oran jiray walaal waxaan jecelahay inan waxbarata oo isku mar aan guriga ka baxno. Way jirtaa dee hablo iyo inamo badan oo is qaba oo haddana ku oranaya hadallada badane iiga imanayay baa ahaa sidee baad uga oggolaatay gabadhaada adigoo xaas ah in ay waxbarashada kula aaddo? Waxaan ku oran jiray anigu waan jecelahay qofku waayo aqoontu waa inay ka muuqataa qoyska. Marka waxaan u oggolaaday maaddaama aniguba wax dhiganayo inay iyaduna ila dhigato,” ayuu yiri Maxamed oo intaa ku daray in uu xaaskiisa ku sii taageeri doono ka gungaarka hammigeeda.

Sabaad iyo gabadheeda Xafso oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in ay hiigsanayaan meel sare inay waxbarashada ka gaaraan, dadaalkoodana aysan intaas ku ekeyn.

Qoyskan ayaa aad ugu faraxsan inay mar jaamacda kawada qalijebiyaan iyagoo xafladii qalin jebinto goob ku wada qabsaday Sabaad, inanteeda Xafsa iyo Maxamed.

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 6-OCT-2019

Next Post

Dhuusamareeb: Gabar ka macaashtay beeridda calafka xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Next Post
Guriceel: Arday beera maseggada si ay uga dhigaan calafka xoolaha

Dhuusamareeb: Gabar ka macaashtay beeridda calafka xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo