Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jigjiga: Haween shaqo abuur loo sameeyey

Radio Ergo by Radio Ergo
July 8, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Foosiya Jaamac Haybe oo haysataa 6 carruur  waxay ku nooshahay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxay iibisaa kabaha ragga oo ay ka keento magaalada Addis Ababa. 

Waxay ganacsigan bilowday bishii Febaraayo 2018, markii ay 12500 birr (450 doolar) ah ay ka daynsatay Shirkad maalgelineed oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin.  

Foosiyo ayaa sheegtay in nolosheedu ahayd mid hoosaysa, oo aan u heli karin quutal yoonka qoyskeeda si dhammaystiran, haatanse fursadda ganacsi ee Shirkadda RAYS u sameeyey ayaa nolosheeda wax badan ka baddalay. 

 “Annigoo wax cunno aan haysan, meel aan wax ka doono garan la’ ayaan lacagtan helay, waxay ahayd lacag yar, laakiin aniga iigama duwanayn deeq la i siiyey,” ayey tiri foosiyo jaamac. 

Shirkadda ayaa waxay Foosiya deynta ku siisay dulsaar dhan 18%.

Foosiya hadda waxay haysataa dhaqaale ay ku sheegtay 100 kun oo bir, ( 3,671 doolar), oo aan wax dayn ah lagu lahayn, waxay kiraysatay guri laba qol ah oo ay ka bixiso kiro dhan 1,500 oo birr bishii. Sidoo kale waxay ka heshaa ganacsiga biilka qoyskeeda. 

 “Lacagta muddo sanad ah ayaa la ii qabtay in aan isaga celiyo, waxaanse ku bixiyey lix bilood, ganacsigaygiina wuu ii fiican yahay,” Foosiya ayaa sidaas u sheegtay Raadiyow Ergo.

Inta aysan ganacsigan billaabin, waxay ku lahayd guri magaalad kaa oo marki dambe ay u iibisay labo ka mid ah wiilasheeda oo uu  magafena ku qabsaday Liibiya.

Wiilashan oo tahriibay 2017 ayaa weli ku sugan Libya

Saygii Foosiya wuxuu ku dhintay shil gaari sanadkii 2015. Waxayna ka mid noqotay 45 qof oo dan yar ah oo shirkadda Rays oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, oo daymo siiya dadka dan yarta ah. 

“Rajadaydu waa in aan ganacsigayga ballaadhiyo, oo aan dukaan kale furto, haddii dayn kale aan u baahdana hadda waa la i amaahinayaa, in aan guri dhisto ayaan iyadana qorshaynayaa,” Foosiya ayaa sidaas ku haminaysa. 

Fardowso Cabdi oo ahayd hooyo guri joog ah  waxay dayngaaraysa 20 kun oo bir (714  doolar) ka qaadatay Shirkadda bishii Abriil ee sanadkaan, hadda waxay iibisaa dhar ay ka keento magaalada Togwajaale ee ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. 

“Laba bil ayaan hadda iska bixiyey wixii deyn la ii qoondeeyey, lacag hadda ka badan 50 kun ayaan haystaa, carruurtaydiina waan biishaa, waxay ii tahay nolol cusub, waan ku faraxsanahay inaan shaqaysto” ayey tiri Fardowso. 

Fardowso waxay haysataa todoba carruur ah, odaygeedu wax shaqo ah ma hayo, wuxuuna hadda kala shaqeeyaa goobta ay furteen, waxay sheegtay in ay daynta hal mar wada bixin karto, laakiin sida loo qorsheeyey ay doonayso in ay bil kasta u bixiso. 

Maamulka Baanka ayaa sheegay in labada qof ee daymaha bixin waayey ay xaliyeen arrintooda dadkii damiintay, haddana aysan dhib ku qabin, taasina ay dhiiri gelinayso in ay sii wadaan, ayna rabaan sanadka soo socda in ay 50 qof oo kale daymo siiyaan, haddana ay wadaan qabashada araajida, ayna quud daraynayaan inay gobollada kale ee maamulkana gaarsiiyaan. 

Maxamed Amin Sharif Axmed waa gudoomiyaha Baanka Rays qaybtiisa dawlad degaanka Soomaalida, wuxuu sheegay in bishii Janaayo ee sanadkii 2015 shirkadaan faraciisa Jigjiga la furay, isla markaasna ay bilaabeen inay daymo siiyaan dadka dan yarta ah. 

“Qorshaheenna waa in aan gacan–siinno dadka saboolka ah, dadka hanaanka bangiyada wax looga qaato ma garanayaan, iyagaana na soo raadiya, markaas kadib ayaan xaaladiisa derisnaa, waxaan aan qofka ku xirnaa in uu keeno qof damiinta, sidaas ayaan lacagta ku siinnaa,” ayuu yiri Maxamed.  

Dadka ay deymaha siyeen sanadkaas oo 35 ka mid ahi haween yihiin.

“Dadkaan gacanta siinay hadda iyagaa ganacsiyo iskood u taagan yeeshay, dhaqaale madax banaanna way haystaan, ciddii wax kale oo ka sii badan u baahatana waan dayminaa, waanan sii wadaynaa, waayo waa qorshe aan wax la’aanta dadka haysata gacan ka siinayno” ayuu yiri Maxamed. 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, AXAD 07 JULY 2019

Next Post

Qorraxay- Carruur reer miyi ah oo wax-barasho ka helay iskuul ku yaala Shaygoosh

Related Posts

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Next Post
Qorraxay- Carruur reer miyi ah oo wax-barasho ka helay iskuul ku yaala Shaygoosh

Qorraxay- Carruur reer miyi ah oo wax-barasho ka helay iskuul ku yaala Shaygoosh

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-AUG-2026

IDAACADDA 24-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo