Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ka faa’iiday ganacsiyo looga hirgeliyay Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
October 1, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween ka faa’iiday ganacsiyo looga hirgeliyay Kismaayo

Faadumo Magan Cabdi/ Axmed Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Magan Cabdi waxaa ay ka mid tahay 260 dumar ah oo ka soo jeedda qoysaska dan yarta ee magaalada Kismaayo oo loo maalgaliyey ka ganacsiga kaluunka.

Haweenkaan ayaa mid kasta oo ka midda waxaa la siiyey lacag dhan $500 dollar oo ay ku bilowdo ganacsiga ka kaluunka. Dumarka ka faa’iidaystay mashruucaan ayaa 30 ka midda yihiin haween ka soo jeedda qoysaska barakacayaasha Kismaayo halka 230 kale-na yihiin dumarka dan yarta ah ee deegaanka.

Faadumo waxaa ay suuqa magaalada Kismaayo ku iibisaa kaluunka, maalintii waxaa ay soo iibsataa ilaa 20 xabbo oo kaluun ah, oo xabada miisaan ahaan dhan ilaa 4kg, waxaana laga siiya lacag dhan $6, iyaduna waxaa kiilaha kaluunka ay ku iibisaa lacag dhan 3 dollar, iyadoo maalintii ka heshaa lacag dhan 30 dollar.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in horay ay nolasheeda aad u liitay, oo ay wareejin jirtay jalaato ay dad ka soo qaadi jirtay si ay uga hesho nolasha caruurteeda oo ay maalintii ka helly jirtay lacag dhan 2 doolar balse qoyskeeda ayaa hadda maalintii biisho lacag 6 dollar.

Sidoo kale saygeeda oo gadhi gacan horay ugu shaqayn jiray ayaa hadda ay u furtay sandaqad lagu iibiyo raashinka. Waxay ku maalgelisay lacag $300 ah. Faadumo ayaa sidoo kale waxaa ay lacagta waxbarashada ka bixiso lix ka mid ah caruurteed oo hadda dhigta dugsiga hoose. Wadarta lacagta ay carruurtu ka bixiso ayaa ah 60 doolar bishii.

Faadumo ayaa sheegtay in lacagta la siiyey bishii labaad ee sanadkaan haddana ay celisay lacag dhan $360 dollar oo hadda lagu leeyahay sadex bilood lacagtood oo ah $140 kaliya .

Mashruucaan oo ay maalgalisay hay’adda GIZ, ayaa waxaa fulinaysa hay’adda SADO waxaana ku baxay lacag dhan $60,000 dollar. Faadumo magan Cabdi ayaa sheegtay in ay caqabad ay ka haysato soo iibsiga kuluun-ka oo ganacsatada ragga ah ee uga soo horeeyey shaqadda kaluunka oo ay dumarka ku falisaan qiimaha malayga.

“Markaan maagno in aan iska waabino, oo beecii ay gaadheen anaguna aan lacagta wax-ku darno, ayaa waxaa ay i dhahayaan adiga dumarka ayaa ku soo adeegsada marka dhibbaato faqooq ayaan la kulannaa,” ayaa Faadumo.

Shamsa Haaji Abdinoor waxaa ay ka mid tahay dumarka laga soo xulay xerada barakaca ee Daryeel ee magaalada Kismaayo, waxaa ay ka faa’iidaystay Mashruucaan. Qoyska Shamso ayaa ka kooban 15 qof oo shan carruur yaryar yihiin.

Shamsa waxaa ay nolasha qoyskeeda ku maarayn jirtay lacag yar oo ka hesho dhar dhaqaalka xaafadaha Kismaayo, taas oo aan joogta ahayn. Waxay maalintii ka helli jirtay lacag dhan $3 dollar taa oo aan joogto ahayn, iyadoo ay u sii dheerayd in mararka qaar dadka ay dharka u dhaqday ay lacagta ka wayn jirtay, oo ay dhihi jireen maanta nagu yeello ama bari ayaan ku siinaya ee iiso noqo.

Shamsa ayaa markii ugu horaysay shan carruur ah u wooday lacagta waxbarashada ee iskuulka, waxaana midkiiba ay ka bixisaa lacag dhan $10 dollar.

“Malayga waan ka shaqeeya, maalintii boqol xabbo ayaan qaata, cidda markaan geeyo waa la samaynaya taawada ayaa la saara, malaygaan duba, albaabkayga hortiisa ayaan la fadhiista xabadii nus dolar ayaan gataa,” ayay tiri Shamso oo hadda ku faraxsan isbeddelka ku timid nolasheeda.

Madaxa mashaariicda ee hay’adda SADO Maxamed Ibraahim Cali ayaa sheegay in ujeedda barnaamijkaan uu yahay in shaqo loo abuuro haweenka ka soo jeeda qoysaska danyarta, si looga caawiyo nolasha qoysaskooda. Waxaa kale oo uu sheegay in haweenkaan ka hor inta aan lacagta la siinin in loo qabtay tababaro ku aadan sidii ay u hormarin lahaayeen ganacsigooda.

“Waxaa ugu badan dadka ka ganacsada kaluunka Soomaaliya waa hooyooyinka, oo si hoosaysa oo xirfad hoosaysa ah uga ganacsan jiray, markaan aragnay baahidaas ka jirta deegaanka, ayaan waxaan is dhahnay haddii wax lagu taro in kor u soo ka cayso nolashooda,” ayuu yiri Maxamed.

Agaasimaha wasaaradda Kaluumaysiga Jubbaland Maxamed Khaliif Cali ayaa sheegay in mashruucaan in looga talla galay balaadhinta ka ganacsiga kaluunka oo dumarku ay ragga kaga wanaagsan yihiin ka ganacsigiisa.

“In aan lacag ka badan u raadino ayaan rabnaa, shan shan boqol ayaan siinay insha allaah labba labba kun oo doolar ayaan u raadinaynaa mashruuc ah, mashruucan aad ayuu u fiican yahay, waa mashruuc aad nooga farxiyay oo taabagalay,” ayuu agaasimaha.

Previous Post

Ayax baabi’iyay beero ku yaalla gobolka Awdal

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA 2-OCT-2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA 2-OCT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo