Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Carruur ku dhintay roobab ka da’ay gobolka Barri

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal kun oo qof oo ku barakacday dadaad ku rogamaday xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobab socday in ka badan 8 saacadood, habeenimadii arbacada aheyd ayaa ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka bari ee Puntland.

Waxaa daadadkaas ka dhashay qasaaro isugu jira naf iyo maal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland iyo dadka deegaanadaas.

Ismaaciil Cabdi Ciise oo ahaa Aabbaha qoys ka kooban 4 carruur ah iyo hooyadood ayaa roobabkii ka soo rogmoday togga Qayaadsame ee u dhaxeeya deegaanada Laasa-Dawaco iyo Degmada Jurrile ay dhibaato u gaysteen.

Habeenimadii Arbacadu soo galaysay ee 15-kii bishan, ayuu Ismaaciil ku waayay 3 ka mid ah caruurtiisa roobkaas.

Isaga iyo dhamaan qoyskiisa oo degan deegaanka Gurane oo qiyaastii 25 KM u jira degmada Waaciye ayaa sidoo kale daadku kala tagay ari gaaraya 147 neef.

Ismaaciil ayaa sheegay in hadda 28 neef oo ari ah, iyo ratti ay u hareen.

“14-kii bishan ayaa roobku nagu soo curtay hal saac oo fiidnimo, laakiin shanta saac (11ka fiidnimo) ayuu nagu xoogsaday roobkii. Tog aan ag daganeyn ayaa biyo keenay, waxaan is laheyn dhinac ayay idinka marayaan, laakiin goor ay saacadu aheyd labadii ayuu roobku mar labaad xoogeystay, Togana jihada waqooyi bari ayaan anagu ka saarnayn, markii danbe ayay nagu soo dhaceen biyihii, waxeyna nagala tageen sadex caruur ah iyo aragii, waana iska farsamo Ilaah,” ayuu yiri.

Sadexda caruurta ah ee daadku la tageen ayaa da’doodu u dhaxeysay 2 sano ilaa lix sano jir.

“Biyuhu anagoo dhan waa nawada qaadeen, caruurta mid na waan xambaaray mid ka kalena gacanta ayaan haayay, caruurtu afar bay ahaayeen, Midna Hooyada ayaa xambaarsaneyd midna iyada gacanta haysay, marka waa cararnay markii biyo labada dhinac naga mareen, dhinicii aan is niri u carara ayaan toosh ku ifiyay mise waa Tog biyo marayaan,” ayuu yiri Ismaaciil oo ka sheekaynaaya wixi dhacay habeenkaas.

Maamulka Degmada Waaciye ee  ayaa gurmad u sameeyay qoyskaasi ku ceyroobay roobka iyo daadadka ka dhashay.

Waxaana deegaankii ay ku noolaayeen ugu tagay masuuliyiinta degmadaasi, si ay ugu soo ka xeeyaan dhinaca magaalada oo loogu aaso meydka caruurta.

Isxaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha gegmada Waaciye ayaa Idaacadda Ergo u xaqiijiyay in qasaaro baaxad weyn ay ka dhasheen roobabkaasi.

“Roobab fiican ayaa da’ay, runtii dhibaatooyin yar yarna waa dhaceen, meel degmada Waaciye hoostagta tuulada qiyaadsame, toggeeda ayaa dhowr reer biyuhu kula tageen, laakiin dad badan ayaa xoolihii ka dhamaadaan, waxaase ugu darnaa hal qoys oo sadex caruur ah iyo xoolihiiba ay daadadku kala tageen,” ayuu yiri Isxaaq.

Ku dhawaad 10 qoys oo kale oo iyaguna ku waayay daadadkaasi xoolo fara badan.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 17 – MAY – 2019

Next Post

Puntland oo samaynaysa biyo xireenno looga faaiidaysto biyaha roobka

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Waraysi aan la yeelanay khabiir ka tirsan SWALIM oo ka hadlaya duufaanta waqooyiga Soomaaliya

Puntland oo samaynaysa biyo xireenno looga faaiidaysto biyaha roobka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo