Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas biyo la’aan uga barakacay Tuulo-barwaaqo

Radio Ergo by Radio Ergo
July 1, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas biyo la’aan uga barakacay Leego

Keydka Raadiyow Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysaska danyarta ah ee ku nool tuulada Barwaaqo oo 34km dhinaca woqooyi galbeed ka xigta magaalada Galdogob ayaa bilaabay in ay deegaanka ka barakacaan tan iyo toddobaadkii hore markii uu jabay ceelka riigga ahaa ee deegaanka isla markaasna ay cirka isku-shareereen qiimaha fuustada biyaha ah.

Deegaanka oo aan lahayn ceelal gacmeedyo ayaa dadka ku nool waxaa ay ku qasbanaadeen intii awooday in ay iibsadaan biyo booyado ay ka soo qaadaan ceelal kale oo ku yaala magaalada Galdogob.

Fuustada biyaha ah ayaa ka joogta Tuulo-barwaaqo 160 kun oo shilin ($). Dadka halkaas degan ayaa isugu jira xoola-dhaqato iyo dad ay inta badan xooluhu dhaafeen oo tuulada ku haysta xoogaa adhyo ah.

Farxiyo Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka. Farxiyo oo ah hooyada qoys 10 qof ah mudo sadex maalmood ah ayay soo moogan tahay deegaankeedii.

Tuulada ayay ka soo barakacda kadib markii ay ku adkaatay in ay hesho lacag ay ku iibsato biyaha tuulada la keeno, kuwaas oo aan booyaduhu ogolayn in ay iibiyaan wax ka yar fuusto.

Qoyskeeda iyo 10 neef oo ari ah oo uga haray 200 oo neef oo ay abaarihii kala dambeeyay ku weyday ayay ula dhawaatay tuulada Xero-jaalle, Halkaas oo ahayd meesha ugu dhow ee biyo bilaash ah ay ka heli kartay. Farxiyo oo uur 7 bilood ah leh ayaa waxay lugaynaysay in ka badan 24 saac si ay biyo u hesho.

“Markii ceelka ay cilada ku timid, qofkasta meeshii uu ciirsan karay ee biyo uu ka heli karay ayuu qoyskiisa la’aaday. Deegaanada ugu badan ee dadku ay ubarakceen waa Bayra, iyo Xero-jaalle, oo biyaha bilaash looga helikaro, Xero-jaalle oo hadda duleedka aan joogno biyaha waxaan kacabna matoorka kuyaal,” ayey tiri Farxiyo oo intaa raacisay “Waad dareemi karta qof xaamilo ah oo wata caruur laba jir u yar yahay oo safar lug ah gashay islamarkaana aan wax gadiid ah wadan wixii agab ahaa ee wax lagu cunayayna dhabarka kuwada dhibaatada ay dareemayso, nafta igu qasabtay in aan lugeeyo si aan biyo ugu helo qayska.”

Muddadii afarta sano ahayd ee ceelku ku yaalay deegaanka barwaaqo, farxiyo iyo, qoysaska la mid ka ah waxa ay biyaha si bilaash ah uga heli jireen ceelka ciladoobay. Waxay u sheegtay Raadiyow Ergo in halka ay dagan tahay ay ku wehliyaan qiyaastii ku dhawaad 100 qoys oo ka soo barakacay biyo yarida ka jirta barwaaqo

Farxiyo waxay ka walwalsan tahay xaalada hoy la’aan iyo cuno yari ee ku haysata deegaanka ay u barakacday. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay xataa raashinka ay isticmaalayeen saddexdii cisho ee u dambeeyay in uu gabaabsi yahay.

“Maryo aan badnayn oo aan uhuwiyo caruurta mooye wax agab kale ah ma wato mana soo qaadi karin, Duleedka xero-jaalle waxaan udagay waxa weeye magaalada waxaa dagikara qof guryo ku leh, guri kiro ahna lacag uma hayo. Qasab ayey igu noqotay halkan in aan joogno, ilaa 80 qof oo aan deegaanka ka soowada barakacnay ayaan halkan isla joogna,” ayay tiri farxiya

Cabdi Jaamac Yusuf aabaha qoys ka kooban 9 qof, wuxuu ka mid yahay dadka ku haray deegaanka Barwaaqo ee biyaha ku iibsanaya lacagta adag. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu ku badbaaday lacag kayd ah oo u tiilay.

