Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Somaliland: Biyo dhaamin laga sameeyay tuulooyin aan roobka guga helin

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Xaalufka oo keenay in lo’du ka dabar go’do gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Tuulooyinka Ulasan iyo Warcimraan oo ka tirsan Waadaa-magoo ee gobolka Saraar ee Somaliland ayaa dadka ku nool loo sameynayaa biyo dhaamin.

Biyo dhaamintan ayaa ah mid socotay tan iyo jiilaalkii hore, iyadoo roobabkii gu’ga aysan ka da’in deegaannadaas.

Todobaadkiiba saddex booyadood oo biyo ah ayaa labada tuulo waxaa geeya golaha deegaanka ee degmada Caynabo, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Axmed Maxamed Xaashi  oo ah duqa magaaladaas.

Axmed ayaa sheegay in tuulada ay ku nool yihiin afar boqol oo qoys, una badan dad cayr ah oo ka guuri kari waayey. Qoysaska waxaa biyaha loogu shubaa baraago u qodan oo biyaha roobku u gali jireen.

“Deegaanada berkado ayaa biyaha ay ka heli jireen, hadda biyahan waxaan uga keennaa meelihii roobku ka da’ay oo biyuhu ku jiraan, 30KM ayay jiraan meelaha aan uga soo dhaaminayno,” ayuu yiri Axmed.

Maayirka degmada Caynabo ayaa sheegay in dhaqaalaha ay biyaha ugu dhaaminayaan tuulooyinka ay ka soo ururiyeen ganacsatada gobolka oo ay kala shireen siddii biyo loo gaadhsiin lahaa deegaanada aanu roobka di’in ee biyo la’aantu saameysay.

Axmed waxaa uu sheegay in aanay jirin awood kale oo ay ku caawiyaan dadkaasi dhibaataysan.

Maxamed Faarax Sugaal oo qoyskiisu ku nool yihiin tuulada Ulasanka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay maalmaha qaar wax ay waayaan waxay raashiin ku karsadaan, biyaha loo keenana aysan ku filnayn. Wuxuu xusay in maamulka degmada ay qaylo dhaan ugu tageen markii ay waayeen roobka gu’ga oo deegaanada kale ka da’ay.

Maxamed qoyskiisa waxaa uu ku tiirsanaa lix bilood ee u dambeeyay biyo dhaaminta loo sameynayay.

“Aniga iyo caruurtuba waan joognaa, walaahi waa dhibaato, wax aan ku guurno  ma hayo, biyaha naloo keenaa waa wax 20 litir aan ka badnayn, degdeg ayeyna u dhamaanayaan oo dadkii oo haraadan ma haysan karto oo waala wada cabayaa,” ayuu yiri Maxamed oo xoolihii uu qoyskiisa ku tiirsanaa kaga leeday abaartii ku dhufatay sanadkii 2018.

Waxaa ay qoyskiisu ku noolyihiin 60$ oo walaalkii oo Burco degan si bile ah u siiyo. Lacagtaasi waxaa ay siistaan bur, bariis iyo sonkor.

Farax Maxamed Cabdilaahi oo todobaadkiiba hal maalin iyada iyo saddex caruur ah oo ay dhashay biyo dhaaminta ka faa’ideystay, waxay sheegtay in deegaanka ay hadda joogto u timid si biyo u hesho.

Bishii December ee sanadkii hore ayay kasoo guurtay meel baadiye oo qiyaastii 45KM u jira tuullada ay hadda ku nooshahay.

Caruurteeda waxaa ay cuno u karisaa laba wakhti si ay u yareyso biyaha ku baxaya qoyska oo aanay ubadku u waayin biyo ay ku noolaadaan.

“Xoolaha yare e noo haray cid kaama iibsanayso oo waa caato, ilaahay ayaan sugaynaa iyo qolada wax noo shubta, ciyaalkii cunaha ayuunbaan u qoynaynaa hadda.”ayay tidhi Farax.

Previous Post

Mudug: Qoysas biyo la’aan uga barakacay Tuulo-barwaaqo

Next Post

IDAACADDA MAANTA – TALAADO 2 -JUL-2019

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA – TALAADO 2 -JUL-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo