Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qorraxay- Carruur reer miyi ah oo wax-barasho ka helay iskuul ku yaala Shaygoosh

Radio Ergo by Radio Ergo
July 8, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Qorraxay- Carruur reer miyi ah oo wax-barasho ka helay iskuul ku yaala Shaygoosh

Iskuulka Shaygoosh oo ku yaala Itoobiya ayaa waxbarasho bilaash ah siinaayo carruurta qoysaska Soomaalida reer miyiga/Maxamed Khaliif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdulaahi Axmed Muxumed waxaa uu ka mid ahaa 45 arday oo bishii hore galay Imtixaanka Qara ee dugsiga sare ee Dowladda Itoobiya.

Isaga oo siddeed jir ah ayuu ka soo dhuuntay qoyskiisa oo daganaa baadiyaha deegaanka Yocob oo ka tirsan gobolka doollo, si uu ugu biiro ardayda wax-ka-barta Iskuulka reer guuraaga ee Shaygoosh.  Xiligaa uma suurta galin in uu bilaabo sababtoo ah waxaa uu ku soo aaday waqti ay xirmay diiwaan galinta ardayda. Sanadkii xigay ayuuna ka mid noqday ardaydii la qaatay.

“Wiilashii ka yimid iskuulka baadiyaha ayey noogu yimaadeen iyaga oo ka hadlaya nolol cusub, system cusub iyo waxyaabo aanan aqoon, oo hor leh iyo sida ay wax u soo dhigteen, waxay ka soo faa’iideen iyaga oo nooga sheekeynaya ayey noo yimaadeen. Waxaana is iri bal dadkaan waxa ay sheegayaan ka war doon,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Iskuulka Shaygoosh waa mid ka kaliya ee ku yaala dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya kaas oo ay carruurta reer miigu ka helaan hooy ay seexdaan, cuno iyo waxbarasho bilaash ah.

Iskuulkan oo ay gacanta ku hayso dowlad-deegaanka Soomaalida waxaa wax dhiga 34 macalin oo shan ka mid ah ay yihiin dumar.

Iskuulka ayaa waxaa haatan dhigta 620 arday oo 76 ka mid ah ay yihiin gabdho. Sanadihii ugu horeeyay waxaa la waayay arday timaada si ay wax u bartaan, waxaana sanadkii ugu horeeyay Iskuulka la keenay 34 arday oo lagu keenay iskaashi uu maamulka Iskuulku la sameeyay odayaal dhaqameed dagan dowlad deegaanka si reer walba ay u keensadaan arday wax loo baro.

Hadda oo ay dadka reer guuraaga ahi qaarkood fahmeen qiimaha waxbarashada haddana wali waxaa adag in reer miyigu ay keenaan gabdhahooda, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay maamule ku xigeenka Iskuulka Shaygoosh Axmed cabdi Ibraahim.

“Sanaddadii ugu horeeyay waxaan oran karnaa wax gabadh ah kuma aysan jirin, Tusaale ahaan labadii lood ee ugu horeeyay gabar ma lahayn, Loodkii saddexaad shan gabdhood baa ku jiray, ilaa hadda tirada gabdhaha aad bay u liitaa. Waagiii hore Wiilkii baa la la’aa, oo sidii lagu helayay ay adkeyd, gabadhna warkeedba daa’. Dadkeennu xagga gabdhaha dee in ay wiilka dharka u dhaqdo ama ay xaafadda ka shaqayso mooyaane xagga waxbarashada aad uguma dadaalaan,” ayuu yiri maamule ku xigeenka.

Nimco Maxamed Cali waxa ay ka mid aheyd shan gabdhood oo ku biiray iskuulka Shaygoosh sanadkii 2009-kii.

Waxa ay sheegtay in ay arday dhigata dugsigan ay u amaaneen sidaana ay ku jeclaatay in ay ka mid noqoto iyada oo 8 jir ah.