Waxa uu xusay in qoysaska lacagta biyaha heli kara ay dalbadaan booyad biyo ah oo 50 qaad ah oo la siisto $40. Barwaaqo waxaa xilligan sidoo kale biyaha geeya booyado fuusto fuusto u shuba qoysaska iibsan kara.

Cabdi wuxuu qoyskiisa ku badbaadinayaa lacag aan badnayn oo uu ka kaydiyay gargaar lacageed oo bishii ah $75 oo ay mudo lix bilood ah siinaysay hay’adda Care International, taas oo joogsatay bishii May. Wuxuu sheegay in lacagtaas ay tahay mid aan sii wadi karayn haddii aan ceelka wax laga qaban.

Abdi wuxuu haystaa neef oo ari ah, Kuwaasi oo uga badbaaday 150 oo ari ah iyo laba owr oo qoyska gaadiid u ahaa oo abaartu dishay.

“Ceesaamo yar yar iyo riyo dhowr ah oo riman ayaa ii jooga, haddii aan iyaga iibsan la haana si aan biyo ugu helo wax iib ah waan ku waayay, Dadka xiligan waa ay iskudul nooyihiin oo qofkii aan wax haysan biyaha wuu barya. Qolyaha biyaha keena tuulada ma ogala wax dayn ah, waxaana taasi nagu keentay walwal. Waxaa ii qorshaysan in aan meeshii kale ee aan biyo ka heli karo, qoyska aan la aado sababtoo ah biyo la’aanta ayaa igu qasbaysa,”ayuu yiri Cabdi.

Dadka deegaankan iyo maamulka ayaa sheegaya in aysan iibsan karin Bamka ceelka oo ku kacaya ilaa $4,000.

Gudoomiyaha deegaanka Barwaaqo Xirsi Cumar Xasan (Xirsi Ganey) ayaa sheegay in injineero ceelka ay tuseen ay u xaqiijiyeen in cilad culus ay ka gaartay bamka islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in laga badalo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in boqol qof in ka badan ay ka guureen deegaanka ku waasi oo uhayaamay deegaano ay biyo bilaash ah ka heli karaan.

“Ayaan daro markii ceelku naga jabay, dadka waxa ay noqdeen kuwa deegaano kale maciin biday iyo kuwa deegaanka wali ku sugan, Dhibaatada haysata dadka ku haray deegaanka ayaa ah hal booyad ayaa timaada maalintii intaas oo qoys iyo xoolohoodana ma celinkarto, Galdogob iyo Gaalkacyo wax gurmad ah oo aan ka helnay ma jirto, qorshe kale oo aan hayna majirto sababtoo ah qarash ayuu ubaahn yahay dib uhagaajinta ceelka, dadka deegaankuna awoodaas hadda ma hayaan,”ayuu yiri gudoomiyuhu.

Xoghayaha maamulka degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Bashiir Maxamuud Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in deegaano badan oo ka durugsan Galdogob uu matoorka deegaanka Tuulo-Barwaaqo dabooli jiray baahidooda dhanka biyaha.

Waxa uu xusay in ay ka warhayaan xaalada biyo la’aaneed ee ku soo korortay deegaankaas labadii todobaad ee la soo dhaafay islamarkaana hay’ada ceelsha qoda ama dayactirta ee baasawayn iyo wasaarada arimaha gudaha Puntalnd ay fariinta la xariirta ceelka ciladoobay ay u gudbiyeen balse aysan wali jawaab kahelin. Intaas waxa uu ku daray in ay jiraan dad biyo la’aanta k abarakacay kuwaas oo tagay deegaanada uga dhow Galdogob ee biyo ay ka heli kareen.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA – ISNIIN 1 -JUL-2019

Next Post

Somaliland: Biyo dhaamin laga sameeyay tuulooyin aan roobka guga helin

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Xaalufka oo keenay in lo’du ka dabar go’do gobolka Mudug

Somaliland: Biyo dhaamin laga sameeyay tuulooyin aan roobka guga helin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo