(ERGO) – Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho waxaa ku yaal xarun saddexdii sano ee la soo dhaafay shaqaynaysay oo lagula tacaalo daaweynta ee iyagu u adkaysta daawada.
Daaweynta dadkaan oo qaadata wakhti ka badan inta qofka qaaxada qaba lagu daaweeyo ayaana Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan ka waraystay Dr. Cabdiqani Axmed Maxamed oo ah takhtarka ka hawlgala xaruntaas.