“Hooyadeey baan u sheegay oo waxaan ku iri hooyo waxaa jira Iskuul tayo leh ana waxa aan doonayaa in aan ka mid noqdo in kasta oo aanan la iga maarmeyn. Markaa hooyadeey way ku qanacday oo iyada oo i wadda ayey i keentay, ka dibna waa la I diiwaan galiyay oo si fiican baa la ii xareeyay,” ayay tiri Nimco.

Nimco waxa ay ka mid noqotay sidoo kale dufcadii ugu horeysay ee ay gabdho ku jiraan oo ka qalin jabisay dugsiggan sanadkii 2018-ka. Waxa ayna ku biirtay kuliyadda Maamulka iyo maareynta ee Jaamacadda Qabri Dahare oo ay hadda Simisterkii saddexaad ka dhigato.

Axmed Deeq Daahir waa Aabe dhalay toddobo carruur waxaa uu iskuulkan geeyay curadkiisa oo lagu magacaabo Xaddiis sanadku marka uu ahaa 2007dii arintaas oo ay ooridiisu isku khilaafeen.

“Hooyadii markii hore waan isku soo leynay oo waxa ay tiri wiilkeyga meeshaa la iga geyn maayo. Dayaarad baa lagu qaadi oo caruurta waa la iga gaalayn bay tiri. Ana shakigaa wuu igu jiray balse waxa aan iri naa waxa ay dooni ha noqotee wiilal tolkiisuu la joogaa waxay noqdaan ayuuna la noqon. Markii hore dareen aad u xun baan ka qabnay oo waxa aan is lahayn amaa caruurta la idinka gaaleeyaa,” ayuu Axmed yiri mar uu ka hadlaayay sida uu wiilkiisa ku bilaabaty waxbarasha.

Xaddiis oo 22 jir ah, hadda ayuu dhameeyay Imtixaankii ugu danbeeyay ee Kuliyadda Xisaabiyenimo ee heerka koobaad ee jaamacadda Jigjiga. Aabe deeq ayaa marka uu arkay is badalka qurxoon ee ku dhacay mustaqbalka curadkiisa waxaa uu sidoo kale geeyay iskuulka wiil yar oo uu dhalay kaa oo hadda dhigta fasalka sadaxaad ee Iskuulka Shaygoosh.

“Hadda waxaan hooyadii ku dhahaa naa waa kan waagii waxaad nagu haysatay iyo saaka waxaad arkaysid bal ka waran ayaan iraahdaa? Wiilkaagii wuu kuu qalin jabinayaa oo dhawaan inta uu shaqo bilaabo ayuu lacag kuu suu diri doonaa, Hadda waxaan arkay dhadhanka ay leedahay waxbarashada oo waxa aan is dhahaa in aad caruurta iska wada gayso ayey aheyd haddii lagaa qaabaynayo waabana la iga qaabayn lahaaye”.

Maamule Ku xigeenka Iskuulka Axmed Cabdi Ibraahim ayaa sheegay in hadda tiradii loogu tala galay iskuulka ay dhigtaan isla markaana codsiyada uga yimaada dadka reer miyiga ah ee sanad waliba aanay wada aqbali karin maadaama tirada ardayda iskuulka intii loogu tala galay ay dhaaftay.

Waxa uu sheegay in sanadkiiba ay qaataan tiro la eg ardayda ka qalin jabisay fasalka 12 ee Iskuulkooda kuwaa oo ay u qaybiyaan sagaalka gobol ee ay dowlad deegaanku ka kooban tahay.

Codsi ku aadan balaarinta iskuulkan oo ay u gudbisteen dowlad-deegaanka Soomaalida ayuu sheegay in laga aqbalay isla markaana miisaaniyaddii ugu horeysay ee balaarinta iskuulka ay sugayaan sanadka cusub ee Taariikhda Itoobiya.

Previous Post

Jigjiga: Haween shaqo abuur loo sameeyey

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 08 JULY 2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 08 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo