Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qiima koror ku yimid qudaarta la geeyo magaalada Muqdisho

developer by developer
May 24, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiimo koror ayaa muddo shan toddobaad ah ku yimid qudaarta lagu iibiyo suuqyada Seybiyaano, Bakaaraha, Beerta, Banaadir, Wadajir iyo Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho kadib markii ay yaraatay qudaartii laga keeni jiray beero oo badankood ku tiirsanaa biyaha Webiga Shabeelle.

Webiga oo qallalay bishii saddexaad ee sannadkan ayaa waxaa biyihiisa ka faa’iidaysan jiray beeralayda gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Beeralaydaas ayaa dalagyadooda loo soo iibgayn jiray suuqyada magaalada Muqdisho.

Inkastoo hadda uu webigu biyo keenay, haddana ma gaarin heerkii beeralaydu ay dalagyadoodu ku beeran lahaayeen taas oo sii xoojinaysa kororka qiimaha qudaarta la heli kara hadda.

Tiro ka badan 30 gaari ayaa suuqyada magaalada Muqdisho khudaar keeni jiray maalin walba, haddase waxaa yimaada in ka yar 10 gaari.

Qudaarta qiimo kororku ku yimid waxaa ku jira baradhada oo kiiladeeda la gado 40 kun oo shilinka, halka markii hore ay aheyd 18 kun oo kaliya.

Yaanyo waxaa tanaggii la iibiyaa 400 oo kun oo shilin, waxaana markii hore la gadi jiray 120 kun shillin.

Haafka liin dhanaanta ah ayaa maraya 1,200,000, iyadoo markii hore uu ahaa 500 kun oo shilin Soomaali ah, sida uu Raadiyow Ergo u xaqiijiyay Xasan Maxamed Sakeel oo kamid ah ganacsatada qudaarta iibiya.

Caasho Xasan Muxumud oo iibinta qudaarta ku jirtay toddobo sano waxay sheegtay qudaarta oo suuqyada ku yar ay sababtay in waydo tiradii markii hore ay heli jirtay oo ahayd 10 loor oo qudaar kala duwan ah.

“Hadda qudaarta faaido kuma qabo laakiin, marki hore waan ku qabi jiray. Wax badan ayaan waayay. Waxaan helaa 50 kun halka aan markii hore ka heli jiray lacag dhan 300 oo kun  maalintii,”ayay tiri Caasho oo lix ka mid carruurteeda oo dhigata iskuul ka bixin jirtay lacag $34.

Xasan Maxamed Muudeey oo ku nool tuulada Irdoole oo magaalada Afgooye u jirta 5 km, waxuu leeyahay beer shan hektar ah.

Qudaar uu beertay bishii Maarso ee sanadkaan ayaa ka qallashay kadib markii uu angagay webiga Shabeelle. Waxaa uu hadda nolasha reerkiisa ku maareeyaa iibinta subag laga dhaliyo caano laga liso ari u jooga.

“Kun iyo laba boqol (oo doolar) oo ah diyaarinta beerta iyo shaqalaha ayaa iga baxday. shan boqol dollar oo abuur ahna way iga gashay. Haddana nolasha reerku waxaan ku xaliyaa iibinta subagaas,” ayuu yiri Xasan oo intaas raaciyay in uu iibinta subaga ka helo lacag dhan 550 kun oo shilin.

Waxaa sidoo kale ay saameynta gaartay in dadka iibsada qudaarta, kuwaa oo qaarkood awoodi waaya in ay u helaan sidii hore.

Xaliimo Xasan Maxamed oo ku nool xaafadda jaamacadaha ee degmada Hodan waxay sheegtay in markii ay qudaarta sare u kacday, ay doorbiday in ay iska dhaaftay.

“Ma awoodo in aan iibsado qudaarta. Quraacda hal dollar ama anus dollar ayaan ku so adeegan jiray, haddana waa saddex ama afar dollar,” ayay tiri Xaliimo.

Previous Post

Muqdisho: Isbitaalka Martiini oo la talacaalaayo dadku qaaxada ku xumaatay

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 25-MAY-2019

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 25-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo