Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Garowe: Beero u qallalay biyo yari soo wajahday

Radio Ergo by Radio Ergo
May 14, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Qaxooti Dhadhaab ka noqday oo dib u billaabay tacabka beeraha 03 October, 2016

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 40 beerood oo ku yaalla deegaanka Timir oo 78 km dhinaca waqooyi Bari ka jira magaaladda Garoowe ayaa qallalay lixdii bilood ee ugu dambeeyay, markii ay gureen 28 ceelal yar yar ah ceelka ugu weyna uu yahay 12 mitir oo gacan ku qod ah.

Waxaa sidoo kale guray oo ay beeraha ku tiirsanayeen meel godan oo il-biyo ka iman jiray ah, dadka matooro ayay uga soo qaadi jireen biyaha laaskaas iyo ceelashaba.

Tuuladan oo ay deggan yihiin 60 qoys ayaa nolashoodu ku tiirsan tahay wax-soo-saarka beeraha oo ay u iibgayn jireen suuqyada magaalada Garoowe, deeganno kale oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo Qardho.

Beerahan waxaa ka soo go’i jiray dalagyo khudaar ahaa sida yaanyada, basasha, karootada, barbarooniga, baamiyaha, koostada, liinta, saytuunka, batiikha, qaraha, babayga iyo wixii la mid ah.

Hal beer oo keliya oo uusan weli gurin ceelkiisa waraabinayay ayaa hadda ka hartay beerahaas, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Xuseen Ciise gudoomiyaha deegaankaas kana mid ah beeralayda.

“Ilaa 5 sano halkaan wax roob ah kama di’in ceelasha sanadba sanadka ka danbeeyo way soo biyo yaraanayeen. Hadda hal beer oo kaliya oo ceelkeedu biyo yar leeyahay ayaa ka hartay, intii kale oo ahayd 28 ceel way halaabeen,” ayuu yiri Axmed

Aamina Ibraahim Nuur oo 50 jir ah, waa hooyo 11 carruur dhashay, waxay tuulada ku haysatay beer qudaareed laba higtar ah iyo 40 neef oo ari ah.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay lix sano ka hor ku xoolo beeshay abaar deegaanka ka dhacday, sidaas darteedna ay tuulada u soo degtay uguna biirtay tacabka beeraha.

Waxay sheegtay in dallagyada beerteeda oo u badnaa qudaar ay u iibgeyn jirtay Garowe iyo Qardho, isla markaasna ay xilliyada beertu tacab leedahay ay bishiiba ka heli jirtay celcelis ahaan $1000.

Dallagyadan ka qallalay ayaa saamayn ku yeeshay noolosha qoyska Aamino.

“Goortaan tabar u waayay ayaa waxaan ka saaray dugsigii iyo iskoolkiiba caruurta. Xitaa tuuladeena timir oo dugsi lahayd lacag la’aan ayaan uga saaray oo ardaygii 10 doolar ayaa laga qaadi jiray ” ayay tiri Aamino

Deynta hada lagu leeyahay waxay gaaraysaa 1500 oo doolar waxayna iskugu jirtaa deyn baqaar looga leeyahay iyo lacago kale oo deyn ah oo meel kale kasoo gali jiray.

Axmed oo ah gudoomiyaha deegaanka Timir, wuxuu deegaanka ku leeyahay beer hal hiktar iyo bar ah taas oo uu teer iyo bishii bishii saddexaad ee sannadkii hore geliyay lacag $2,534 oo $1800 oo ka mid ah uu dayn ku soo qaatay, beertaas oo uu filayay inay soo go’do bishii jannaayo ee sannadkan ayuusan ka helin wax dalag ah,  maadama ay biyo la’aan u qalaleen dhirtii.

Nolasha Axmed oo hadda waxaa lagu leeyahay lacag deyn ah oo gaaraysa 180 doolar , wuxuuna rajeenayaa in uu bixiyo haddii uu roob da’o oo biirtiisana ay u hagaagto.

“Dadka meel yar oo biyo ku jiraan oo laas ah ayay biyo ka cabaan maalintii biyuhuna way yar yihiin oo xitaa habeenka xaywaanada kale ayaa biyo ka caba meel hada inoo jirta 10 km ayaan biyaha kasoo dhaansanaa oo meesha biyo kale lama helo ”  ayuu yiri Axmed

Gudoomiayaha sheegay in dadka xoolaha ku heysta tuulada hareeraheeda ay u guureen meelo kale oo biyo leh, mase uu sheegin tirada ay ahaayeen.

Dadka tuulada timir ee awooda in ay iibsadaan fuustada biyaha ah waxay ku iibsadan $3-4.

Shayga ugu qaalisan ayna ugu baahi badan yihiin dadka tuulada Timir ayaa ah biyaha, dadka qaarkood ma iibsan karaan biyaha laga keenayo Garowe oo 78 km ah, Yako-yako oo iyaduna ka badan 70 km iyo tuuloyin kale ah, dadka aan heysan lacag ay ku gataan biyo ayaa waxay hadba lacabaan qoysaska biyaha loo keeno.

Canab Xasan Maxamed 55 jir ah leh 10 carruur ah, waxay beeralay ku ahayd timir 20kii sano ee u dambeeyay, waxaa ka qallay 70 geed-mirood oo 50 ka mid ah ay Saytuun ahayd 20 ka mid ahina liin dhannaan.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay xilliyada ay beerteedu baxdo in toddobaadkiiba laga soo guri jiray 100 kiilo, halkaas oo ay bishii ka heli jirtay ilaa $300.

Waxay sidoo kale beeran jirtay gudaarta.

Canab waxay ka mid tahay dadka weli ku tiirsan kaydadkoodii hore ee dhaqaalaha waxayna carruurteeda oo agoon ah afar ka mid ahi weli waxbarasho kaga jiraan Garowe.

Waxay naawilaysa in deegaanku roobsado gu’gan si ay dib ugu qodato ceelkeedii waraabka beerta

“Xilligii roob la helo anaga waanu tashanaynaa, inta ka horeysa ilaahay deeq diisa waa furan tahay ilaahay baan u baahanahay. Haddii uu roob da’o ceelashadii baan qodayna haddii roob la waayna macno malahan ” Canab.

Previous Post

Beeralay ku cayrtoobay dab ka kacay magaalada Buraan

Next Post

Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo