Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

Radio Ergo by Radio Ergo
May 14, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

Mid ka mid ah dhalinyarada ka shaqaysa xanaanaynta geela/Faarax Dubad/ Raadiyo Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Diiriye, waa 25 jir ku shaqaysta xirfada dhaqaalaynta geela muddo lixbilood ah.

Waxaa u suuragashay inuu qoyskiisa ka raro xero barakac oo lagu magaaci Xalxaliyo oo dhanka waqooyi kaga beegan Laascaanood.

Qoyskiisa ayuu u raray tuulo ay ku nool yihiin dad barakacay oo lagu magaaco Kabaalka xarggaga taa oo 20km u jirta magaalada Laascaanod.

Sida uu Raadio Ergo Maxamuud, qoyskiisa oo ka kooban afar qof ayaa abaarti 2016-2017 ku waayay 180 neef ari ah taa oo sabatay inay noqdaan barakac.

Kadib dhawr bilood oo ay qoyskiisa ku noolaayeen xerada barakac, ayaa wuxuu Maxamuud go’aansaday in uu shaqo u raadsado magaalada Laascaanood.

Maxamuud ayaa ku hiranaayay nin saaxiibkii ah oo geel u raaco niman ganacasato ah oo duleedka magaalada Laascaanod ku heysta geel.

Laba bilook uu shaqo raadis ahaa kadib ayuu helay shaqadan geel dhaqaalaynta ah oo uu ka qaato mushaar dhan $180.

Geela oo ay dhaqaaleeyaan Maxamuud iyo afar dhallinyaro ah ayaa tiro ahaan dhan 170 halaad ah.

Maxamuud ayaa mushaarka uu qaato 80 doollar ku maareeya nolasha qoyskiisa halka inta kale uu kadiyo.

“Nolashoodii waxaa iska badalay inay heleen daryeel marki hore aysan haysan, waxay sidookale heleen raashin aysan awal heli karin iyo hoy fiicaan oo ay dagan yihiin hadda,” Maxamuud ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

Maxamuud ayaa qorshayna in marka lacagta kaydka ah ay u badato uu xoolo ku gato si noolashiisi hore uu dib ugu laabto.

Inti ay ku jireen xerada qoyskiisa, waxay ku tiirsanyanayeen raashin gargaar ah oo ay ka heli jireen hay’adaha samafalka.

Waxaa la siin jiray raashiin isugu jiray bur, bariis iyo sonkar.

Sababta ugu waynayd  ee Maxamuud ku dhalisay in uu shaqo u doonto magaalada laascaanood ayaa ahayd xaaladda qoyskiisu ku sugnaayeen iyo inuu isbeddel uun sameeyo si ay uga guuraan xerada noolal fiicanna u helaan.

Sanadihii danbe ayaa dalka waxaa ku soo kordhayay ganacsato la timid fikir ah in geela la xanaaneeyo isla markaana caanihiis la iibiyo.

Cabdiraxman Jaamac Mire, oo ah ganacsade ku nool magaalada Laascaanood ayaa afar sano ka hor, xarun geela lagu xanaaneeyo ka furay duleedka magaalada Laascaanood.

Xaruntiisa waxay shaqo abuur u sameesay 9 qof oo 4 kamid ah yihiin dadkii xoolaha ku waayay abaarahii 2017-kii.

Waxayna is kugu jiraan dhallinyaradaas kuwa xanaaneeyo geela iyo kuwa ka shaqeeya iibgaynta caanaha.

Wuxuu tilmaamay 24 kii saacba uu ka liso 140 litir oo caano ah.

Caanaha ayaa la geeyaa dukaamada Magaalada Laascaanood.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan, halkii litir ayaa lagu iibiyaa hal doolar iyo laba senti.

“Magaalada Laascaanood awal lagama ba heli jirin caano geel oo dhaay ah laakiin hadda meel kasta iyo mehrad kasta, waxaa laga heli karaa caano dhaay ah, maadama magaalada banaankeeda ay joogaan geel badan. Aniga caanaha magaalada waxaan geeyaa laba waqti subixii iyo maqribkii, ” ayuu yiri Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in geela la siiyo maankaal, galay, cows, boorash iyo biyo ay u soo dhaamiyaan bishiiba mar oo barkad ugu shubaan.

Mustafe Maxamed Cabsiiy, muddo sanad  ah uu shaqo la’aan ahaa ayuu maqlay in ay jiraan xeryo lagu xanaaneeyo geel.

Qoyska Mustafe oo ka kooban yahay 8 qof waxay ku nool yihiin xero barakac oo lagu magacaaboDharkeyn oo 90 KM u jirta magaalada Laascaanood.

Qoyska ayaa yimid kadib markii xoolahoodii oo gaarayay 300 neef oo ari ah ay uga dhinteen abaartii 2017dii.

Muddo bil ah ayuu subax walba shaqo u raadsan jiray xarumahan lagu dhaqaaleeyo geela.

Nasiib wanaag, bishii 1aad ee sanadkan 2019-ka ayuu shaqo helay.

Mustaf iyo 7 dhalinyaro ah ayaa ka shaqeeya xarun lagu xanaaneeyo 180 neef oo geel ah.

Waxay mushaar ahaan u qaatana 120 doollar midkiiba.

“Way kala duwan yihiin, xoolaha baadiyaha jooga  iyo kuwaan xareysan, waxayna kaga badalan yihiin, kuwan xaraysan howl yaraanta iyo nacfiga laga helayo oo badan,”. Ayuu yiri Mustafe.

Xarumaha lagu dhaqo geela ee ku yaala banaanka laascaanood ayaa gaaraya 24 kuwaa oo shaqo abuur ay ka heleen 45 dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoyasaska abaaraha ku cayrtoobay.

 

Previous Post

Garowe: Beero u qallalay biyo yari soo wajahday

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 14-MAY-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 14-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo